Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

    July 29, 2025

    Wasiir Karoore ayaa magacaabis cusub ku sameeyay maamulka Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

    July 29, 2025

    Xaalada Beledxaawo oo saaka degan, iyo Barakac hor leh oo socda.

    July 29, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

      July 29, 2025

      Wasiir Karoore ayaa magacaabis cusub ku sameeyay maamulka Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

      July 29, 2025

      Xaalada Beledxaawo oo saaka degan, iyo Barakac hor leh oo socda.

      July 29, 2025

      Maxay ka wadahadleen Gen Odawaa iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya?.

      July 29, 2025

      9 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal dalka Iran,

      July 26, 2025

      Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca

      July 25, 2025

      Akhriso:- WhatsApp ma wuxuu noqday aalad wax basaasta

      July 22, 2025

      Samatabbixiyeyaasha Congo oo gacmahooda ku qodaya si ay soo saaraan macdan qodayaal ku go’doonsan Dhulka.

      July 22, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

      July 29, 2025

      Wasiir Karoore ayaa magacaabis cusub ku sameeyay maamulka Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

      July 29, 2025

      Xaalada Beledxaawo oo saaka degan, iyo Barakac hor leh oo socda.

      July 29, 2025

      Maxay ka wadahadleen Gen Odawaa iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya?.

      July 29, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Muxuu yahay filimka lagu jilay Soomaaliya ee safka hore ka galay qiimayn lagu sameeyayn Faransiiska?

    Muxuu yahay filimka lagu jilay Soomaaliya ee safka hore ka galay qiimayn lagu sameeyayn Faransiiska?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 13, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    “Tuulo Janno” waa qisada iyo sumadda uu wato Filimkan lagu jilay Soomaaliya kaas oo soo jiitay culimada Aflaanta kala saarta ee Mahrajaanka CANNES ee dalka Faransiiska.

    Filimkan ayaa lagu jilay magaalooyinka Eyl iyo Garoowe ee Puntland, laakiin wuxuu hadda safka hore ka galay ilaa dhowr iyo tobban filim oo loo xushay inay ugu wanaagsan yihiin kuwii la soo bandhigay sanadkan 2024-ka.

    Nuux Muuse Berjeeb oo ka mid ah soo saarayasha Filimka am ‘Line Procuder’ ayaa BBCda u sheegay in samaynta iyo hindisaha Filimkuba qaatay muddo ka badan hal sano.

    “Magaca aan dooranay iyo jilayaasha ayaa ahaa wax cajiib ah, dabcan sidoo kale deegaanka lagu jilay filimka waxay ahayd wax aan is oran karo waa soo jiitay Mahrajaanka Cannes” ayuu yuru Nuux.

    Nuux, wuxuu sheegay in xulashada Filimka uu rumaysan yahay inay sababta ugu weyn tahay sida dunida looga xiisaynayo filimaanta lagu sameeyo Soomaaliya.

    “Xilli waxaa jirtay aad adduunka looga jeclaa filimaanta lagu sameeyo bariga dhexe, laakiin hadda filimkan iyo kuwii hore aan samaynay waxay muujinayan xiisaha loo qabo filimaanta lagu sameeyo dhulka Soomaalida iyo qisooyinka ay xambaarsan yihiin” ayuu BBCda u sheegay Nuux Birjeeb.

    FILIMKA TULO JANO

    XIGASHADA SAWIRKA,NUH MUSSE BERJEEB

    Samaynta Filimka cusub ee ‘Tuulo Janno’ ayaa la bilaabay samayntiisa bishii June ee sanadkii 2023-kii iyadoo soo saarista filimku qaadatay muddo toddobo bilood ah.

    Qisida filimka ayaa ka turjumayo ayaa ah qoys Soomaali ah oo halka ay ku nool yihiin ay dhinacyada ka yaalan dhammaan wixii aadane u baahnaa oo xagga nolosha ah balse iyagu saboolnimo kaga nool.

    Sidoo kale Filimka waxaa soo saare ka ahaa Maxamed Harrawe oo ah Soomaali kaalin sare kaga jiray soo saarayasha filimada ee caalamka.

    Jilayaasha Filimka

    TUULO JANO FILIMKA CUSUB

    XIGASHADA SAWIRKA,NUH MUSSE BERJEEB

    Filimka ‘Tuulo Janno’, Soo saarayaasha iyo jilayaashuba waa Soomaali sida BBCda u sheegay Nuux Muuse Birjeeb oo ka mida soo saaraasha Filimka, wuxuu xusay in tani ka marag furayso sida dad badan dhalinyaro oo hibo leh ay ku dhex habowsan yihiin bulshada.

    Nuux, wuxuu sheegay in bandhigyada iyo mahrajaanadu duniddu ay la yaaban sida dhalinyaro yar yar oo ku nool dal soo kabanaya ay u leeyihiin awood jilitaan oo xoog leh iyo sida ay u dhigayaan qisooyinka ay ka turjumayaan ee filimka.

    Axmed Faarax, oo ah soo saare Filimo lagu jilay Soomaaliya iyo Kenya ayna jilayaal ka ahaayeen Soomaali, kuwaas oo qabsaday masraxyada filimada ee dunida ayaa BBCda u sheegay in la joogo waqtigii laga faa’iidaysan lahaa soo bandhiga filimo ka turjumaya dhulka,dhaqanka iyo Soomaalida ee loo bandhigo caalamka.

    Faarax, wuxuu la qabaa Nuux in laga faa’idaysto hibada ku jirta jilayaasha Soomaalida iyo soo sarayaasha kuwaas oo sida uu xusay cajiib la noqda dadyowga kale markay tagaan bandhigyada filimada caalamka.

    Nuux, ayaa qaba in hadda wixii ka danbeeya ay dunida Filimadu arkeen in la heli karo dhalinyaro kaalin jilitaan ka ciyaari kara filimada ay soo saaraan dadka ajnabiga ee qayb ka mida quseeya Soomaalida basle horey ay u jili jireen ajaanib Af-soomaliga jajabinaya.

    Cidda ka caawisa dhaqaalaha Filimka ku baxay

    FILIMKA CUSUB EE TUULO JANO

    XIGASHADA SAWIRKA,NUH MUSSE BERJEEB

    Sida uu BBCda u sheegay Nuuh Muuse, caqabada ugu weyn ee ay la kulmaan dhalinyarada doonaya inay filimo soo saaraan ay tahay dhaqaale inay u helaan maadaama filimadu ku baxdo lacago malaayiin dollar ah.

    Filimkan cusub ee ‘THE VILLAGE NEXT TO PARADISE’ ama Tuulo Janno’ ayeyey maalgalisay shirkada filimada ee FreibeuterFlim taas oo laga leeyahay dalka Austria.

    “Shirkadaha Soomaali kuma baraarugsana in filimaantu yihiin wax la maalgashto oo ay dib ugu heli karaan lacago ka badan kuwii ay ku maalgaliyeen, sidoo kale dowladda Soomalaiya kuma baraarugsana in waxa ay sidan filimada lagu sameeyo Soomaaliya ay yihiin quruxda iyo dhaqanka Soomaalida kuwaas oo beddelaya kuwii hore looga sameyey Soomaalida oo sawir xun ka bixin jiray” ayuu BBCda u sheegay Nuux Muuse.

    Filimkan cusub ayaa soconaya muddo hal saac iyo afartan daqiiqo ah waa kii ugu waqtiga dheeraa ee lagu sameeyo Soomaaliya kaas oo si calaami ah u soo jiitay caalamka.

    Kooxdan ayaa hore u soo saaray filimo hore oo bilado ka helay bandhigyada iyo mahrajaanada caalamka.

    Waxaa soo kordhaya soo saarayasha iyo jilayaasha Soomaalida ee soo saaraya filimada kuwaas oo taageero ka helay dunida.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

    July 29, 2025

    Wasiir Karoore ayaa magacaabis cusub ku sameeyay maamulka Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

    July 29, 2025

    Xaalada Beledxaawo oo saaka degan, iyo Barakac hor leh oo socda.

    July 29, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

    July 29, 2025

    Wasiir Karoore ayaa magacaabis cusub ku sameeyay maamulka Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

    July 29, 2025

    Xaalada Beledxaawo oo saaka degan, iyo Barakac hor leh oo socda.

    July 29, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.