Warbixin dhawaan la soo saaray, ayaa sheegeysa in iibinta alaabta Apple ee ay kamid yihiin taleefannada casriga ah ee Iphone-ka ay hoos u dhacday adduunka oo dhan. Iibka ayaa hoos u dhacay dhammaan waddamada marka laga reebo Yurub.
Shirkadda ayaa sheegtay in dalabka taleefannadeeda casriga ah uu hoos u dhacay boqolkiiba 10 saddexdii bilood ee ugu dambeeyay sanadkan.
Shirkadda Apple ayaa sidoo kale shaacisay in dakhliga guud ee shirkaddu uu hoos u dhacay boqolkiiba afar taas oo u dhiganta ilaa 90.8 bilyan oo doolar. Tani waa hoos u dhac weyn marka loo eego in ka badan hal sano.
Laakiin natiijadu may ahayn sidii la saadaaliyay. Dhinaca kale, saamiyada Apple ayaa kor u kacay suuqa magaalada New York.
Shirkaddu waxay sheegtay in sababta hoos u dhacan ay kasoo bilaabatay caqabadahii ka dhahsay xanuunkii saf marka ahaa iyo masiibadii Covid 19.
Waxay rajaynaysaa iibku inuu mar kale kor usoo kaco, iyada oo rumaysan inay fiicnaan doonto mustaqbalka dhow kadib soo saarista alaabada cusub iyo maalgashiga sirdoonka macmalka ah.
Wadarta iibka suuqa ugu weyn Shiinaha ayaa hoos u dhacay 8 boqolkiiba.
Madaxa shirkadda Apple Tim Cook ayaa u xaqiijiyay maalgashadayaasha in iibka taleefannada iPhone-ka uu bilaabay inuu kordho marka loo eego dhul weynaha Shiinaha. Wuxuu sheegay inuu rajo weyn ka qabo dhinaca Shiinaha.
“Xaqiiqdii, shirkadda Apple waxay tartan kala kulmeysaa shirkadaha gudaha sida Huawei,” ayuu yiri falanqeeye arrimaha tignoolajiyadda ah oo lagu magacaabo DA Davidson, Gil Luria, “shirkadaha sida Huawei si fiican ayey uga shaqeeyaan Shiinaha sababtoo ah waa astaanta gurigooda,” ayuu sii raaciyay.
Waxa uu barnaamij ka baxay BBC-da ku sheegay in Iphone-ku uu ka wanaagsan yahay talefannada kale ee casriga ah marka la eego muuqaalkiisa, waxqabadkiisa iyo qaab abuurkiisa.
“Sidaas darteed mar kasta oo macaamiishu ay ikhtiyaar u leeyihiin oo ay haystaan ilo dhaqaale waxay iibsan doonaan iPhone,” ayuu sii raaciyay.
Iibka talefannada casriga ah ee caalamka ayaa kor u kacay 10 boqolkiiba saddexdii bilood ee ugu horreeyay sannadka. Sida laga soo xigtay shirkadda cilmi-baarista Canalys, kororkani wuxuu yimid muddo dheer kadib.
Luriat ayaa sheegtay in tan iyo markii uu iPhone 12 soo baxay ku dhawaad afar sano ka hor, aysan jirin horumar weyn oo dhanka taleefannada shirkadda Apple ah. Laakiin kadib markii Apple ay soo saartay 5G waxay soo jiidatay macaamiil badan.
“Waxay rajeynayaan inay ku soo kordhiyaan sifooyin cusub marka ay noqoto iPhone 16-ka, kaas oo la filayo in shaaca lagasoo qaado dhamaadka sanadkan, ka dibna wejiga ballaaran ee horumarinta iPhone ayaa bilaaban kara,” ayuu yiri.
Apple ayaa sidoo kale wajahaysa dagaal dhanka sharciga ah oo ay kula jirto maamullada Mareykanka iyo Yurub ee ku saabsan khidmadaha App Store.
Dalka Maraykanka waxaa ka jirta dacwad ay Google su’aal ka keenayso lacagaha faraha badan ee Apple ay ka hesho shirkadda weyn.
Lacag-bixintan ayaa qiimeheedu ahayd 20 bilyan oo doollar sannadkii 2022-kii, marka loo eego dacwadaha maxkamadda, lacagihii gacan ka geystay kor u qaadista faa’iidada Apple.
Faa’iidada cashuurta ka hor saddexda bilood waxay ahayd $28 bilyan waxayna shirkaddu ku dhawaaqday inay qoondaysay $110 bilyan si ay dib ugu soo iibsato saamiyada.
Madaxa dhaqaalaha Luca Maestri ayaa sheegay in iibka Apple la filayo inuu kordho saddexdan bilood ilaa Juun.
Waxa uu intaa ku daray in shirkaddu ay rajaynayso kobac labo dhinac ah oo ganacsigeda ku saleysanganacsigeeda.
“Shiinuhu wuxuu samaynayaa si ka wanaagsan sidii la filayay, waxaana jira fursado badan oo soo socda kuwaas oo hagaajin kara dareenka maalgashadayaasha,” ayuu yiri Angelo Zino, oo ah cilmi-baare ka tirsan shirkadda cilmi-baarista CFRA.