Close Menu
    What's Hot

    MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

    February 8, 2026

    Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

    February 8, 2026

    GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

    February 8, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

      February 8, 2026

      GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

      February 8, 2026

      Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas 

      February 8, 2026

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

      February 8, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

      February 8, 2026

      Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas 

      February 8, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Muxuu Trump u soo galay ganacsiga kabaha

    Muxuu Trump u soo galay ganacsiga kabaha

    By radiohalgan.comFebruary 20, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Donald Trump ayaa soo saaray astaantiisa shirkadda kabaha, maalin ka dib markii xaakim reer New York ah uu ku amray inuu bixiyo $354.9 malyan oo ganaax ah.

    “Waxaan doonayay inaan tan sameeyo muddo dheer,” Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa yiri, isagoo daaha ka qaaday waxa uu ugu yeeray kabaha rasmiga ah ee Trump ee uu kaga dhawaaqay munaasibadda Sneaker Con ee ka dhacday Philadelphia ”.

    Waxa is qabsaday dhawaaq dheer iyo sidoo kale sawaxan, ka dib ku dhawaaqistiisa. Ka qaybgalayaasha ayaa ka badnaa taageerayaashii horay loogu arki jiray bandhigyada Trump.

    Kabaha dhaldhalaalaya, kuwa dahabka ka’ah xagga sare oo uu dhabarka kaga dheggan yahay calanka Maraykanku, ayaa lagu iibinayaa meelo badan, iyadoo la siinayo lacag gaareysa $399.

    Warbaahinta qaar ayaa ku warramaysa in ganacsigan uusan wax xiriir ah la lahayn ololihiisa doorashada oo uu haatanba ku guda jiro, inkastoo saraakiisha ololaha Trump ay kor u qaadeen muuqaalka baraha bulshada ee bandhiggan.

    “Waxaan haystaa dad cajiib ah oo igala shaqeeya arrimahan waxayna la yimaadeen tan, waxaanan u maleynayaa inay noqon doonto guul weyn,” ayuu yiri intii ay socotay munaasabadda.

    Tallaabada Trump ayaa timid maalin ka dib markii xaakimku uu ku amray in uu bixiyo ku dhawaad 355 milyan oo doolar gobolka New York ka dib markii uu ka been sheegay qiimaha hantidiisa. Hogaamiyaha Jamhuuriga oo 77 jir ah ayaa si weyn loo filayaa inuu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka ee November.

    Trump ayaa markii dambe eedayn u jeediyay garsoore Arthur Engoron, kaas oo Jimcihii ku amray isaga iyo wiilashiisa waaweyn iyo xulafadiisa inay bixiyaan lacag ka badan $354.9 malyan oo lagu daray dulsaar, kadib markii lagu helay inay si ula kac ah u galeen khiyaano maaliyadeed muddo toban sano ah.

    Isagoo la hadlaya taageerayaasha markii ugu horeysay tan iyo xukunka, musharaxa ugu cadcad ee u sharaxan Aqalka Cad ee Jamhuuriga ayaa u sheegay kumanaan taageerayaal ah isu soo bax olole oo ka dhacay Michigan in go’aanka uu ahaa “faragelin doorasho”.

    Trump
    Qoraalka sawirka,Kabaha shirkadda Trump

    Waxa uu sheegay in xaakimku uu qayb ka ahaa shirqoolka looga gol-leeyahay in laga joojiyo in uu mar kale madaxweyne noqdo, isaga oo intaa ku daray in “ku xad-gudubyadan nacaybka ah aysan kaliya ku soconin isaga ee ay tahay wax Mareykanka oo dhan quseeya” .

    Trump ayaa sidoo kale ku celiyay in doorashadii 2020-kii looga adkaaday madaxweynaha Dimuqraadiga ee Mareykanka Joe Biden ay sabab u tahay musuqmaasuqa doorashada.

    Engoron ayaa sidoo kale Trump ka mamnuucay inuu u shaqeeyo sarkaal ama agaasime shirkad kasta oo New York ah muddo saddex sano ah.

    Trump ayaa sidoo kale wajahaya afar maxkamadood oo dambiyo heer gobol ah iyo mid federaal ah, oo uu ku jiro mid la qorsheeyay inuu ka bilowdo New York 25-ka Maarso, kaasoo lagu eedeyay bixinno lacageed oo la siiyay xiddig qaas ah. Taas ayaa la macno ah in Trump uu noqon doono madaxweynihii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo maxkamad la soo taago eedeymo dambiyeed awgood.

    Trump
    Qoraalka sawirka,Trump

    Nikki Haley, oo ah musharraxii ugu dambeeyay ee u hartay musharaxnimada madaxweynaha Jamhuuriga ayaa mar waliba dhaleeceysa Trump.

    Haley waxay si joogta ah u tiraahdaa “qaswade” waxay ku talisaa Trump inuusan noqon karin madaxweyne ama musharrax waxtar leh sababtoo ah dhibaatooyinkiisa sharci ee tirada badan sida ay tilmaameyso.

    “Waxa uu soo istaagi doonaa maxkamadda Maarso iyo Abriil. Waxa sidoo kale maxkamad la soo taagi doonaa May iyo Juun. Waxa uu wakhti badan ku qaadan doona qolka maxkamada in ka badan inta uu ololaha ku jiro” Haley ayaa sheegtay.

    Trump wuxuu ku dhow yahay inuu ku guuleysto magacaabista madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga, iyo rajada laga qabo in doorashada guud uu la galo Biden, ka dib markii uu dhawaan ku guuleystay magacaabistii Iowa, New Hampshire iyo Nevada.

    Isu soo baxeeda fiidnimadii Sabtida, Haley waxay sidoo kale ku weerartay Trump inuu ku guuldareystay inuu ka hadlo dhimashada Alexei Navalny, hogaamiyaha mucaaradka ugu caansan Ruushka. Isu soo baxa Michigan, Trump wuxuu mar kale ku guuldareystay inuu sheego Navalny.

    Maamulka xabsiyada ee Ruushka ayaa sheegay in Navalny, oo 47 jir ah, uu ku dhintay jimcihii xabsiga “Polar Wolf” ee gobolka Arctic. Reer galbeedka, oo uu ku jiro Biden, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin dhimashadiisa.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

    February 8, 2026

    Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

    February 8, 2026

    GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

    February 8, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

    February 8, 2026

    Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

    February 8, 2026

    GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

    February 8, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.