Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa sheegay in haddii uu hadlo “dab ayaa dhici doono” ka dib markii uu xeeyndaabka tababaraha ee khadka taabashada uu kula murmay tababare Jurgen Klopp kulankii barbardhaca ee 2-2 ee ay West Ham la ciyaareen.
Salah ayaa u muuqday mid ay isku dhaceen Klopp xilli uu isku diyaarinayay in uu badal ku soo galo daqiiqadii 79-aad.
Klopp ayaa sheegay in uusan shaacin doonin waxa ay dooddu ku saabsaneyd, balse weeraryahankii hore ee Liverpool Peter Crouch ayaa TNT Sports ka sheegay in aysan u muuqan mid u wanaagsan kooxda.
“Salah waa ciyaaryahan lagu bilaabo inta badan kulamada Liverpool, waxaana uuna diiddanyahay inuu kursiga keydka fadhiyo” ayuu yiri Crouch.
“Laakin qofna ma jecla inuu arko waxa u dhaxaya tababare iyo ciyaaryahan muhiim ah.”
Salah ayaa u muuqday mid ka niyad jabay wax uu Klopp ku yiri markii beddel lagusoo gelin lahaa ciyaarta,
Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayuu Saalax mar uu dhex marayey goobta weriyaasha, ciyaarta ka dib, waxa uu yiri: “Haddii aan hadlo dab baa dhacaya”.
Wariye ayaa weydiiyey “Dab?” Saalax wuxuu ku jawaabay:- Haa dabcan.
Klopp ayaa markii danbe sheegay: “Arrintaas waxaan kaga hadalnay qolka labiska waanan dhameeyay”.
Natiijada ciyaaarta waxay Liverpool ka saartay tartanka koobka horyaalka. Waxa ay ku jiraan kaalinta 3-aad ee kala saraynta waxana ay ku qasban yihiin in ay ku tiirsanaadaan Arsenal iyo Manchester City oo dhibco lumiya si ay rajo fiican u helaan.
Isha: BBC