Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan casho ah ku casuumay Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka 11aad iyada oo aan la shaacin waxyaabaha uu kala hadli doonno.
Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka waxaa horyaalla ansixinta Miisaaniyadda Dowladda 2025 oo Xildhibaannada qaar shuruud ka dhigeen in ay ansixiyeen in marka hore la kordhiyo mushaarka Ciidamada.
Fadhiga berri ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Xildhibaannada iyo senatarrada si wadajir loogu gudbiyo aqrinta saddexaad & u codeynta Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka soo socda.
Baarlamaanka ayaa dhowaan la filayaa in uu fasax galo waana tan keentay in la dadejiyo miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee Xukuumadda kasoo gudubtay horrtaantii Bishaan Oktoobar isla markaana labada aqrin ugu horreeyay Baarlamaanku mariyay.
La soco wixii kasoo kordha