Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa Magaalada Muqdisho kulan casho sharaf iyo mid dhiirigelin ah ugu sameeyay Ciyaartooyda Xulka Dowladda Hirshabeelle ee ka qeybgalaya tartanka Ciyaaraha Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Gobolka Banaadir.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Hishabeelle, Xiriiirka K/Cagta iyo Ciyaartooydaba ku bogaadiyay guulaha iyo ciyaar wanaaga kalsoonida leh ay soo bandhigeen isagoo ku adkeeyay inay muhiim tahay in sanadkaan ay soo hoyaan Koobka, ayna haystaan taageerayaasha ugu badan ee usoo daawasho tago garoonka.
Madaxweynaha ayaa xusay in guul walba oo ay gaaraan ay farxad galineyso guud ahaan bulshada Hirshabeelle, isagoo gudoonsiiyay abaalmarino ay ku muteysteen natiijooyinkii fiicnaa ee ay soo hoyeen, waxa uuuna sidoo kale u muujiyay inay heli doonaan abaalmarino kale marka ay kulamada kale ee tartanka soo hoyaan guulo.
Kulankaan dhiirigelinta ah waxaa ka qeybgalay Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, Xulka Hirshabeelle ayaa berri laga filayaa guul wayn oo farxad gelisa bulsho-weynta Hirshabeelle xili ay wajihi doonaan dhigooda Jubaland.