War kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay diyaaradaha aan duulliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan in loo dhaweeyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu sheegtay in fogaan dhan 5 Cabirka dhinaca hawada ah ee afka qalaad lagu dhaho Nautical Mile oo dhan weliba ah in aanay loogu soo dhaweyn karin Diyaaradahaas Drones-ka ah.
Hay’addu waxa ay sheegtay in marka laga reebo Diyaarado Bilaa Duulliye ah oo ka diiwaangashan ama ka warqabto Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed sida lagu yiri qoraalkaan oo faafinta rasmiga ah maanta la geliyay.
Isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) waa laga mamnuucay agagaarka garoonka Aadan Cabdulle ee Caalamiga ah masaafo dhan 5 Nautical Mile oo dhan walba, marka laga reebo kuwa ka haysta ogolaanshaha Hay’adda Duuulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS)” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda Duullista Rayidka Soomaaliyeed.
Ammaanka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaa socda qorshe lagu xoojinayo sidii looga hortagi lahaa wax weliba oo keeni kara dhibaato ka dhacda sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Hay’adda SCAA.