Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allah u naxariistee Nabadoon Faarax Cabdi Waare oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Allah u naxariistee Marxuum Faarax Cabdi Waare ayaa ka mid ahaa Nabadoonada ugu caansan Soomaaliya, wuxuuna kasoo jeeday deegaan ahaan gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Nabadoonka uu ahaa hormuud dhaqan oo lafdhabar u ahaa nabadda iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, islamarkaana uu door muuqda ka soo qaatay dadaaladii geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dib u heshiisiinta bulshada.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Nabadoon Faarax Abdi Waare, waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee doorka weyn ka soo qaatay dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle uga baryay inuu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.
Geerida Marxuum Faarax Cabdi Waare waxa sidoo kale ka tacsiyadeeyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Siyaasiyiin kale oo uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo dadweyne kale oo aad u badan.