Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

    July 7, 2025

    DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

    July 7, 2025

    DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

    July 7, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

      July 7, 2025

      DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

      July 7, 2025

      DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

      July 7, 2025

      DEG DEG Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Moqokori.

      July 7, 2025

      War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

      July 4, 2025

      Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

      July 4, 2025

      Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

      June 30, 2025

      DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

      June 28, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

      July 7, 2025

      DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

      July 7, 2025

      DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

      July 7, 2025

      DEG DEG Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Moqokori.

      July 7, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Muxuu yahay heshiis difaac ee cusub ee ay kala sixiideen Itoobiya iyo Uganda xili xiisadi ka jirto gobolka?

    Muxuu yahay heshiis difaac ee cusub ee ay kala sixiideen Itoobiya iyo Uganda xili xiisadi ka jirto gobolka?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 29, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dowladaha Uganda iyo Itoobiya ayaa galay heshiish is afgarad oo lagu xoojinaayo xidhiidhka ciidan iyo iskaashi ee labada dal.

    Heshiiskan ayaa waxaa wada saxiixday wafdi ka socda gaashaandhigga dalka Uganda iyo dawladda Itoobiya, xilli wafdigaasi ay booqasho ku gateen Addis Ababa.

    Wafdi ayaa ka koobnaa Wasiirka Gaashaandhigga dalka Uganda, Vincent Bamulangaki Ssempijja, iyo Taliyaha Ciidamada Ugaanda, Sareeye Guuto Wilson Mbasu Mbadi, waxaana wafdiga soodhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Itoobiya Abraham Belay iyo Taliye xigeenka Ciidamada Difaaca Itoobiya Generaal Abebaw Taddese.

    Labada Wasiir ee Gaashaandhig ayaa ayaa saxiixay heshiiska iyagoo taliyayaasha ciidamada ee labada dal ay qalinka ku duugeen qorshaha hirgelinta heshiiska iyo meelaha ay tahay in ay ka wada shaqeeyaan labada dal ee la xidhiidha arrimaha ciidamada.

    Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya Abraham Belay ayaa sheegay in hesiishkani uu xoojinaayo xidhiidka labada wadan.

    “Hesiishkani waxuu [si weyn] u xoojinayaa xidhiidka labadeenna qaran,” ayuu yidhi mar uu hadlay intuu kulanku socday, laakiin ma aysan bixin wax faahfaahin oo ku saabsan waxa laga heshiiyay.

    Taliyaha ciidamada Itoobiya Birhanu Jula, ayaa ku qeexay xidhiidhka labada wadan mid saaxiibtinimo, isagoo sheegay in Itoobiya doonayso in ay si dhow marwalba ula lahaato xidhiidh fiican ujeedkiisuna yahay Afrikaanimo.

    Wasiirka Gaashaandhigga Uganda ayaana uga mahadceliyay dhigiisa dalka Itoobiya soodhaweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisaba isagoo sheegay in dalkiisa ay ahmiyad weyn ugu fadhido hirgelinta heshiiskan.

    Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Wasiirka Gaashaandhigga dalka Uganda uu todobaad ka hor ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur dib ula saxiixday Axdigii Difaac ee ay labada dowladood kala saxiixdeen 2022 kii. Wasiirka Gaashaandhigga dalka Soomaaliya ayaana ku sheegay heshiiskaas talaabo muhiim u ah.

    Heshiiskan ay dowladda Soomaaliya iyo Uganda kala saxiixdeen ayaa kusoo beegmaya xilli ATMIS la filaayo in ay dalka ka baxdo dabayaaqadda sanadka 2024 ka, halka Xafiiska Amniga Qaranku sheegay in ay ciidamo kale oo ajaaniib ah ay beddeli doonaan markay ATMIS baxdo.

    Is-afgaradkaan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Uganda ayaana kusoo aaday xilli Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo tan Itoobiya ayka dhexeyso xiisad ka dhalatay kadib markii dowladda Itoobiya ay is-afgarad ay 20km dhul dhan oo saldhig ciidamo badeed Itoobiya u noqon doona ayka kala saxiixatay Jamhuuriyada iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqay ee Somaliland, taas oo Dowladda dhexe ee Soomaaliya ka cadhaysiisay sababtayna in xidhiidka labada wadan ee Soomaaliya iyo Itoobiya aad u xumaado.

    Ciidanka Uganda

    XIGASHADA SAWIRKA,AFP

    Dowladda Soomaaliya oo arrintaan ka falcelinaysana waxay heshiis difaac la gashay dalka Turkiga, heshiis kaas oo dhigaya in Turkigu muddo 10 sanno ah ilaalin doono xeebaha Soomaaliya kana ilaalin doono nooc walba oo cadaw ah ha noqoto kalluumaysiga sharci darrada ah, budhcad badeeda ama duulaan shisheeya.

    Dowladda Soomaaliya ayaa heshiisyo kala duwan oo difaac la gashay wadamada, Sucuudiga, Uganda, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.

    Heshiisyadaasi waxay isweydiin ka dhex dhaliyeen Baarlamaanka Soomaaliya iyo bulshada dhexdeedaba, waxayna arrimahaan oo dhan kusoo beegmayaan xilli gobolka xiisadoo ay ka jiraan.

    Isku dayo wadahadal oo lagu doonaayay in lagu xalliyo xaaladda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaana fashilmay iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in aan wax wada hadal ah jiri doonin haddii ayna Itoobiya ka noqon heshiiska ay la gashay Somaliland kaas oo uu madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaamay ‘mid waali ah’.

    Wadamada Geeska Afrika ee ay ka mid tahay Uganda ayaa horay u cambaareeyay heshiiskaas, kadib shirkii IGAD ee ka dhacay magaalada Kampala.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

    July 7, 2025

    DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

    July 7, 2025

    DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

    July 7, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

    July 7, 2025

    DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

    July 7, 2025

    DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

    July 7, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.