Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

    May 10, 2025

    DEG DEG Koox hubeysan ayaa caawa Afgooye waxaa ay ku dileen Maxamed Shariif

    May 10, 2025

    DEG DEG: Pakistan iyo Hindiya oo gaaray heshiis xabad joojin ah.

    May 10, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Koox hubeysan ayaa caawa Afgooye waxaa ay ku dileen Maxamed Shariif

      May 10, 2025

      DEG DEG: Pakistan iyo Hindiya oo gaaray heshiis xabad joojin ah.

      May 10, 2025

      Taliska qeybta Booliska gobolka Mudug eePuntland ayaa ku guulaystey in ay Gacanta ku dhigaan Xukume Cabdiqani

      May 10, 2025

      Akhriso:-Maamulka Gobolka Banaadir oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay roobkii ka da’ay Muqdisho

      May 10, 2025

      DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

      May 10, 2025

      Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

      May 10, 2025

      Akhriso:- Hindiya iyo Pakistan oo gaarey heshiis xabad joojin ah

      May 10, 2025

      Xiisadda u dhaxaysa Pakistan iyo Hindiya ayaa si xowli ah u korortay kadib

      May 10, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Itoobiya ayaa kamid noqotey Wadamada ugu kobaca dhaqaalaha

      May 5, 2025

      Muwadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

      April 25, 2025

      Guddoomiye Aadan Madoobe “Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay noqotay walaal karti badan oo nagu garab istaagtay Dowlad dhiska burburkii kadib”.

      November 2, 2024

      DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

      May 10, 2025

      DEG DEG Koox hubeysan ayaa caawa Afgooye waxaa ay ku dileen Maxamed Shariif

      May 10, 2025

      DEG DEG: Pakistan iyo Hindiya oo gaaray heshiis xabad joojin ah.

      May 10, 2025

      Taliska qeybta Booliska gobolka Mudug eePuntland ayaa ku guulaystey in ay Gacanta ku dhigaan Xukume Cabdiqani

      May 10, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Muxuu yahay xeerka muranka dhaliyay ee Madaxweyne Biixi uu dib ugu celiyay Golaha Guurtida Somaliland?

    Muxuu yahay xeerka muranka dhaliyay ee Madaxweyne Biixi uu dib ugu celiyay Golaha Guurtida Somaliland?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 22, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    9 Daqiiqadood ka hor

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda goonni isu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Golaha Guurtida dib ugu celiyay xeerarka doorashooyinka oo ay hore goleyaasha wakiillada iyo guurtidu u meelmariyeen.

    Madaxweynaha ayaa soo celintiisa ku sababeeyay in qoraal ay Golaha Guurtidu usoo direen oo ay kaga codsadeen in uu usoo celiyo.

    Tallaabadan ayaa dib usoo noolaysay khilaafkii doorashooyinka ee u dhexeeyay xukuumadda iyo mucaaradka.

    Kahor inta uusan Madaxweyne Biixi xeerkan kusoo celin Golaha Guurtida, cabashada way taagneyd, iyadoo mucaaradku ay hore u qabeen dareen ah in madaxweynuhu uu xeerkan dib usoo celin doono.

    Mucaaradka Somaliland ayaa arrintan ku tilmaamay “mid looga gol leeyahay in doorashada looga meereysto”.

    Feysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga UCID oo BBC-da la hadlay kahor inta aysan soo bixin warqadda madaxweynaha, ayaa sheegay in xeerarkan ay u ekyihiin kuwo ay dad soo abaabuleen.

    Wuxuu sheegay inay tahay in wax la isla oggol yahay la keeno si looga baaqsado khilaaf kale oo doorashada ka dhasha.

    “Haatan muran uma baahnin ee madaxweynuhu ficilka ha iska daayo,” ayuu yiri.

    Feysal ayaa sheegay inuu jiro dareen ah in madaxweynuhu dib usoo celin doono xeerka sida dhacday, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in haatan aysan xisbiyada mucaaradku u baahneyn is qabqabsi iyo muran kale oo doorashada ku aaddan.

    Dhanka kale, xisbiga isna mucaaradka ah ee Waddani ayaa si adag uga soo horjeestay soo celinta uu Madaxweyne Biixi xeerka doorashooyinka dib ugu celiyay Golaha Guurtida.

    Afhayeenka xisbiga Waddani, Maxamed Faarax, oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay maanta dhacday wax aan dhicin 32 sano oo ay Somaliland jirtay.

    “In xeer madaxweynuhu u gudbiyo gole guurti, waxay ku tuseysaa halka uu dalkeenna maanta marayo. Ma dhayalsaneyno xisbi ahaan jawaab degdeg ah ayaan ka bixin doonnaa,” ayuu yiri.

    Muxuu yahay xeerkan?

    Xeerarkan doorashooyinka oo ah labo ayaa horeba u jiray, balse dhowaan ayaa lagu sameeyay wax ka beddel si loo waafajiyo dhexdhexaadintii odayaasha Somaliland ay u sameeyeen axsaabta mucaaradka iyo dowladda.

    Sababta isbeddelka loogu sameeyay ayaa lagu sheegay in looga gol lahaa xallinta khilaafka daba dheeraaday ee doorashooyinka, waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu kordhiyayna waxaa ka mid ah in isku mar la qabto doorashooyinka axsaabta iyo tan madaxweynaha.

    In muddo ah ayay mucaaradka iyo muxaafidku isku heysteen tan soo hormareysa labada doorasho.

    Madaxweynaha ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii hore Golaha Wakiillada u gudbiyay warqad uu kaga codsanayo in la is waafaqijiyo so jeeidnta odayaasha iyo xeerarka doorashooyinka.

    Golaha Wakiillada Somaliland ayaa iyaga oo ka duulaya qodobka isasaarka labada doorasho ee ku yimid xalka odayaasha dib uga fadhiistay si xeer ay uga dhigaan heshiiskaas la isku wada afgartay.

    Ka dib xeerarkaas doorashada oo ay ku saleeyeen isfahamka mucaaradka iyo xukuumadda ayaa markii ay meel mariyeen horraantii bishan January, waxa ay u gudbiyeen golaha guurtida oo sida sharcigu dhigayo iyaguna xaq u leh in ay ka fadhiistaan, ka dibna ay aqbalaan ama wax ka beddel ay ku sameeyaan. Golaha Guurtida ayaa iyaguna wax ka beddel kale ku sameeyay isla bishanna waxay dib ugu celiyeen Golaha Wakiillada. Golaha Wakiillada oo qoonsaday wax ka beddelkaas ayaa 18-kii bishan toos ugu gudbiyay madaxweynaha.

    Sida dastuurka Somaliland uu dhigayo, madaxweynaha ayaa wuxuu heystay muddo 21 maalmood ah oo uu ku dhaqan-geliyo amaba uu dib ugu celiyo Golaha Wakiillada.

    Golaha Guurtida ayaa la sheegay inay kadib warqad u qoreen Madaxweyne Biixi kana codsadeen in inta uusan saxiixin uu dib ugu soo celiyo iyaga, codsigaas oo maanta uu fuliyay madaxweynuhu.

    Sababta keentay in labada gole ay isku celceliyaan xeerkan ayaa ah inay ku jiraan qodobbo dheeraad ah, oo mucaaradka iyo dowladduba uu mid walba gaar u daneynayo.

    Golaha Guurtida ayaa ku doodaya in sharcigu dhigayo in haddii wax ka beddelka ay sameeyeen ay aqbali waayaan wakiilladu ay waajib tahay in iyaga lagu soo celiyo.

    Golaha Wakiillada ayaa iyaguna ku doodaya in guurtida mar haddii ay hal mar u gudbiyeen aanay jirin shaqo xeerkaa ugu hadhsan.

    Qodob dastuurka ka mid ah ayay labada goleba u daliishanayaan habka ay xeerarka iskugu soo celiyaan, balse qodobkaas ayay qoloba si gaar ah u tafsiiranaysaa.

    Waxaana suurto gal ah in arrintani ku danbeyso tafsiir sharci oo laga dalbado maxkamadda, maddaama murankani salka ku hayo faham qodob sharci.

    Golaha Wakiilladu maxay ku doodayaan?

    Golaha Wakiillada Somaliland ayaa iyagu xeerarkan doorashooyinka ee dib loogu soo celiyay Golaha Guurtida u arka tallaabo sharciga baalmarsan.

    Mubaarik Cabdi Ismaaciil, oo ah qareenka Golaha Wakiillada ku metalaya xeerkan oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay xeerkan uu soo maray heerar kala duwan.

    “Sharciga ayuu baalmarsan yahay waxa uu sameeyay madaxweynaha. Waa markii ugu horreysay ee ay Somaliland arrintan ka dhacdo,” ayuu yiri.

    Labada gole ee xeer-dejinta ayuu sheegay inaysan maanta billaabmin oo ay jireen muddo 20 sano ah.

    “Dastuurka Somaliland wuxuu jiray 20 sano, muddadaas waxay Somaliland sameysatay 107 xeer, mana jirin mid lasoo celiyay. Madaxweynuhu wuxuu qaaday jiho cusub waxaana uu sameeyay tafsiir cusub oo isaga u gaar ah,” ayuu yiri.

    Mowduucyada la xiriira BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

    May 10, 2025

    DEG DEG Koox hubeysan ayaa caawa Afgooye waxaa ay ku dileen Maxamed Shariif

    May 10, 2025

    DEG DEG: Pakistan iyo Hindiya oo gaaray heshiis xabad joojin ah.

    May 10, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

    May 10, 2025

    DEG DEG Koox hubeysan ayaa caawa Afgooye waxaa ay ku dileen Maxamed Shariif

    May 10, 2025

    DEG DEG: Pakistan iyo Hindiya oo gaaray heshiis xabad joojin ah.

    May 10, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.