Saaxiibtii hore ee Hunter Biden oo ah wiilka madaxweynaha Mareykanka ayaa ka markhaati kacday in ay “argaxday” daqiiqado kadib markii ay baartay baabuurka Hunter oo ay ka heshay qori. Arintaan ayaa abuurtay dhacdooyin iyo rabshado isdabajoog ah oo markii danbe maxkamadda federaalka la geeyay wiilka.
Hallie Biden, oo sidoo kale ah xaaskii uu ka dhintay eedaysanaha walaalkii, ayaa sheegtay in ay ku aragtay nooc kamid ah bistooladaha taas oo ku dhexjirtay dhar iyo alaabo badan oo gaarigiisa saarnaa.
Ms Biden, oo 50 jir ah, ayaa sidoo kale maxkamadda u sheegtay in ay dareentay “walwal iyo cabsi’’ sidoo kale ay ka xishoonayso in ay bilowday cabista kookeynta oo uu u soo bandhigay Mr Biden, oo 54 jir ah sidaasna ay ku baratay.
Waa maxkamadeyntii ugu horeysay ee wiil uu dhalay madaxweyne Mareykan ah. Waxa uuna muteysan karaa 25 sano oo xarig ah haddii lagu helo dambiga.
Hunter Biden ayaa iska diiday saddex dacwadood oo la xiriirta haysashada hub isaga oo lagu eedeeyay in uu isticmaalay maandooriye.
Waxaa lagu eedeeyay in uu si bareer ah been uga sheegay warqadaha federaalka kadib markii lagu eedeeyay in rasaasta ka soo gatay dukaanka hubka ee Wilmington, Delaware, 12-kii Oktoobar 2018.
Kooxdiisa difaaca ayaa sheegay in uu ku jiray waqtigiisii soo kabashada, sidaas darteedna uu run sheegay markii uu warqadaha ku muujiyay in aanu ahayn isticmaale daroogo.
Maalintii Khamiista, maxkamaddu waxay dhageysatay xubin udub dhexaad u ah kiiska – Hallie Biden – oo xiriir la yeelatay eedaysanaha wax yar ka dib dhimashadii walaalkiis Beau Biden 2015.
Mid kamid ah marqaatiyaasha oo si qiiroleh uga hadlay xiriirkooda ayaa waxbadan ka sheegay is qabqabsi soo kala dhexgalay iyo xiliyadii isticmaalka maandooriyaha
Haweeneyda ayaa dhankeeda sheegtay in ay 23 Oktoobar 2018 subaxnimodii hore ay aragtay Mr Biden oo wajigiisa ay ka muuqato caro iyo daal badan, waxa ayna sheegtay in markaas ay soo wajahday cabsi, sidaasna ay ku baartay gaarigiisa oo ay ku aragtay hub iyo haraadiga kookeynta.
“Ma doonayn in uu naftiisa dhaawaco, mana doonayn in carruurtaydu ay arkaan oo ay naftooda Qatar gasho,” ayay tiri hooyada oo laba carruur ah heysata.
“Waan ka baqanayay in aan taabto sidoo kale waxaa dareemay cabsi ah in xabado ku jiraan,” ayay Ms Biden ku dartay.
Iyada oo cabsaneysa ayay bastooladii iyo 38-rasaas ah ku duubtay baakadi adag waxa ayna ku sii riday bac gaduudan oo ah kuwa hadiyadaha lagu rido intaa kadib waxa ay u qaaday tukaan ka agdhawaa oo ay ku dartay goobta qashinka.
“Waan garwaaqsaday in ay taasi ahayd fikrad nacasnimo,” ayay tidhi. “Laakiin waan argagaxay.”
Markii hore, ma aysan qorsheynin inay u sheegto Mr Biden waxa ay samaysay. Laakiin subaxaas markuu soo toosay ayuu gartay in ay ka maqan tahay.
“Adiga miyaa iga qaaday Hallie,. “Runtii waxaad u baahan tahay inaad iga caawiso inaan fikiro hadda, Tani waa mid halis ah.”
Waxa uu ka codsaday in ay ka caawiso in soocelinta hubka sidaas ayayna ugu soo noqotay bakhaarkii si ay u hesho qorigii balse way u suurtoobi wayday. Kadibna waxay booliiska u gudbisay warbixinta.
Waxaa soo baxayay war sheegaya in hubkaasi uu helay nin kamid ah xamaalka tukaanka kaas oo aruuriya alaabaha la isticmaalay si dib loogu warshadeeyo.
Ms Biden ayaa sidoo kale maxkamada u sheegtay in aysan arkin Mr Biden oo isticmaalaya maandooriyaha cocaine-ta waxyar kahor inta uusan iibsan qorigii ay tuurtay.
Hunter Biden waxa uu u muuqday mid si qoto dheer u eegaya dhankeeda markii ay ku markhaati furaysay.
Waxa kale oo uu dib u eegay xaaskiisa, Melissa Cohen Biden, oo ku sugneyd hoolka maxkamadda.
Xeer Ilaaliyaha ayaa waydiiyay Hunter Biden in uu fariin qoraal ah u diray Ms Biden maalin kadib markii uu soo iibsaday qoriga, isaga oo sheegay in uu sugayay ganacsade lagu magacaabo Mookie.
Waxay u sheegtay maxkamadda in ay ula jeedaan “in uu iibsanayo kookeynta”.
Qoraallada taxanaha ah ayaa sidoo kale waxaa ku jiray dhowr fariimo oo qiiro leh oo ka timid Ms Biden taas oo ay ku weydiineysay inuu miyir qabo.
Mid kamid ah qoraalada haweeneyda oo la aqriyay ayaa sidaan u dhigneyd “Waxaan ka baqayaa inaad dhimato,”.
Dacwad oogayaasha ayaa laga sugayaa in ay la yimaadaan waxyaabo cadeynaya in wiilka madaxweynaha uu cabsanaa sidoo kale waxaa hortaala in ay xeerbeegta ku qanciyaan in Mr Biden uu lahaa balwad.
Xeer ilaalinta ayaa la filayaa in ay u yeerto laba marqaati oo kale, oo ay ku jiraan khabiir FBI-da ah iyo wakiilka DEA, si baaritaan qoto dheer loogu sameeyo kiiska.
Madaxweyne Joe Biden ayaa watay shaqadiisa guud markii wiilkiisu ka soo muuqday maxkamada.
Wareysi uu siiyay ABC News isla maalintaas, Mr Biden wuxuu sheegay inuu aqbali doono natiijada maxkamadeynta wiilkiisa oo uusan cafin doonin.
Hunter Biden ayaa sidoo kale wajahaya maxkamad California bisha Sebtembar isaga oo lagu eedeeyay in uu ku guuldareystay inuu bixiyo $1.4m (£1.1m) oo canshuur ah.