Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maanta guddoomiyay shir looga hadlayay arrimaha canshuuraha.
Shirkan ayaa waxaa qabanqaabadiisa lahaa Wasaarrada Maaliyadda Dowladda Hirshabeelle waxaana ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), guddoomiyayaasha labada Gobal ee Shabeellada dhexe iyo Hiiraan waxaa kale oo ku wehlinayay guddoomiyayaasha degmooyinka Dowladda Hirshabeelle.
“Waxaa kordhay dhaqaallaha Dowladda Hirshabeelle waxaana sabab u ah dadaalka aan ugu jirno ka hortaga musuqmaasuqa, dhaqaallahaasi waxaan ugu faa’ideysan doonaa mashaariic kala duwan oo ay hirgelineyso Dowladda Hirshabeelle.”
Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa faray dhinacyada dhaqaallaha ee Dowladda Hirshabeelle inay dhowraan ammaanada haddii kale ay cawaaqib adag la kulmi doonaan.