Axadda soo aaddan ayaa ah waqtiga loo mudeeyey inuu dhaco kulanka Finaalka ee xulalka Ingiriiska iyo Spain kaas oo si weyn indhaha loogu hayo, maadaamaa labadan xulba ay soo mareen tijaabooyin cad cad oo guul lahaa.
England ayaa markii labaad oo is xigta timi finaalka Koobka qaramada Qaarada Yurub, Spain oo iyana hore koobkan ugu guulaysatay laba jeer ayaa finaalkan u yahay mid xujo ku ah da’yarta ciyaaraysa sanadkan.
Marka koob soo gaaro kulanka kama danbaysta ah waa caadi in saadaalintu noqoto dookh u furan dadka ku xeeldheer ciyaaraha iyo xitaa xayaawanada caanka ah oo kala doorasho ku sameeya calamada ama astaamaha kuwa finaalka ciyaaraya.
Libaax caan ka ah Ingiriiska oo ku jira beerta xayawaanaadka oo ku taalla West Midlands ayaa si sax ah u saadaaliyey in xulka Ingiriisku imaanayo finaalka koobka qaramada qaarada Yurub kana soo gudbayo xulka Holland oo arbacadii ay wada ciyaareen.
Keshari, oo ah libaax Aasiyaan ah oo saaxiibtiis Caasha kula nool beerta xayawaanadka Dudley Zoo, ayaa markii labaad saxay saadaashiisa Euro2024.
Libaaxan ayaa isagoo guuxaya doortay in ciyaartoyda macallin Southgate ay imaan doonaan finalka isagoo xitaa si guuxa ugu dhawaaqayey wax loo fahmay magacyada qaar ka mid ciyaartooyda England oo ka mid yahay kabtan harry Kane, Luka iyo kuwa kale.
Koox ka tirsan ilaaladiisa ayaa libaaxa hor dhigay kubado ay ku sawiran yihiin calanka England isagoo qaniinay kubadii uu ku sawrinaa calanka England.
“Wax walba waxa ay bilowdeen markii koox ka kooban shan ilaaliye oo si joogto ah u ilaalinaya isaga ay go’aansadeen in ay sameeyaan wax xiiso leh si ay u calaamadiyaan Euro, ayay tiri Ms Dorrington.
“Runtii waxa uu qabanayay shaqo aad u wanaagsan,” ayay tiri Louisa Dorrington oo ah ilaaliye sare.
Waxay intaas raacisay in xayawaano kale ee ku sugan beerta xayawaanka ay isku dayeen inay bixiyaan saadaasha laakiin lama mid noqon boqorka kaynta.
“Uma maleynayo inay fududaan doonto kulanka Spain, laakiin sida uu qabo Libaax Keshari, waxaan tagi doonnaa halkaas dhamaadka,” ayay tiri Ms Dorrington.
Waxay xilligaas ku boorisay taageerayaasha inay ” daacad ahaadaan”, iyadoo raacisay: “Waxaan sameyn karnaa kalsooni; ku kalsoonow Southgate.”
Dadka caanka ah ee saadaaliyey Finalka
England ayaa finalka Euro 2024 ku wajihi doonta Spain, tababarihii hore ee Spurs Harry Redknapp, wuxuu aaminsan yahay in xulka seddexda libaax ay heystaan ciyaartoy cabsi gelin doona kooxaha kasoo horjeeda.
Harry Redknapp ayaa aaminsan in la joogo waqtigii England ay dhadhamin lahaayeen guusha Euro.
Saddexda Libaax ayaa Axadda kula ciyaari doona magaalada Berlin dalka Jarmalka xulka Spain iyaga oo doonaya in ay noqdaan horyaalnimada Yurub markii ugu horaysay.
Engaland ayaa finalkii ugu horeeya ku ciyaaraya dhul shisheeye, iyadooo xaqiijisatay booskeeda bandhiga tartanka kadib markii ay guul soo daahday ka gaareen Netherlands tas oo ug mahadceliyaaan Ollie Watkins oo dhaliyay gool daqiiqadii 90-aad.
Tababarihii hore ee Tottenham iyo West Ham ayaa aaminsan in Spain ay ku dhibtoon doonto inay la dagaalanto ciyaartoyda sida Phil Foden iyo Bukayo Saka. Inkastoo, uusan sidoo kale la yaabin doonin inuu arko rigoorayaal.
Halyeeyada kooxda Manchester United ee Roy Keane iyo Gary Neville ayaa saadaashadoodii ugu horaysay soo saaray finalka Euro 2024 taas oodhexmari doona Spain iyo England.
Roy Keane, ayaa ku adkeystay in Spain ay wali tahay kuwa ugu cadcad inay ku guuleystaan finalka Euro 2024, laakiin guushii England ay “ku qori karto xiddigaha.
Gary Neville, si la mid ah saaxiibkiisii hore ee Manchester United Keane, ayaa aaminsan in Spain ay tahay kooxda ugu cadcad finalka, waxaana uu amaanay saameynta ay ku leeyihiin tartanka ilaa hadda.
Dhanka kale shabakada falanqaysa ciyaaraha ee loo yaqaan Opta, ayaa saadeesheda hordhaca ah ku soo bandhigay in boqolkiiba lixdan ay Spain ugu cad cad yihiin finaalka koobka qaramada Qaarada Yurub.
Macallin Southgate iyo xidigiisa ayaa doonaya in finalkan ay England ka saaraan abaarta koob la’aaneed ee mudda dheer halka macallin Luis de la Fuente Castillo iyo ciyaaryahanadiisuna ay rabaan inay Spain ay koobkan ugu daraan kuwii hore ay u qaadeen.
BBC SOMALIA