Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa yaboohay deeq Lacageed oo ugu qeyb qaadanayo dhismaha Cisbitaalka guud ee degmada Moqokori oo isku tashi bulsho lagu bilaabay dhismahiisa.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa bogaadiyay sida bulshada degmada Moqokori isaga kaashanayaan horumarka degmada. waxuuna Madaxweynaha faray wasiirka Caafimaadka in marka Cisbitaalka dhismahiisa dhammaado aay Wasaaradda qalabeyso isla markaana la wareegto si aay bulshado degmada u helaan adeeg Caafimaad oo bilaash ah.
Bulshada degmada Moqokori ayaa Madaxweyne Cali Guudlaawe uga mahadceliyay sida uu u fuliyay codka bulshada isla markaana uu lacag jeebkiisa ah ugu yaboohay dhismaha Cisbitaalka degmada Moqokori.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maalintii Seddaxaas ku sugan degmada Moqokori waxuuna kulamo la qaadanayaa qeybaha kala duwan ee bulshada.