Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

      September 12, 2025

      DFS oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Wasiirka Caafimaadka XFS “Farmashigii iibinaya Dawooyinka maandooriye ahaanta loo adeegsado waan la xisaabtamaynaa

      September 12, 2025

      Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

      September 12, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaali guul weyn ka gaartay doorasho ka dhacday dalka Norwey

      September 9, 2025

      Xamaas oo si adag uga hadashay hadal kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

      September 9, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

      September 12, 2025

      Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

      September 12, 2025

      DFS oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Ceeldheer.

      September 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Muxuu yahay muuqaalka lagu heysto Trump ee uu ka faafiyay Biden?

    Muxuu yahay muuqaalka lagu heysto Trump ee uu ka faafiyay Biden?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMarch 31, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Kooxda ololaha Biden ayaa Donald Trump ku cambaareeyay inuu baraha bulshada kusoo wadaagay muuqaal muujinaya gaari xamuul ah oo sida sawirka madaxweynaha Mareykanka oo lugihiisa iyo gacmihiisu isku xiran yihiin.

    Kooxda ololaha Biden ayaa ku eedeeyay Mr Trump inuu “si joogto ah u kiciyo xasarad siyaasadeed” kahor doorashooyinka November.

    Afhayeen u hadlay kooxda ololaha Trump ayaa dhankooda sheegay in Dimuqraaddiyiintu ay ku baaqayeen “rabshad baahsan” oo ka dhan ah Mr Trump.

    Mr Trump ayaa Jimcihii muuqaalka soo dhigay bartiisa Truth Social.

    Marka la eego cinwaanka muuqaalka, waxaa lagu duubay Jasiiradda Long, New York, Khamiistii markii madaxweynihii hore uu ka qeybgalayay baroordiiqa sarkaal ka tirsanaa Booliiska Magaalada New York oo la dilay xilli u uku jiray shaqadiisa taraafikada.

    Muuqaalka ayaa muujinaya labo gaari xamuul oo waddada maraya, kuwaasoo labadoodaba uu ku dahaaran yahay calanka Mareykanka calamaduna ay ku xardhan tahay taageerada booliiska.

    Gaariga labaad ee xamuulka ayaa waxaa lagu qoray erayada “Trump 2024”, waxaana sidoo kale saaran sawirka Mr Biden oo gacmihiisa iyo lugihiisu isku xiran yihiin.

    Muuqaalka xayeysiinta Mr Trump ayaa waxaa cambaareeyay kooxda ololaha Biden.

    “Trump wuxuu si joogto ah u kicinayaa xasarad siyaasadeed waana waqtigii ay dadku isaga dhab u qaadan lahaayeen – keliya weydii saraakiisha booliiska Capitol kuwaasoo la weeraray iyagoo difaacaya dimuqraaddiyaddeenna taariikhdu markii ay ahayd 6 January,” ayuu yiri afhayeen Michael Tyler, oo ula jeeday weerarkii Kongareeska ay weerareen taageerayaasha madaxweynihii hore kadib markii uu si been abuur ah u sheegtay in doorashadii 2020 laga xaday isaga.

    Balse Steven Cheung, oo ah afhayeenka ololaha Trump, ayaa ku jawaabay: “Sawirkaas wuxuu ku dhegganaa dhabarka gaari xamuul ah oo marayay waddada weyn. Dimuqraaddiyiinta iyo kuwa waalan keliya kuma aysan baaqin rabshad ka dhan ah Madaxweyne Trump iyo qoyskiisa, waxay dhabtii hub ahaan ugu adeegsanayaan hannaanka caddaaladda.”

    Trump

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Trump oo xisbiga Jamhuurigu usoo magacaabay inuu u tartamo doorashada madxatinnimada ayaa wajahaya afar kiis oo dembi ah, iyadoo kiiska doorashada iyo tan wax is daba marinta lacagta ee New York ay yihiin kuwa ugu daran ee maxkamadda laga dhegeysan doonbo kahor doorashada dhici doonta 5 November.

    Mr Trump ayaa iska fogeeyay dhammaan kiisaskaas, wuxuuna sheegay in loo beegsanayo siyaasad ahaan.

    Muranka la xiriira sawirka waa doodihii ugu kululaa ee ugu dambeeyay ee ay is dhaafsadaan labada musharrax madaxweyne.

    Damaciisa ah inuu ku laabto Aqalka Cad, ayaa Mr Trump wuxuu mar kale kordhiyay erayada uu adeegsado, isagoo dhowr jeer kuwii loo xukumay ka qeyb noqoshada weerarka US Capitol 6-dii January 2021 ku tilmaamay “la heystayaal”.

    Waxaa sidoo kale lagu cambaareeyay faallooyinkii horraantii bishan uu ka dhiibtay Ohio isagoo digniinno diray haddii aan la dooran. Wuxuu hadalkan sheegay mar uu ka hadlayay gawaarida dibadda laga soo dhoofiyo iyo saameynta ay dhaqaalaha ku leeyihiin.

    Kooxda ololaha Biden ayaa meesha ka saaray faallooyinkaas balse Mr Trump ayaa ku eedeeyay iyaga iyo warbaahintuba inay qadka ka bixinayaan.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.