Tan iyo markii uu soo baxay heshiiskii ay dhawaan Villa Somalia ku gaareen madaxweyne Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada, waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo qodobada labada dhinac isku raaceen.
War-murtiyeed kasoo baxay shir maalmo u socday Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada kala ah; Galmudug Axmed Qoor-Qoor, Jubbaland Axmed Madoobe, HirShabelle Cali Guudlaawe iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa lagu sheegay inay ku heshiiyeen qodobo ay kamid yihiin; dhameystirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta.
Heshiiskan ayaa muddo kororsi farsameysan siinaya madax goboleedyada, si meel-mar u noqdo qorshaha Xasan Sheekh ee teendhada Afisyoone lagu laaban maayo, xilli uu durba fashil wajahayo wejiga hore ee doorasho qof iyo cod ah, maadaama aan la qaban middii dowladaha hoose oo iba-fur u aheyd qorshahaan doorasho.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah siyaasiyiinta aan la dhacsaneyn sida ay wax u waddo Villa Somalia ayaa waxa uu sheegay in middaan ay sii xoojinayso walaaca iyo niyad-jabka bulshada Soomaaliyeed.
“Walaac xoog leh ayey leedahay sida aqoonyahan iyo dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo aan la kulmo kaga niyadjabsan yihiin dhaqan siyaasadeedka ka sii deraya ee horwaynta siyaasada,” ayuu Cabdiraxmaan ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.
Waxybaaha niyadjabka sii xoojinaya waxaa ka mid ah in shacabkii dushiisa lagu kala iibsado siyaasaddii, iyadoo si cad oo bareer ah taageerada Dastuurka cusub ee dalka loo sameeyey looga iibsaday madaxdii dawlad goboleedyada in ay doorasho la’aan xafiiska iska joogaan.”
Middaan ayuu sheegay in Golaha Wadatashiga Qaran ay ka dhigeyso “Naadiga Madaxweynayasha aan la dooran,” maadaama uu heshiiskan dhaawacay sharciyaddii awalba nuxuuska ahayd ee madaxda dalka.
Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Walaac xoog leh ayey leedahay sida aqoonyahan iyo dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo aan la kulmo kaga niyadjabsan yihiin dhaqan siyaasadeedka ka sii deraya ee horwaynta siyaasada.
Niyadjabka waxaa sabab u ah arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin fursado shaqo la’aan ah oo ay ka simanyihiin kuwooda aqoonta leh iyo kuwa aan aqoonta sare lahayn. Intaa waxaa dheer, sicirbarar xad ka bax ah, musuqmaasuqa baahsan, fursadihii shaqada, qandaraasyada iyo adeegga la talinta oo lagu bixinayo eex iyo garab ee aan loo eegaynin aqoon iyo mutaysi.
Waxybaaha niyadjabka sii xoojinaya waxaa ka mid ah in shacabkii dushiisa lagu kala iibsado siyaasaddii, iyadoo si cad oo bareer ah taageerada Dastuurka cusub ee dalka loo sameeyey looga iibsaday madaxdii dawlad goboleedyada in ay doorasho la’aan xafiiska iska joogaan.
Tani waxay dhaawacday sharciyaddii awalba nuxuuska ahayd ee madaxda dalka, iyadoo Golalaha Wadashiga Qaran ka dhigaysa “Naadiga Madaxweynayasha aan la dooran”