Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Sanbaloolshe oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta dagaalka Al-Shabaab

    May 22, 2025

    Maxaa ka socda Degmadda Moqokori ?

    May 22, 2025

    Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

    May 21, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Sanbaloolshe oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta dagaalka Al-Shabaab

      May 22, 2025

      Maxaa ka socda Degmadda Moqokori ?

      May 22, 2025

      Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

      May 21, 2025

      DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

      May 21, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

      May 18, 2025

      Weeraro aay fuliyeen ciidammadda Ruushka oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira

      May 17, 2025

      Maxay Soomaaliya ka baran kartaa Ciraaq oo ay isku xaalad iyo dagaal sokeeye soo wada mareen?

      May 17, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Sanbaloolshe oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta dagaalka Al-Shabaab

      May 22, 2025

      Maxaa ka socda Degmadda Moqokori ?

      May 22, 2025

      Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

      May 21, 2025

      DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

      May 21, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Muxuu yahay deegaanka dahabka laga helay ee uu dagaalka khasaaraha sababay ka bilowday?

    Muxuu yahay deegaanka dahabka laga helay ee uu dagaalka khasaaraha sababay ka bilowday?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 21, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Magaalada Burcoyar oo ku taalla gobolka Sanaag, ayaa waxaa dagaal ku dhex maray laba kooxood oo isku haysta dahab laga helay buur ku taalla deegaanka.

    Saaka ayaa dagaalkii ugu dambeeyay ee dhexmara labada dhinac halkaas ka dhacay, balse markii dambe ayuu dagaalka joogsaday markii uu bilowday roob halkaas ka da’ay.

    Ilaa lix qof ayaa ku dhaawacmay dagaalkaas oo socday laba maalmood. Balse dagaal isla dhacdadaan ka bilowday oo dhacay bishii soonka ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah dadka deegaanka, sida uu BBC da u sheegay gudoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag ee Somalliland, Jaamac Maxamuud Warsame.

    Saddex ka mid ah ragga ku dhawaacmay dagaal shalay dhacay ayuu sheegay gudoomiyuhu in xaalkoodu halis yahay, maadaama ay lafahu jajabeen. Waxaa lagu dabiibayaa dhaawacooda isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa.

    • Wiil uu dhalay odey dhaqmeedkii Itoobiyaanka ahaa ee Haregysa booqday ‘oo la dilay’2 Saacadood ka hor
    • Turkiga iyo Masar oo ka wada hadlay xalka xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya7 Saacadood ka hor
    • Erdogan oo sheegay in guusha Falastiiniyiintu ku jirto midnimadooda ka dib kulan uu la qaatay hoggaamiyaha Xamaas21 Abriil 2024
    Colaad

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Muxuu salka ku hayaa dagaalkaan?

    Deegano dhawr ah oo ku yaalla gobolka Sanaag ayaa waxay muddo ahaayeen kuwa laga qodo macdan uu ka mid yahay dahabku, inkasta oo aysan jirin dawladda ama maamul kontoroola shaqada ay qabtaan.

    Goob buuraley ah oo ku taalla deegaan lagu mahacaabo Burcoyar oo u dhaxeysa magaalooyinka Xiis iyo Maydh, ayaa waxa ay dadka deggan qaar kamid ah BBC da u sheegeen in ragga dahabka qoda qaarkood ay baaritaan ay sameeyeen kadib ay deegaanka ka heleen macdanta dahabka mar aan sidaas u sii fogeyn.

    Bishii Soonka oo dhamaadkeedii haatan laga joogo 12 beri, ayaa ahayd markii ay ka war heleen in deegaankooda laga helay macdantaas sida ay BBC da u sheegeen.

    Jaamac Cabdi Wayd oo kamid ah dadka deegaanka ayaa waxa uu u sheegay BBC da in dagaalku uu u dhaxeeyo ragga dahab qodayaasha ah oo doonaya in ay kala sheegtaan lahaanshaha dhulka laga helay dahabka, balse qaab qabiil doonaya in ay u dagaalmaan.

    ”Khilaaf [macdan qodayaasha] dhexdooda ah oo cid sheeganeyso oo leedahay deegaanka anagaa leh, sidaas ayuu ku bilowday” ayuu yiri Jaamac oo BBC da la hadaly.

    Labada dhinac ayaa wali isku hor fadhiya halkii ay ku dagaalameen sida uu BBC da u sheegay Ahmed Cabdi Halac oo isna kamid ah dadka deegaanka.

    Gudoomiye ku xigeenka Sanaag, ayaa sheegay in ay soo kala dhex galeen labada dhinac oo ay doonayaan in ay talaabo ka qaadaan.

    “Labada qolo labo deegaan oo isku muuqda ayay kala joogaan, dadka deegaanka ee halkaan joogana waa ay la hadleen, bal in ay xaalka dajiyaan”, sidaas waxaa BBC da u sheegay Jaamac Wayd.

    Gudoomiye Jaamac ayaa sheegay in markii shalay uu dagaalku dhacay uu maamulku u yeeray odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ee goobta ku dagaalamaya, wadahadal dheerna uu dhexmaray maamulka iyo odayaasha.

    Balse ‘nasiib xumo’ ayuu sheegay in saaka uu mar kale uu dagaal dhexmaray labada dhinac, walina ay dadaal wadaan.

    Ceerigaabo

    XIGASHADA SAWIRKA,JAABIR BULSHAAWI

    Qoraalka sawirka,Magaalada Ceerigoobo ee gobolka Sanaag.

    Maxay tahay Burcoyar?

    Waxa ay qiyaastii 170 km u jirtaa magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, waana deegaan ku yaalla dhul buuraleey ah. Magaalada Xiis ayaa ah meesha ugu dhaw, waxaana sii dhexmara wadda ka baxda magaalada Maydh.

    Deegaanka ayaa ahaa mid amaan ahaan aad u dagan oo aysan kajirin saansaan coladeed ka hor inta aan laga helin macdaantaan ay isku khilaafeen labada dhinac ee dagaalamay.

    „Cilladda waxaa keenay dahabkaas,” ayuu BBC da u sheegay gudoomiye Jaamac, isaga oo ka hadlay xuddunta colaadda ka dhacday deegaanka.

    Deeganada ku yaalla buuraleyda gobolkaan oo uu ka mid yahay deegaanko Milxo, ayaa inta badan waxaa laga qodaa macdan ay la baxaan dadka deegaanka, kuwaas oo ay ka sii iibsadaan shirkado dhoofiya macdanta, sida ay marar badan BBC da u sheegeen macdanqoadayaasha laftooda oo la hadlay.

    Somaliland iyo Punrland oo ay u dhaxeeyaan deegaanadaan qaarkood ayaan inta badan kor joogteyn ku sameyn shaqada macdan qosayaasha, iyada oo dhawr mar oo dhacdooyin halis oo ay la kulmeen macdan qodayaashu aysan helin gargaarkii loo bahnaa oo ka soo gaara maamulada ka jira deegaanada u dhawdhaw.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Sanbaloolshe oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta dagaalka Al-Shabaab

    May 22, 2025

    Maxaa ka socda Degmadda Moqokori ?

    May 22, 2025

    Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

    May 21, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Sanbaloolshe oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta dagaalka Al-Shabaab

    May 22, 2025

    Maxaa ka socda Degmadda Moqokori ?

    May 22, 2025

    Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

    May 21, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.