Dowladda Soomaaliya ayaa Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ugu mahadcelisay meelmarinta qaraar ka hadlaya Islaam nacaybka, iyo magacaabista Ergeyga Gaarka ah ee loo xilsaaray in uu wax ka qabto arrimaha la xiriira Islaam nacaybka.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn ugu mahadcelinaysaa Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay sida ay u meel mariyeen qaraar ka hadlaya (Tallaabooyinka lagula dagaallamayo Islaam nacaybka) iyo magacaabista Ergeyga Gaarka ah ee loo xilsaaray in uu wax ka qabto arrintan adag.”
Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sii yiri, “Go’aankan taariikhiga ah wuxuu hoosta ka xarriiqayaa dadaal caalami ah oo midaysan oo lagula dagaallamayo nacaybka loo hayo bulshooyinka Muslimiinta ah, wuxuuna tilmaamayaa dedaalka wadajirka ah ee lagu kobcinayo adduun ku sifoobay isku-duubni iyo isfaham.”
“Soomaaliya waxay garwaaqsan tahay doorka muhiimka ah ee uu ergaygu ka ciyaari doono ilaalinta xuquuqda iyo sharafta dadka muslimiinta ah iyo horumarinta mabaadi’da sinnaanta iyo caddaaladda ee masraxa caalamiga ah,” ayaa lagu sii yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.