Dalalka Xad-wadaagga ah ee dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika ee kala ah Niger, Mali & Burkina Faso oo awooddooda maamulka awood kula wareegeen Militariga Dalalkaas ayaa ku dhawaaqay Isbaheysi cusub oo ay ku midoobeen.
Ujeedka Ururkaan lagu magacaabo SAHEL waa in ay ku mideeyaan Madaxda Dalalka Niger, Mali iyo Burkina Faso si ay u gaaraan midnimo & horumarinta Danaha ka dhaxeeya maadaama Dalalka kale intooda badan ay diideen xukun-maroogsi ay sameeyeen.
Saddexdaan Dal ayaa isaga baxay Isbahaysiga ECOWAS oo ay xubno ka yihiin Dalalka dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika, mar haddii ay tuke cambaar leh uu ka dhigay afgambiga ay xukunka ku qabsadeen waxa ay ku qasbanaadeen in ay Urur gaar ah sameystaan.
Waxa ay qaarkood qaadeen tallaabooyin ay marka hore isaga saarayaan Ciidamada Ajaanibta ah ee dhex degen si ay u ballaariyaan awoodda ay u leeyihiin inay samayn karaan dhaqdhaqaaq la xiriira baahinta awooddooda.
Horay u wajaheen culeys xooggan oo la xiriira in ay ku dhawaadeen weerar Culus oo uga yimaada Ururka ay ka baxeen ee ECOWAS maadaama axdiga uu ku dhisan yahay uu yahay in la garab istaago lana difaaco dhibaato weliba oo soo kororta.
Mid weliba oo kamid ah Hoggaamiyaasha Dalalka Niger, Mali iyo Burkina Faso ayaa Hawada Dalkiisa muddo kooban xiray sabab la xiriirta in ay cabsi ka muujinayeen Duullaan waqtigaas ay waji kareen sida hadalka loo dhigay.