Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan gaar ah la qaatay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay Dowlad-Goboleedkaas.
Qoraal lagu daabacay barta xiriirka Bulshada ee Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa lagu sheegay in diiradda lagu saaray Arimaha Taagan ee Siyaasada Dalka, Hormarinta Bulshada iyo Amniga Guud.
Madaxweyne Laftagareen ayaa xoogga saaray kulamada uu la qaadanayo Madax isugu jirtay heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed oo ay kawada hadleen arrimaha dhanka Amniga iyo sida loo xoojin karo wadashaqaynta ka dhaxeysa.
La soco wixii kasoo kordha