Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Ururka Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika ayaa fariin gaar ah u diray Shacabka Soomaaliyeed isaga oo ugu baaqay in ay ka feejignaadaan wax weliba oo dhibaato ku ah horumarka Dalka sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sheegay in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay u xusul-duubtay sidii ay u gaari lahayd horumar wanaagsan oo muuqda balse waxa uu tilmaamay in ay jiraan shakhsiyaad uusan shaacin magacyadooda laakiin ka shaqaynaya sidii ay caqabado u abuuri lahaayeen sida uu yiri.
Dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay kuwa ay dhibeyso horumarka dalku gaarayo ha dhageysanina ee kuwa ku faraxsan horumarka uu dalka ku talaabsaday dhageysta, waa dad ka baqaya in lala xisaabtamo oo doonaya in la joogi meeshii shalay la joogay” Ayuu yir Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud.
Digniin ayuu u diray Itoobiya waxaana uu sheegay in aanay marnaba Soomaaliya aqbali Karin in sifo qaldan ay marto waxaana uu intaas ku daray in Shacab iyo Dowlad ay difaacanayaan Dalkooda kana dhiidhinayaan xadgdubu weliba oo lagu sameeyo.
Shirwaynaha Ururka Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ugu derajo sarreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.