Nimca Maxamed Cabdi ayaa qoyska aabaheed dib ula midowday 33-sano kadib waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida, iyadoona muddo sodon sano ka badan baadigoobeysay qoyskeeda.
Nimca Maxamed waxa ay siddeetameeyadii ku dhalatay magaalada Hargaysa xiligaas oo aabbaheed uu ka mid ahaa ciidamada dowladdii dhexe, waxa uuna xiligaas ka shaqeynayay magaalada Hargaysa, balse marar kala duwan ayaa loo badalay deegaano kale oo gayiga Soomaalidu dagto ah.
Bilowgii sideetameeyadii ayuu aabe Maxamed Cabdi guursaday hooyo Faadumo Cali, guurkooda ayaana ka dhacay magaalada Gebiley oo Somaliland ka tirsan.
Muddo kooban kadib aabe Maxamed ayaa laga badalay Gebiley xiligaasna hooyada waxa ay dalbatay furiin balse aabe Maxamed ayaa shuruud hordhigay hooyada waxa uuna ku yiri, hadii aad wiil dhasho aniga ayaa korsanaya, balse hadii ay gabar noqoto adigu korso sida ay BBC-da u sheegtay Naciima.
Bilowgii sideetameeyadii ayay ku dhalatay magaaladii hooyadeed lagu guursaday waxaana aabaha lagu wargaliyay in gabar ay u dhalatay isagoona xiligaas hooyada u soo diray warqad ay ku qorantahay hambalyada dhalashada iyo in hooyada ay ka guuleysatay maadaama ay gabari dhalatay ‘’Hooyo oo gabar yar ahayd markaas ayuu aabe ku dhahay waa la ibadalayaa, magaalada loo badalayo ayay diiday hooyo waxa ayna ku tiri warqadeyda isii, markii uu warqadda siiyay ayuu shuruud ku xiray, markii aan dhashay ayuu warqad soo diray waxa uuna yiri walaasheey waad iga nasiib roonaatay ee inanta adigu noo hay’’ ayay tiri Naciima
Markii uu aabaha soo diray warqadda kadib laba xilli oo kala duwan ayaa xog laga helay, mar uu fariin u soo diray qoyska iyo mar ay wada kulmeen nin ay hooyada qaraabo ahaayeen, intaa kadibna waxaa dhacay burburkii dalka ee 1991-kii.
Sidee ayay isku waayeen Naciima iyo aabaheed?
Dagaalo sokeeye iyo burburkii dowladii dhexe kadib meelo badan oo Soomaaliya ka tirsan ayaa laga barakacay waxaana meesha ka baxday dowladnimadii iyadoona qofkasta uu u hayaamay meesha uu aadi karo, aabe maxamed oo kamid ahaa ciidamadii dowladda ayaa isna u hayaamay magaalada Salagle oo ah dagmo ka tirsan gobolka Jubbada dhexe, waxa uuna halkaas ka bilaabay ganacsi.
Dhalashadeeda iyo burburkii dalka kadib Naciima dib uma aysan helin xog ku saabsan aabaheed waxa ayna marba marka ka danbeysa ku koreysay iyada oo aanan aqoon halka aabaheed ku suganyahay iyo guud ahaan ehelka dhanka aabaheed.
Balse waxa ay inoo sheegtay in aabaheed uu ahaa shaqsi caan ah oo la yaqaan sidoo kalena leh neynaasyo iyo magacyo lagu garto.
Sababta ay Naciima muddadaas dheer ugu suurta gali weysay in ay hesho qoyska aabaheed
Sanado kala duwan ayay isku dayday sidii ay ku heli laheyd reeraha uu ka soo jeedo aabaheed balse waxyaaba ka hortaagnaa helista ayaa kamid ahayd qalad uga jiray dhanka abtiriska aabaha ‘’ mid baa jirtay oo halka aabahay Maxamed Cabdi Ismaaciil Guuleed uu ka yahay ayaan anigu Ugaas ka oran jiray, qaladkana waxa uu ka yimid hooyo oo hilmaamtay magaca affaraad ee aabe maadaama waqti fog ahayd inan yarna way ahayd hooyo, muddadaas ka badan soddonka sano ayaan raadinayay magac qaldan’’ ayay tiri Naciima.
Marka laga soo tago qaladka abtiriska uga jiray, dhanka kale waxa ay heysatay xogo badan oo ku saabsan magacyada iyo naaneyta aabaheed iyo calaamado lagu garan karay aabaheed.
Dhawaan ayayna tagtay Horyaal-TV oo kamid ah warbaahinnada gaarka loo leeyahay ee ka howlgala Somaliland, iyadoona halkaas ku gudbisay baafinta ay ugu jirto qoyska aabaheed iyo tilmaamaha ay ka heyso, waxaana suurtagashay in maalin kadib markii muuqaalkeeda uu qabsaday baraha bulshada ay la soo xiriireen dad kala duwan kuwaas oo u sheegayay in ay garan karaan qoykeeda, su’aalo dheeri ah oo laga weydiiyay aabaheed ayay uga jawaabtay si sax ah waxa ayna sheegtay tilmaamha gaarka ah ee ay ka heysato aabahed, sidaas ayaana loogu sheegay in ay kamid tahay caruurta aabe Maxamed Cabdi oo ka koobnaa shan balse ayada ay ku noqotay lix, intaa kadibna waxaa la soo xiriiray mid kamid ah walaalaheed oo ku sugan magaalada Kismaayo isagoona weydiiyay tilmaamaha gaarka ah iyo xogo qoys si uu u hubsado in gabadhaan baadigoobkeeda saxanyahay.
Aabe Maxamed Cabdi ayaa dhintay sanadkii 2020 xiligaasna waxa uu ka dardaarmay in ay jirto gabar uu dhalay balse uusan meel ku sheegin caruurta uu dhalay ayuuna faray in ay raadiyaan.
Naciima oo muddo ka badan 30-sano baadigoobeysay aabaheed iyo qoyska uu ka soo jeedo ayaa haatan dib ula midowday waxa ayna yeelatay 10-walaalo ah oo rag iyo dumar isugu jira, iyada oona horay u heysatay 5-walaalo ah oo dhanka hooyada ah.
Sida loogu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga
Kadib markii ay u xaqiiqowday helista qoyska aabaheed ayaa qaar kamid ah walaalaheed iyo adeeryaasheed waxa ay ku wargaliyeen in ay tagto meesha ugu dhaw oo ay joogaan walaalaheed wax ayna noqotay magaalada Jigjiga halkaas oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay Naciima.
Soo dhaweynteeda waxaa qeyb ka ahaa dad badan oo ka socday qoyska uu ka soo jeedo aabaheed iyo qaar badan oo kamid ah bulshada magaalada ee gabadhaan xogteeda ogaa, iyadoona soo dhaweynteeda laga tiriyay maansooyin ay kamid tahay ‘’Gabar yahay sidii ubax dhashiyo oogta waabari ah ee quruxda lagu deyrayee sida ileyskii ah, adduunyada adoo nool waxaad na arki weydaaba, ilmo adeer adoo jecel waxaad uurka ku heysaaba, abtiyaaladaa iyo waxaad ehel la joogtaaba, oo ay kuu barbaarshaan si wacan kuu ilaalshgaan, allaylehe dad goba weeye oo waan ogsoonahaye, ajashoo dhamaan iyo hadaan iilka laguu dheelmin, ubad kala lumaa goor uun buu aayar kuu imane, waa ayaantii aad dhalatay baan oran kareynaaye, alle mahad hadaan aragnay ruuxaaga Nimcaay soo dhawoow ina adeer uun san baa tahayee’’.
Naciima Maxamed Cabdi hadda waa hooyo qoys ka kooban toddobo caruur ah iyo aabahood waxa ayna ku noolyihiin magaalada Hargeysa.
BBC SOMALIA