Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo kulan la qaatay golaha deegaanka cusub ee degmada Jowhar.
Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda arrimaha guddaha iyo dowladdaha hoose, guddoomiyaha gobalka Shabeellaha dhexe, guddoomiyaha degmada Jowhar iyo dhammaan xubnaha golaha deegaanka.
Madaxweynaha ayaa dhageystay warbixinta golaha deegaanka cusub ee degmada Jowhar oo isugu jirtay wixii u qabsoomay iyo caqabadaha ku hor-gudban.
“Degmada Jowhar inay yeelato gole deegaan muhiimad gaar ah ayay ii laheyd waxaan rajeynayaa inaad wax badan beddeshaan. Dhammaan qoddobadii aan ka wada haddalnay waa ay dhaqan-galayaan.”
Ugu dambeyn madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray golaha deegaanka ee degmada Jowhar inay qabtaan tartan nadaafaddeed oo lagu tartansiinayo waaxyaha degmada Jowhar.