Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » MW Muuse Biixi, muxuu ka yiri Doorashada Somaliland & Cadaadiska la saarayo Xukuumaddiisa?

    MW Muuse Biixi, muxuu ka yiri Doorashada Somaliland & Cadaadiska la saarayo Xukuumaddiisa?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 26, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Doorashada ayaa soo jeediyay in laga fogaado wax weliba oo keeni kara khilaaf, isku dhac iyo kala xulashada xubnaha kuraasta ku fadhiisana ee Dadka metalaya.

    Muuse Biixi ayaa carrabka ku dhuftay in kala xulashada xubnaha wakiillada ka noqonaya Shacabka ee ku metalaya Maamulka in loo baahan yahay in si heer sare ah loo hubsado si loo helo xubno aqoontoodu sarreyso.

    Biixi ayaa soo jeediyay in meesha laga saaro kala qub-qubka beelaha iyo dadka wax soo xulaya waxaana uu ku taliyay in laga fogaado waxyaabaha daahin kara doorashada ama nuxurka dadka waaya-aragga ah ka reebaya sida uu hadalka u dhigay.

    “Sanadkani waa sanad Doorasho, waxa ay ila tahay in haddii aan mar hore loo eegin qofka xilka qabanaya toloow yuu noqon karaa balse la dhaho Dowladdii waxa aan rabnaa hab qaaraanka oo kale ah ee aan la dooran qof qaanuunka & nidaamka yaqaana oo aragti dheer leh la doorto laakiin ma ahan in la dhaho shalay reer hebel ayaa qaatay ee maanta Dadka halaga qaybgeliyo, dee waxa aan leenahay dadka wax yaqaanna halaga qaybgaliyo” Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland.

    Waxa uu dhaliil kala dul-dhacay xubnaha mucaaradka ah ee doonaya in Xukuumadda & Xisbiga Kulmiye talada kala wareegaan waxaana uu sheegay in aanay u diyaarsaneen Doorashada balse ay ku mashquulsan yihiin in ay qoraan warqado dacwado ah oo beesha caalamka loo dirayo.

    Muuse Biixi ayaa intaas ku daray in Xukuumad ahaan go’aamiyeen in Doorashadu ku dhacdo waqtigeeda, waxa uu Xisbiyada Mucaaradka ah ugu baaqay in ay daacad ka ahaato oo lugaha uga fuqaan Doorashada ay ku dhegan yihiin sida uu hadalka u dhigay.

    “Si aynu u kala nabadgalno, musuq looga cararo waxa aynu qarash Shan milyan ah gelinay in isha bu’deeda la sawirro, Haddii aynu nahay Xukuumadda waan fulinaynaa sharciga Doorashada, Sharci Doorasho haddii aad is hor istaagtana adiga ayaa cirka roob ku og” Ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland.

    Mucaaradka Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa laga warsugayaa jawaabta ay ka bixiyaan eedaha uu xalay u jeediyay ee la xiriira in ay ka caga-jiidayaan Doorashada isla markaana ay Beesha Caalamka u dirayaan Warqado dacwo ah oo ay ku sheegayaan in Doorashada uu diidan yahay Madaxweynaha Somaliland ama uu dib u dhigayo.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.