Madaxweynaha Dowladda Hiiraan State Mudane Cabduqaadir Xuseen Coloow ayaa munaasabadda Ciidul Fidriga Aawgiis cafis u fidiyay Maxaabiista ku xeran xabsiyada dowladda Hiiraan State.
Xeer Madaxweyne 15/2024
Madaxweynaha Dowladda Hiiraan State Cabduqaadir Xuseen Coloow
Markuu arkay: Qodobka 6aad ee Axdiga Dowladda Hiiraan State
Markuu arkay: Qodobka 14aad ee Axdiga
Dowladda Hiiraan State
Markuu arkay: Qodobka 144aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaliyeed
Markuu arkay : Soo jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud
Markuu arkay : Soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Cadddaalada
Markuu tixgeliyey: Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo Farxadda Ciiddul Fidriga
Wuxuu xeeriyey
In laga bilaabo maanta oo Taariikhdu tahay 09-04-2024 uu cafis u fidiyo maxaabiista deegaanka ah ee u xidhan denbiyada fudud kuwaas oo kala badh qaatay xukun ciqaabeedkoodii. Cafiskan kama reebayo maxabiista la cafiyey xuquuqaadkii madaniga ah ee ay cid ku sheeganaysay.
Waxaa la farayaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee
Dowladda Hiiraan State in uu fuliyo xeerkan.
Xeerkani wuxuu dhaqangalaya marka uu saxiixo Dowladda Hiiraan State Mudane Cabduqaadir Xuseen Coloow waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee Dawladda.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Madaxtooyada Dowladda Hiiraan State.