Maangalnimada Israa’iil ee ka aargoosiga Iiiraan duulaankeeda gantaalada ayaa walaac galisay dad badan oo Iraaniyiin ah, kuwaasoo durba la kulmaya inuu soo food saaray xanuun dhaqaale iyo xanibaaddo bulsho iyo siyaasadeed oo adag ka dib mudaaharaadyadii 2022-23.
Hogaamiyayaasha siyaasada iyo kuwa militariga Iran ayaa si isdaba joog ah uga digay inay ka jawaabi doonaan aargoosi kasta oo Israa’iil ay sameyso iyagoo sii kordhinaya, taasoo keeni karta weeraro kale.
Taasina waxay kaliya u noqon doontaa war xun dadka caadiga ah, ayuu yidhi macalin Hesam oo 45 jir ah oo ka yimid waqooyiga magaalada Amol ee dalka Iiraan.
“Caddaadiska dhaqaalaha ayaa kor u kici doona, amnigayaga ayaana halis geli doona… Waa inaan iska ilaalinaa colaadda, wax kasta oo ay ku kacayso, ma doonayo dagaal, sidee baan u ilaalin karaa labadayda carruur ah, meelna kuma badbaadi doonaan.”
Parvaneh oo ah xaaska guriga waxay ka cabsi qabtaa shaqo joojinta Israa’iil inay noqon karto dharbaaxadii ugu dambaysay ee dhaqaalaha, oo ay wiiqday sannado badan oo cunaqabatayn ah, maamul xumo iyo musuqmaasuq.
“Anaga reer Iran waxaan u dulqaadanay in ka badan in ku filan sanado, dagaalku wuxuu keenaa musiibo kaliya. Ninkeyga waa shaqaale warshad, ma haysanno xitaa lacag ku filan oo aan ku iibsano alaabta daruuriga ah iska daa in aan keyd sii dhiganee,” ayay tiri 37-jir ah hooyanna u ah labo carruur ah kuna nool bartamaha magaalada Yazd.
Dadka reer Iran ee dabaqadda dhexe iyo kuwa hooseba waxay dhabarka u ritaan culayska badan ee dhibaatooyinka dhaqaale ee jira, iyadoo sicir barar ka badan 50%, kor u kaca isticmaalka tamarta, cuntada iyo guryaha iyo lacagta Riyaalka ah oo aad hoos ugu dhacday.
Waxaa jirtay han weyni iyo cabsi ka dhalatay aargoosiga Iran ee ka dhanka ah waxa ay Tehran ku sheegtay weerar ay Israa’iil ku qaadday qunsuliyadda ay ku leedahay Dimishiq 1-dii Abriil.
“Aad ayaan ugu hanweynahay weerarrada lagu hayo Israa’iil, way bilaabeen, waa inaan ka aargoosanno, Israa’iil tallaabo yarna ma qaadi karto, way og yihiin in Iran ay aad u awood badan tahay,” Hossein Sabahi, 30, oo shaqaale dawladeed ah oo ku sugan magaalada Tabriz, ayaa u sheegay wakaaladda wararksa ee Reuters.
Wax yar ka dib weerarka, TV-ga dowladda ayaa soo bandhigay mudaaharaadyo yar yar oo ka dhacay magaalooyin dhowr ah oo lagu taageerayay weerarka Tehraan ee aan horay loo arag.
‘WAXAAN NOQON DOONAA GO’DOON’
Laakiin suuqyadu waxay muujinayaan xaqiiqooyinka dhaqaale ee adag ee ka dambeeya diidmada.
Dadka necbaysanaya dagaalka ayaa qeexaya in dalabka lacagta adag loo qabo ay sare u kacday. Riyaalka ayaa si kooban hoos ugu dhacay rikoor cusub oo ku dhow 705,000 Riyaal halkii doolar ee lacagta Mareykanka ah intii lagu jiray weerarkii Sabtidii sida laga soo xigtay Bonbast.com, kaas oo aruuriya xogta tooska ah ee sarifka Iran.
“Dadku waxay iibsanayaan lacag adag tan iyo Axadii, waxaa jiray kor u kac ku yimif ganacsigeyga sababtoo ah cabsida laga qabo dagaalka,” ayuu yiri ganacsade ku sugan Tehran.
Hoggaamiyeyaasha Iiraan waxaa laga yaabaa in ay iyagana ka walaacsanyahiin.
Waaxda sirdoonka ee Ilaalada Kacaanka Iran ayaa soo saartay bayaan Axaddii digniin ka dhan ah qoraal kasta oo taageera Israa’iil ee isticmaaleyaasha baraha bulshada ee Iran, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Qaar ka mid ah dadka Iiraaniyiinta ah ee ka soo horjeeda xukunka wadaadka ee ku nool gudaha iyo dibadda Iran, ayaa aad ugu dheeraaday taageerada ay Israa’iil u hayaan internetka.
“Dad badan ayaa niyad jabsan sababtoo ah dhaqaale xumo iyo xannibaadyo bulsheed…Weerarrada Israel waxay dajin kartaa cadhadoodii kor u kacday waxayna soo noolayn kartaa mudaaharaadyada, taas oo ah waxa ugu dambeeya ee aan u baahanahay markii uu noo hanjabay cadow shisheeye,” ayuu yiri sarkaal hore oo ka tirsan Iran oo dhexdhexaad ah.
Dareenka werwerka ee guud waxa uu kordhay markii qaar ka mid ah dawladaha reer galbeedka ay bilaabeen in ay daadgureeyaan qoysaska dublamaasiyiintooda, iyaga oo xasuusiyay reer Iranidii hore jawigii xumayd ee uu Ciraaq soo galay 1980-kii ama intii uu socday kacdoonkii kacaankii 1979-kii
BBC SOMALI