Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

    May 15, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

      May 15, 2025

      DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

      May 15, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

      May 15, 2025

      DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

      May 15, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Muxuu yahay warka walaaca ku abuuray qaar kamid ah xildhibaanada gobolka Soomaalida ee Kenya ee hadal haynta dhaliyay?

    Muxuu yahay warka walaaca ku abuuray qaar kamid ah xildhibaanada gobolka Soomaalida ee Kenya ee hadal haynta dhaliyay?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 9, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Qaar ka mid ah xildhibaanada Kenya ee matala gobolka ay degaan Soomaalida ee Wuqooyi Bari, ayaa waxay dalbanayaan in baaritaan la sameeyo la xiriira “in sun lagu qubay qaybo ka mid ah deegaanada ay degan yihiin dadka ay matalaan xilliyo hore”.

    Dalabka xldhibaanada ayaa waxa uu imaanaya kadib markii uu baraha bulshada ku baahay hadal ka mid ah waraysi uu bixiyay wasiir hore oo Kenyan ah.

    Inkasta oo aysan BBC du si madaxbanaan u xaqiijin karin sheegashada masuulkaan hore, ayaa waraysi uu siiyay garyaqaan Kenyan ah oo lagu daabcay barta YouTube waxa uu ku sheegay “in xukumadii uu ka tirsanaa ay ogolaatay sanadkii 1980 -kii in gobolka Waqooyi Bari ee Kenya lagu qubo walxo sun ah oo halis ah”.

    Maxamed Barrow oo ka tirsan baarlamaanka Kenya, kana soo gala gobolka Wuqooyi bari oo la hadlay BBC da ayaa sheegay in doonayaan in baaritaan lagu sameeyo arrintaan hadal haynta dhalisay.

    ‘‘Cyrus Jirongo wasiir culus buu ahaa madaxweynaha nin aad ugu dhow buu ahaa, arrinta uu sheegay… qofkii gobolka waqooyi bari ka imaada wuu dareemayaa.” Ayuu yidhi Deeqoow Maxamed Barrow oo ah xildhibaan lagasoo doorto Gaarisa.

    ‘‘Waa nasiib darro weyn hadday arrintaas jirto,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa xildhibaan Deeqoow.

    Waxuu sheegay xildhibaan deeqoow in arrintaan ay keeni doonaan baarlamaanka dalka Kenya, si gudi baadhitaan samaysa loogu saaro, waxuuna sheegay in haddii arrintaan ay run noqoto ay magdhow u raadin doonaan dadka.

    Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in ahmiyadda hadda ay tahay in ay saaraan “in sunta laga baadho meelaha lagu sheegay” .

    Billow kerow oo ah sanatar hore iyo dhaqaale yahan ka soo jeeda gobolka, ayaa isna hadal uu ku soo daabacay bartiisa X ee horay loo oran jiray Twitter, waxa uu ku booriyay dawladda Kenya in ay sameyso baaritaan degdeg ah.

    Xildhibaan Maxamed Cadoow oo isna lagu soo doorto gobolkaan, ayaa hadal uu ku soo daabacay boggiisa X ku yiri: “Dadka gobolka wuqooyi waxay u baahan yihiin bogasasho la xiriirta dhacdadaan iyo talaabooyin la taaban karo oo laga qaado cawaaqib xumada ay u horseeday gobolka”.

    Qaar kamid ah dadka ku nool gobolka ayaa baraha bulshada iyana uga falceliyay arrinkaan, iyaga oo sheegay in uu walaac ku abuuray.

    Xildhibaan Deeqoow ayaa sidoo kale sheegay in dhankooda iyaguna dareemayaan walaacaas maadaama ay yihiin wakiilada matala bulshadaas.

    ‘‘Arrintaan waswaas weyn bay wadanka ku keentay khaasatan gobolkeenna,” ayuu xildhibaan Deeqoow hadalkiisa raaciyay.

    Cyrus ayaa horay u soo noqday wasiir, iyo sidoo kale xildhibaan ka tirsan baarlamaanka kenya.

    Xukuumadda haatan ee dalka Kenya ayaan wax jawaab ah ka bixin warkaan hadal haynta dhaliyay ee uu sheegay masuulka hore.

    Cyrus Jirongo

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

    Waa kuma Jirongo?

    Cyrus Jirongo waa siyaasi muddo badan ku jiray siyaasadda Kenya. Waxuu sanadkii 1961kii ku dhashay magaalada Lugari ee ismaamulka Kakameg.

    Waxuu hoggaamiye ka noqday garabka dhallinyarada ee Xisbigii KANU ee dalka Kenya. Waxuuna xildhiban ahaa sanadihii 1997 dii illaa 2002 ii. Markale ayuu xildhibaan noqday 2013-kii. Waxuu ka baxay Xisbigii KANU sanadkii 1999kii.

    2002 dii ayuu noqday Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga, 2013-kiinna waxuu u tartamay xilka madaxtinimo ee dalka Kenya.

    Mar danbe ayuu isku dayay in uu kursiga Sanetka ee Kakamega yaalla u tartamo waana looga guuleystay.

    Balse markii danbe waxuu noqday nin aan waxba haysan kadib markii Balaayiin lacagta Kenya ah oo qaan ah lagu yeeshay, sida ay horay u qareen warbaahinta Kenya.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

    May 15, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

    May 15, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.