Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta dhagax dhigay xafiiska howlgelinta mashruuca Nagaad, oo ka shaqeyn doona dib u dhiska iyo bilicada Dhuusamareeb.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweyne Qoor Qoor wuxuu xafiiskan maamuli doonaa dhismaha 11 waddo oo dhex-marta caasimadda iyo laamiga weyn ee oo laba dhinac ah.
Sidoo kale waxaa mashruucaan qayb ah dhismaha waddada ka timaadda garoonka diyaaradaha iyo waddo weyn oo marta galbeedka magaalada oo laami ah.
Haddaba dhagax-dhigga mashruucaan oo kusoo aaday, xilli uu sii dhammaanaayo muddo xileedka Qoor Qoor ayaa waxaa ka dhashay falcelin iyo hadal-heyn xoogan.
Cali Macallin Cabdullahi “Goormee? goor xeero iyo fandhaal kala dheceen raadiye kale nooshid kaasu waa ahaadee”.
Cawaale Daahir Sandar ayaa yiri “Wax aan sii soconeen miyaa maalin kasta la dhagax-dhigaa?#8221;.
Maxamed Cabdi “Qoor Qoor doorasho ayaa lagaaga fadhiyaa mashruucyo beena hanoo dhagax dhigin”.
Cabdishakuur Axmed “Dhagax-dhigga hanoo danbeeyee, ma kala celisid qabiilada is laynaayo, oo aad ka shaqaysid dib u heshiisin miro dhal ah”.
Cabdirisaaq Jaamac “Mashruuc hadda kadib la dhisayo xafiiskiisa miyaa hadda wax ka sugeenaa?#8221;.
Cali Wanaagsane “Qoor Qooroow riwaayaddaas Dhuusamareeb ku joogi maysid ee boorsooyinka ka xir-xiro”.