Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

      May 14, 2025

      DEGDEG:- Beledweyne jug aad u xoogan ayaa m lagga maqlayaa

      May 14, 2025

      Gudoomiyaha Gobalka hiiraan mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa shir gudoomiyey kulan aan caadi aheeyn oo aay isugu yimaaden xubnaha maamulka gobolka heer degmo iyo heer gobal

      May 14, 2025

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

      May 14, 2025

      DEGDEG:- Beledweyne jug aad u xoogan ayaa m lagga maqlayaa

      May 14, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Muxuu Trump u soo galay ganacsiga kabaha

    Muxuu Trump u soo galay ganacsiga kabaha

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 20, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Donald Trump ayaa soo saaray astaantiisa shirkadda kabaha, maalin ka dib markii xaakim reer New York ah uu ku amray inuu bixiyo $354.9 malyan oo ganaax ah.

    “Waxaan doonayay inaan tan sameeyo muddo dheer,” Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa yiri, isagoo daaha ka qaaday waxa uu ugu yeeray kabaha rasmiga ah ee Trump ee uu kaga dhawaaqay munaasibadda Sneaker Con ee ka dhacday Philadelphia ”.

    Waxa is qabsaday dhawaaq dheer iyo sidoo kale sawaxan, ka dib ku dhawaaqistiisa. Ka qaybgalayaasha ayaa ka badnaa taageerayaashii horay loogu arki jiray bandhigyada Trump.

    Kabaha dhaldhalaalaya, kuwa dahabka ka’ah xagga sare oo uu dhabarka kaga dheggan yahay calanka Maraykanku, ayaa lagu iibinayaa meelo badan, iyadoo la siinayo lacag gaareysa $399.

    Warbaahinta qaar ayaa ku warramaysa in ganacsigan uusan wax xiriir ah la lahayn ololihiisa doorashada oo uu haatanba ku guda jiro, inkastoo saraakiisha ololaha Trump ay kor u qaadeen muuqaalka baraha bulshada ee bandhiggan.

    “Waxaan haystaa dad cajiib ah oo igala shaqeeya arrimahan waxayna la yimaadeen tan, waxaanan u maleynayaa inay noqon doonto guul weyn,” ayuu yiri intii ay socotay munaasabadda.

    Tallaabada Trump ayaa timid maalin ka dib markii xaakimku uu ku amray in uu bixiyo ku dhawaad 355 milyan oo doolar gobolka New York ka dib markii uu ka been sheegay qiimaha hantidiisa. Hogaamiyaha Jamhuuriga oo 77 jir ah ayaa si weyn loo filayaa inuu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka ee November.

    Trump ayaa markii dambe eedayn u jeediyay garsoore Arthur Engoron, kaas oo Jimcihii ku amray isaga iyo wiilashiisa waaweyn iyo xulafadiisa inay bixiyaan lacag ka badan $354.9 malyan oo lagu daray dulsaar, kadib markii lagu helay inay si ula kac ah u galeen khiyaano maaliyadeed muddo toban sano ah.

    Isagoo la hadlaya taageerayaasha markii ugu horeysay tan iyo xukunka, musharaxa ugu cadcad ee u sharaxan Aqalka Cad ee Jamhuuriga ayaa u sheegay kumanaan taageerayaal ah isu soo bax olole oo ka dhacay Michigan in go’aanka uu ahaa “faragelin doorasho”.

    Trump
    Qoraalka sawirka,Kabaha shirkadda Trump

    Waxa uu sheegay in xaakimku uu qayb ka ahaa shirqoolka looga gol-leeyahay in laga joojiyo in uu mar kale madaxweyne noqdo, isaga oo intaa ku daray in “ku xad-gudubyadan nacaybka ah aysan kaliya ku soconin isaga ee ay tahay wax Mareykanka oo dhan quseeya” .

    Trump ayaa sidoo kale ku celiyay in doorashadii 2020-kii looga adkaaday madaxweynaha Dimuqraadiga ee Mareykanka Joe Biden ay sabab u tahay musuqmaasuqa doorashada.

    Engoron ayaa sidoo kale Trump ka mamnuucay inuu u shaqeeyo sarkaal ama agaasime shirkad kasta oo New York ah muddo saddex sano ah.

    Trump ayaa sidoo kale wajahaya afar maxkamadood oo dambiyo heer gobol ah iyo mid federaal ah, oo uu ku jiro mid la qorsheeyay inuu ka bilowdo New York 25-ka Maarso, kaasoo lagu eedeyay bixinno lacageed oo la siiyay xiddig qaas ah. Taas ayaa la macno ah in Trump uu noqon doono madaxweynihii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo maxkamad la soo taago eedeymo dambiyeed awgood.

    Trump
    Qoraalka sawirka,Trump

    Nikki Haley, oo ah musharraxii ugu dambeeyay ee u hartay musharaxnimada madaxweynaha Jamhuuriga ayaa mar waliba dhaleeceysa Trump.

    Haley waxay si joogta ah u tiraahdaa “qaswade” waxay ku talisaa Trump inuusan noqon karin madaxweyne ama musharrax waxtar leh sababtoo ah dhibaatooyinkiisa sharci ee tirada badan sida ay tilmaameyso.

    “Waxa uu soo istaagi doonaa maxkamadda Maarso iyo Abriil. Waxa sidoo kale maxkamad la soo taagi doonaa May iyo Juun. Waxa uu wakhti badan ku qaadan doona qolka maxkamada in ka badan inta uu ololaha ku jiro” Haley ayaa sheegtay.

    Trump wuxuu ku dhow yahay inuu ku guuleysto magacaabista madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga, iyo rajada laga qabo in doorashada guud uu la galo Biden, ka dib markii uu dhawaan ku guuleystay magacaabistii Iowa, New Hampshire iyo Nevada.

    Isu soo baxeeda fiidnimadii Sabtida, Haley waxay sidoo kale ku weerartay Trump inuu ku guuldareystay inuu ka hadlo dhimashada Alexei Navalny, hogaamiyaha mucaaradka ugu caansan Ruushka. Isu soo baxa Michigan, Trump wuxuu mar kale ku guuldareystay inuu sheego Navalny.

    Maamulka xabsiyada ee Ruushka ayaa sheegay in Navalny, oo 47 jir ah, uu ku dhintay jimcihii xabsiga “Polar Wolf” ee gobolka Arctic. Reer galbeedka, oo uu ku jiro Biden, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin dhimashadiisa.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.