Tababaraha Kooxda Man United ee Erik Ten Hag ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Fulham kulan ka tirsanaa premier League.
Kooxda Man United ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Fulham kulan ka dhacay Old Traford.
Ten Hag ayaa difaacay kooxdiisa kadib guuldarada waxana uu sheegay in ay muujiyeen qaab ciyaareed fiican iyo awood.
βKooxdu waxay soo bandhigtay dabeecad weyn si ay dib ugu dagaalanto, waxaan u qalanay goolkii barbarahaβayuu Ten Hag yidhi.
βWaxa aan bilownay in aan raadino goolka guusha, waxaan muujinnay shakhsiyad weyn iyo dabeecad.β
βWaa inaad aragto sawirka weyn. Sawirka weyn wuxuu u muuqdaa mid aad u wanaagsan.βayuu sii raaciyay.

