Close Menu
    What's Hot

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Muxuu yahay muuqaalka lagu heysto Trump ee uu ka faafiyay Biden?

    Muxuu yahay muuqaalka lagu heysto Trump ee uu ka faafiyay Biden?

    By radiohalgan.comMarch 31, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Kooxda ololaha Biden ayaa Donald Trump ku cambaareeyay inuu baraha bulshada kusoo wadaagay muuqaal muujinaya gaari xamuul ah oo sida sawirka madaxweynaha Mareykanka oo lugihiisa iyo gacmihiisu isku xiran yihiin.

    Kooxda ololaha Biden ayaa ku eedeeyay Mr Trump inuu “si joogto ah u kiciyo xasarad siyaasadeed” kahor doorashooyinka November.

    Afhayeen u hadlay kooxda ololaha Trump ayaa dhankooda sheegay in Dimuqraaddiyiintu ay ku baaqayeen “rabshad baahsan” oo ka dhan ah Mr Trump.

    Mr Trump ayaa Jimcihii muuqaalka soo dhigay bartiisa Truth Social.

    Marka la eego cinwaanka muuqaalka, waxaa lagu duubay Jasiiradda Long, New York, Khamiistii markii madaxweynihii hore uu ka qeybgalayay baroordiiqa sarkaal ka tirsanaa Booliiska Magaalada New York oo la dilay xilli u uku jiray shaqadiisa taraafikada.

    Muuqaalka ayaa muujinaya labo gaari xamuul oo waddada maraya, kuwaasoo labadoodaba uu ku dahaaran yahay calanka Mareykanka calamaduna ay ku xardhan tahay taageerada booliiska.

    Gaariga labaad ee xamuulka ayaa waxaa lagu qoray erayada “Trump 2024”, waxaana sidoo kale saaran sawirka Mr Biden oo gacmihiisa iyo lugihiisu isku xiran yihiin.

    Muuqaalka xayeysiinta Mr Trump ayaa waxaa cambaareeyay kooxda ololaha Biden.

    “Trump wuxuu si joogto ah u kicinayaa xasarad siyaasadeed waana waqtigii ay dadku isaga dhab u qaadan lahaayeen – keliya weydii saraakiisha booliiska Capitol kuwaasoo la weeraray iyagoo difaacaya dimuqraaddiyaddeenna taariikhdu markii ay ahayd 6 January,” ayuu yiri afhayeen Michael Tyler, oo ula jeeday weerarkii Kongareeska ay weerareen taageerayaasha madaxweynihii hore kadib markii uu si been abuur ah u sheegtay in doorashadii 2020 laga xaday isaga.

    Balse Steven Cheung, oo ah afhayeenka ololaha Trump, ayaa ku jawaabay: “Sawirkaas wuxuu ku dhegganaa dhabarka gaari xamuul ah oo marayay waddada weyn. Dimuqraaddiyiinta iyo kuwa waalan keliya kuma aysan baaqin rabshad ka dhan ah Madaxweyne Trump iyo qoyskiisa, waxay dhabtii hub ahaan ugu adeegsanayaan hannaanka caddaaladda.”

    Trump

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Trump oo xisbiga Jamhuurigu usoo magacaabay inuu u tartamo doorashada madxatinnimada ayaa wajahaya afar kiis oo dembi ah, iyadoo kiiska doorashada iyo tan wax is daba marinta lacagta ee New York ay yihiin kuwa ugu daran ee maxkamadda laga dhegeysan doonbo kahor doorashada dhici doonta 5 November.

    Mr Trump ayaa iska fogeeyay dhammaan kiisaskaas, wuxuuna sheegay in loo beegsanayo siyaasad ahaan.

    Muranka la xiriira sawirka waa doodihii ugu kululaa ee ugu dambeeyay ee ay is dhaafsadaan labada musharrax madaxweyne.

    Damaciisa ah inuu ku laabto Aqalka Cad, ayaa Mr Trump wuxuu mar kale kordhiyay erayada uu adeegsado, isagoo dhowr jeer kuwii loo xukumay ka qeyb noqoshada weerarka US Capitol 6-dii January 2021 ku tilmaamay “la heystayaal”.

    Waxaa sidoo kale lagu cambaareeyay faallooyinkii horraantii bishan uu ka dhiibtay Ohio isagoo digniinno diray haddii aan la dooran. Wuxuu hadalkan sheegay mar uu ka hadlayay gawaarida dibadda laga soo dhoofiyo iyo saameynta ay dhaqaalaha ku leeyihiin.

    Kooxda ololaha Biden ayaa meesha ka saaray faallooyinkaas balse Mr Trump ayaa ku eedeeyay iyaga iyo warbaahintuba inay qadka ka bixinayaan.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.