Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

    July 31, 2025

    Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

    July 31, 2025

    Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

    July 31, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

      July 31, 2025

      C/wali Gaas oo Deni ugu baaqay inuusan shareysan Maamulka W/Bari

      July 31, 2025

      DEG DEG DHACDO NAXDIN LEH: Dhalinyaro is feerayay oo mid la dilay, midna la dhaawacay – Baladweyne

      July 31, 2025

      DEGDEG: Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiskan

      July 30, 2025

      Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

      July 31, 2025

      Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

      July 31, 2025

      9 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal dalka Iran,

      July 26, 2025

      Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca

      July 25, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

      July 31, 2025

      Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

      July 31, 2025

      Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

      July 31, 2025

      C/wali Gaas oo Deni ugu baaqay inuusan shareysan Maamulka W/Bari

      July 31, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Nadiira Cabdullaahi: Sheekada dhaqtaraddii haween iyo dhallaan badan badbaadisay balse iyadii umul-raacday

    Nadiira Cabdullaahi: Sheekada dhaqtaraddii haween iyo dhallaan badan badbaadisay balse iyadii umul-raacday

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 13, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Waxay ahayd dhakhtaradda kaliya ee qaabilsan qalliimada, badbaadinta hooyooyinka iyo dhallaanka ee ka howl gali jirtay isbitaalka guud ee degmada Baran ee gobolka Sanaag.

    Allaha u raxmadee Dr Nadiiro Cabdillaahi Aadan, waxay Arbacadii ku umul raacday ilmaheedii ugu horeeyey cisbitaal ku yaala magaalada Boosaaso, sida uu BBC u sheegay seygeeda Axmed Maxamed Maxamuud.

    “Waxay dhaaftay muddo maalmo ah xilligii ay dhali lahayd, waxaana loo diyaariyey inay qalliin gasho isbitaalka ay ku jirtay magaalada Bosaaaso, waxaa qabtay nabar, koomo ayey gashay, ka dibna waa geeriyootay, waxaa la isku dayey in ilmaha la badbaadiyo, laakiin iyaduna ma suura galin ee labaduba waa geeriyoodeen” ayuu yiri Axmed.

    Geerida dhakhtaradda oo 34 jir ahayd, ayaa gilgilay magaalada iyo deegaannada ka tirsan degmada Baran, maaddaama ay ahayd dhaqtaradda haweenka ee ka howlgali jirtay isbitaalkaas.

    Sababta Nadiira loogu qaaday isbitaal ku yaalla Boosaaso ayaa ahayd in iyada ay codsatay, sida uu seygeeda sheegay.

     

    Maamulaha Isbitaalka Baran, Axmed Jabriil oo BBC la hadlay ayaa isna sheegay in Nadiira ay ahayd dhaqtaradda keliya ee haweenka ee isbitaalka Baran, taasoo haween badan ay uga imaan jireen xitaa deegaannada fogfog ee miyiga ah.

    “Halbowle ayey u ahayd waaxda hooyada iyo dhallaanka, danyarta iyo dadka la shaqeeyaba waxay u ahayd qof u naxariis badan” ayuu si dareen leh u yiri Axmed Jabriil.

    Muddo dheer oo ay ka shaqaynaysay Isbitaalka, waxay si gaara xoogga u saartay in heerka umul raaca hooyada noqdo mid la yareeyo iyadoo si gaar ah u ahayd dhaqtarad fulisa qalliimada hooyooyinka aan sida caadiga u dhalin ee u baahda in lagu qalo ilmaha, sida ay BBC-da u sheegtay Dr. Faadumo Ibraahim Ismaaciil oo ah isu duwaha caafimaadka ee gobolka Sanaag.

    Doorkeedii badbaadinta hooyada iyo dhallaanka

    ISBITAALKA BARAN

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Dr. Nadiiro, waxay muddo bil ka hor fulisay qalliin lagu sameeyey hooyo danyar ah oo lagu qalay saddex ilmo oo mataano ah, kaas oo sida dhaqaatiirka isbitaalka u sheegeen BBC-da ay si gaar ah u damaanad qaaday daryeelkeeda caafimaad.

    “Waxay si gaara u caawin jirtay dadka aan awoodin inay iska bixiyaan kharashaadka qaliimada, waxay dadkaas ku oran jirtay dawada iska bixiya aniga gacantayda waa idin bilaash, mararna waxayba isku dayi jirtay inay bilaash ugu samayso adeegaas oo dhan kuwaan waxba awoodin” ayey tiri Dr Faadumo.

    Axmed Nadiif, sayga Nadiiro ayaa BBC-da u sheegay in iyadoo ku jirta bilihii ugu dambeeyey ee xilligeedii dhalmada ay xitaa ku jirtay inay adeeg u fidiso bukaannada isbitaalka iyadoo xitaa cuslaatay.

    “Xilliyada qaar saddexda dambe ee habeennimo ayaa guriga laga soo dooni jiray si hooyo foolanaysa ama qaliin u baahan in ilmaha la kala badbaadiyo ayey u bixi jirtay, waxay lahayd naxariis gooniya iyo danqasho, waxaan xasuustaa inay qosy danyara oo ay hooyada qaliin ku samaysay haddana inay xitaa cunnada ay iyadu guriga ugu karinaysay waxay ahayd qof cajiib ah” ayuu yiri Axmed.

    Maamulaha Isbitaalka Baran Axmed Jibriil Cali, wuxuu Dr Nadiiro ku tilmaamay tiir adag oo ka baxay Isbitaalka Baran iyo bahda caafimaadka oo aysan garanayn siday u buuxinayaan kaalinta ay bannaysay.

    Ismaaciil Cabdillaahi Aadan oo ay walaalo yihiin Dr Nadiiro ayaa isna BBC-da u sheegay inay ahayd qof qoyskooda iyo bulshada ugu jirtay kaalin weyn oo ay adag tahay in la buuxiyo.

    Nolosheedii billowga ahayd

    Nadiiro

    XIGASHADA SAWIRKA,AXMED NADIIF

    Qoraalka sawirka,Aqal galkii Dr Nadiiro iyo Axmed sanadkii 2022kii

    Dr. Nadiiro Cabdillaahi Aadan, ka sokow inay ahayd dhaqtarada kaliya ee qaybta haweenka ka shaqaynaysay Isbitaalka Baran, haddana waxay ahayd gabar noloshu bilow u tahay.

    Waxay aroos galeen iyada iyo saygeeda dhammaadkii sanadkii 2022-kii, waxayna ku umul raacday ilmihii ugu horeeyey.

    Axmed, wuxuu BBC-da u sheegay isagoo si dareen lah uga geerida xaaskiisa, “waxaan sugayey inaan qabto ilmahaygii curad ee iigu horreeyey, laakiin dhaqaatiirtii waxay iigu yeereen in ilmihi iyo hooyadiisba ay geeriyoodeen”

    Wuxuu sheegay inuu wali la qiiroonayo in maalmo ka hor geerideeda ay u sheegtay xaaskiisa inuu u soo adeego ilmaha yar ee ay rajaynayeen inuu ku soo biiro qoyska, “dharkii waa soo gadnay laakiin qadarta Alle ayaa timi” ayuu yiri Axmed.

    Waa tuma Dr Nadiira?

    DR NADIIR

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCAIL MEDIA

    Dr. Nadiiro Cabdilaahi Aadan, oo da’da 30-meeyada ku jirtay, waxay ku dhalatay magaalada Buraan ee gobolka Sanaag, halkaas oo ay aqoonta diiniga iyo tan maadiga ilaa dugsiga hoose dhexe kaga baxay

    Waxbarashada dugisga sare ayey ku qaadatay magaalada Bosaaso, iyadoo heerka waxbarashda jaamacada koowaad ka gashay Jaamacadda Bariga Afrika ee Bosaaso oo ay ku qaadatay cilmiga caafimaad, shahaadada kowaad

    Shahadada labaad ayey ku qaadatay caafimaadka haweenka ee jaamacada Camuud ee magaalada Boorame.

    Sanadkii 2017-kii ayey ka shaqo bilowday Isbitaalka guud ee magaalada Baran oo muddadaas ay ka shaqaynaysa qaybta hooyada iyo dhallaanka.

    Geerida Dr Nadiiro ayey si weyn uga hadleen bahda caafimaadka ee Puntland oo ku sifeeyey qof kaalin muhiim ah ugu jirtay bulshada.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

    July 31, 2025

    Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

    July 31, 2025

    Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

    July 31, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

    July 31, 2025

    Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

    July 31, 2025

    Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

    July 31, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.