Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan Jabuuti, waxa uu kulamo la qaadanayaa dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle si ay uga wada hadlaan qodobo dhowr ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si qoto dheer u eegi doonna xaaladda ka taagan Geeska Afrika, howlgalka cusub ee AUSSOM & garab istaagga Djibouti ee dhiggeeda Muqdisho.
Ilo ku dhow safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mustaqbal u sheegay in safarkaan uu qayb ka yahay socdaalka Madaxweynuhu uu ku marayo Dalal badan oo dhaca Qaaradda Afrika si uu u xoojiyo cilaaqaadka Dowladda ay wadaagaan.
Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay kamid tahay Dalalka xubnaha ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM kaas oo billaabanaya marka la gaaro sanadka soo socda 2025, waxa ay ciidanka u dhashay Dalkaas ay joogaan Bartamaha Dalka.
La soco wixii kasoo kordha