Close Menu
    What's Hot

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Muxuu yahay xeerka muranka dhaliyay ee Madaxweyne Biixi uu dib ugu celiyay Golaha Guurtida Somaliland?

    Muxuu yahay xeerka muranka dhaliyay ee Madaxweyne Biixi uu dib ugu celiyay Golaha Guurtida Somaliland?

    By radiohalgan.comJanuary 22, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    9 Daqiiqadood ka hor

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda goonni isu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Golaha Guurtida dib ugu celiyay xeerarka doorashooyinka oo ay hore goleyaasha wakiillada iyo guurtidu u meelmariyeen.

    Madaxweynaha ayaa soo celintiisa ku sababeeyay in qoraal ay Golaha Guurtidu usoo direen oo ay kaga codsadeen in uu usoo celiyo.

    Tallaabadan ayaa dib usoo noolaysay khilaafkii doorashooyinka ee u dhexeeyay xukuumadda iyo mucaaradka.

    Kahor inta uusan Madaxweyne Biixi xeerkan kusoo celin Golaha Guurtida, cabashada way taagneyd, iyadoo mucaaradku ay hore u qabeen dareen ah in madaxweynuhu uu xeerkan dib usoo celin doono.

    Mucaaradka Somaliland ayaa arrintan ku tilmaamay β€œmid looga gol leeyahay in doorashada looga meereysto”.

    Feysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga UCID oo BBC-da la hadlay kahor inta aysan soo bixin warqadda madaxweynaha, ayaa sheegay in xeerarkan ay u ekyihiin kuwo ay dad soo abaabuleen.

    Wuxuu sheegay inay tahay in wax la isla oggol yahay la keeno si looga baaqsado khilaaf kale oo doorashada ka dhasha.

    β€œHaatan muran uma baahnin ee madaxweynuhu ficilka ha iska daayo,” ayuu yiri.

    Feysal ayaa sheegay inuu jiro dareen ah in madaxweynuhu dib usoo celin doono xeerka sida dhacday, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in haatan aysan xisbiyada mucaaradku u baahneyn is qabqabsi iyo muran kale oo doorashada ku aaddan.

    Dhanka kale, xisbiga isna mucaaradka ah ee Waddani ayaa si adag uga soo horjeestay soo celinta uu Madaxweyne Biixi xeerka doorashooyinka dib ugu celiyay Golaha Guurtida.

    Afhayeenka xisbiga Waddani, Maxamed Faarax, oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay maanta dhacday wax aan dhicin 32 sano oo ay Somaliland jirtay.

    β€œIn xeer madaxweynuhu u gudbiyo gole guurti, waxay ku tuseysaa halka uu dalkeenna maanta marayo. Ma dhayalsaneyno xisbi ahaan jawaab degdeg ah ayaan ka bixin doonnaa,” ayuu yiri.

    Muxuu yahay xeerkan?

    Xeerarkan doorashooyinka oo ah labo ayaa horeba u jiray, balse dhowaan ayaa lagu sameeyay wax ka beddel si loo waafajiyo dhexdhexaadintii odayaasha Somaliland ay u sameeyeen axsaabta mucaaradka iyo dowladda.

    Sababta isbeddelka loogu sameeyay ayaa lagu sheegay in looga gol lahaa xallinta khilaafka daba dheeraaday ee doorashooyinka, waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu kordhiyayna waxaa ka mid ah in isku mar la qabto doorashooyinka axsaabta iyo tan madaxweynaha.

    In muddo ah ayay mucaaradka iyo muxaafidku isku heysteen tan soo hormareysa labada doorasho.

    Madaxweynaha ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii hore Golaha Wakiillada u gudbiyay warqad uu kaga codsanayo in la is waafaqijiyo so jeeidnta odayaasha iyo xeerarka doorashooyinka.

    Golaha Wakiillada Somaliland ayaa iyaga oo ka duulaya qodobka isasaarka labada doorasho ee ku yimid xalka odayaasha dib uga fadhiistay si xeer ay uga dhigaan heshiiskaas la isku wada afgartay.

    Ka dib xeerarkaas doorashada oo ay ku saleeyeen isfahamka mucaaradka iyo xukuumadda ayaa markii ay meel mariyeen horraantii bishan January, waxa ay u gudbiyeen golaha guurtida oo sida sharcigu dhigayo iyaguna xaq u leh in ay ka fadhiistaan, ka dibna ay aqbalaan ama wax ka beddel ay ku sameeyaan. Golaha Guurtida ayaa iyaguna wax ka beddel kale ku sameeyay isla bishanna waxay dib ugu celiyeen Golaha Wakiillada. Golaha Wakiillada oo qoonsaday wax ka beddelkaas ayaa 18-kii bishan toos ugu gudbiyay madaxweynaha.

    Sida dastuurka Somaliland uu dhigayo, madaxweynaha ayaa wuxuu heystay muddo 21 maalmood ah oo uu ku dhaqan-geliyo amaba uu dib ugu celiyo Golaha Wakiillada.

    Golaha Guurtida ayaa la sheegay inay kadib warqad u qoreen Madaxweyne Biixi kana codsadeen in inta uusan saxiixin uu dib ugu soo celiyo iyaga, codsigaas oo maanta uu fuliyay madaxweynuhu.

    Sababta keentay in labada gole ay isku celceliyaan xeerkan ayaa ah inay ku jiraan qodobbo dheeraad ah, oo mucaaradka iyo dowladduba uu mid walba gaar u daneynayo.

    Golaha Guurtida ayaa ku doodaya in sharcigu dhigayo in haddii wax ka beddelka ay sameeyeen ay aqbali waayaan wakiilladu ay waajib tahay in iyaga lagu soo celiyo.

    Golaha Wakiillada ayaa iyaguna ku doodaya in guurtida mar haddii ay hal mar u gudbiyeen aanay jirin shaqo xeerkaa ugu hadhsan.

    Qodob dastuurka ka mid ah ayay labada goleba u daliishanayaan habka ay xeerarka iskugu soo celiyaan, balse qodobkaas ayay qoloba si gaar ah u tafsiiranaysaa.

    Waxaana suurto gal ah in arrintani ku danbeyso tafsiir sharci oo laga dalbado maxkamadda, maddaama murankani salka ku hayo faham qodob sharci.

    Golaha Wakiilladu maxay ku doodayaan?

    Golaha Wakiillada Somaliland ayaa iyagu xeerarkan doorashooyinka ee dib loogu soo celiyay Golaha Guurtida u arka tallaabo sharciga baalmarsan.

    Mubaarik Cabdi Ismaaciil, oo ah qareenka Golaha Wakiillada ku metalaya xeerkan oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay xeerkan uu soo maray heerar kala duwan.

    “Sharciga ayuu baalmarsan yahay waxa uu sameeyay madaxweynaha. Waa markii ugu horreysay ee ay Somaliland arrintan ka dhacdo,” ayuu yiri.

    Labada gole ee xeer-dejinta ayuu sheegay inaysan maanta billaabmin oo ay jireen muddo 20 sano ah.

    “Dastuurka Somaliland wuxuu jiray 20 sano, muddadaas waxay Somaliland sameysatay 107 xeer, mana jirin mid lasoo celiyay. Madaxweynuhu wuxuu qaaday jiho cusub waxaana uu sameeyay tafsiir cusub oo isaga u gaar ah,” ayuu yiri.

    Mowduucyada la xiriira BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.