Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Najmo Rashiid: Waxay doonaysay inay soo aragto hooyadeed oo xanuunsan balse naftu kuma simin

    Najmo Rashiid: Waxay doonaysay inay soo aragto hooyadeed oo xanuunsan balse naftu kuma simin

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 30, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Waxay lahayd hammi iyo hiigsi nololeed, Najma Rashiid Cabdiqaadir, waxay ahayd gabar muddo kooban ka hor Gaarisa ka dhamaysay dugsiga sare, mustaqbalkeeduna u ahaa mid riyooyin badan leh.

    Najmo, waxay timi Nairobi bilo uun ka hor si ay u raadsato fursad shaqo iyadoo ku noolayd guri ay habaryarteed leedahay.

    Qoyskeeda ayay najmo uga tmid si ay u hesho fursad shaqo si ay u garab istaagto.

    Ruqiyo Kedsane Caraale, oo ah hooyada Najmo Rashiid, allaha u raxmadee oo BBC-du la hadashay ma awoodin inay nala hadasho, waxayna si dareen leh u sheegtay inay ku qanacday waxaa Alle qadaray.

    Waxay ku jirtay safar ay doonaysay inay ku soo eegto hooyadeed oo xanuunsanaysay oo deggan Gaarisa basle naftu kuma siman inay aragto, oo waxay ku dhimatay shil doon oo ka dhacay webiga Tana Riva, shilkaas oo ay 23 qof oo ay Najmo ka mid ahayd ku qaraqmeen webiga.

    Ismaaciil Carraalle, oo aad ugu murugaysan geerida Najmo oo adeerkeed yahay ayaa BBCda u sheegay in ay ahayd qof karti badan oo doonaysay inay heer nolosha ka gaarto.

    “Aabbaheed ayey la hadashay oo ay u sheegtay inay rabto inay soo raacdo doonta, wuxuuse aabbaheed yimi daanta kale biyaha si uu ugu sugo, balse waxaa dhacay shilka doonta, xaaladduna waxay gashay jaahwareer iyo murug qoyska oo dhan” ayuu yiri Carraalle.

    Adeerkeed ayaa BBC-da u sheegay in Najmo ay la socotay gabar ay saaxiib yihiin oo loo sheegay inay badbaadday.

    FATAAHADA TANA RIVER

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Caraale, wuxuu kale oo sheegay in ka hor geerideeda ay sidoo kale telefoonka kala hadlaysay hooyadeed oo ay ku sii jeeday basle qadartu ay dhacday.

    Najmo, waxay muddadii ay Nairobi joogtay baratay qurxinta iyo cilaan saarka dumarka oo ah xirfad ay doonaysay inay shaqo ku hesho , Adeerkeed Caraale ayaa BBC-da u sheegay “Geerideedu si gaara ayey aniga ii xanuujisay oo aad ayaan uga danaqday, waxay ahayd gabar yar oo firfircoon oo baariyad ah”

    FATAHAADAHA KENYA

    XIGASHADA SAWIRKA,REUETERS

    Khasaarihii ugu danbeeyey ee fatahaadaha Kenya

    FATAHAADA KENYA

    XIGASHADA SAWIRKA,REUETERS

    Kooxaha samatabixiyaasha Kenya ayaa sheegay inay 91 qof wali la la’ayahay ka dib fatahaadaha xooggan ee ay sababeen roobabka mahiigaanka ah ee ka da’aya guud ahaan Kenya.

    Subaxnimadii isniinta ilaa 46 ruux ayaa ku dhintay deeganka Maai Mahiu ee bartaha kenya sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya.

    Inta la xaqiijiyey 169 ayaa ku dhintay daadadka iyo roobabka mahiigaanka ah ee wali ka socda dalka iyadoo sidoo kale daadadku ay cagta mariyeen guryo tiro beel ah oo dalka oo dhan ah.

    Ilaa hadda afar Ismaamul oo ay ka mid yihii Tana River, Nairobo,West Pakot, Homa Bay ayaa ah kuwa ugu daran ee masiibada fatahaaduhu ay waxyeeleeyeen.

    Homa Bay iyo Garisa, ayaa laga soo sheegay dhimasho hor leh. Taliyaha booliska Ismaamulka Nakuru, Samuel Nyandi ayaa sheegay in wali kooxaha samatabixiyaasha ay ku howlan yihiin sidii loo heli lahaa dadka la la’ayahay.

    Ilaa soddon kun iyo dheeraad qoysas ayaa ka baracay gurhayooda. Deeganka Sindo, ilaa oo ka tirsan Ismaamulka Homa Bay ilaa 161 kun oo qoys ayaa barakacay.

    Xogaha dowladda ayaa ku qiimeeyey in 190,942 kun oo qof ay waxyeelo gaarsiiyeen masiibadan dabiiciga ah ee ku dhufatay dalka.

    “ Waxaa si firfircoon u wada howlaha baaritaanada, samatabixinta iyo howlgalka rajo soo celinta gaar ahaan Nakuru, halkaas oo dhoobo soo butaacday ay iyo ilaa 23 qof oo kale oo la soo badbaadiyey” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha gudaha Kenya.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.