Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

    May 12, 2025

    Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa markale weerar afka ah kuqaaday madaxweynaha Jubbaland

    May 12, 2025

    Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

    May 12, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa markale weerar afka ah kuqaaday madaxweynaha Jubbaland

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi ayaa tacsi ugu tagey qoyska uu ka geeriyooday Alle u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas

      May 12, 2025

      Madaxweynaha Jubbaland oo furay shirweyne looga hadlayo arrimaha deegaanka.

      May 12, 2025

      DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

      May 10, 2025

      Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

      May 10, 2025

      Akhriso:- Hindiya iyo Pakistan oo gaarey heshiis xabad joojin ah

      May 10, 2025

      Xiisadda u dhaxaysa Pakistan iyo Hindiya ayaa si xowli ah u korortay kadib

      May 10, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa markale weerar afka ah kuqaaday madaxweynaha Jubbaland

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi ayaa tacsi ugu tagey qoyska uu ka geeriyooday Alle u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas

      May 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika?

    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMarch 1, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ololaha madaxtinnimada Guddiga Midowga Afrika (AUC) ayaa billowday, iyadoo Soomaaliya ay muddo dheer kadib si rasmi ah isugu dayeyso u qabashada jagadan.

    Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan booskan usoo sharraxday xildhibaanad Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo hore usoo noqotay raysal wasaare ku xigeen iyo wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya.

    Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabatay magaalada Muqdisho, ayay Fowsiya si rasmi ah ugu shaacisay musharraxnimadeeda guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

    Muddo-xileedka kursigan ayaa ah 2025-2028. Fowsiya, oo ah siyaasi muddo dheer kusoo dhex jirtay siyaasadda Soomaaliya, ayaa haddii ay ku guuleysato noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xilkan qabta.

    Musharraxa kale ee kurisga madaxtinnimada guddigan kula tartamaya Fowsiya ayaa ah raysal wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga.

    Doorashada xilkan ayaa lagu wadaa inay qabsoonto shirka xiga ee AU, oo la filayo in la qabto inta u dhaxeysa bilaha January iyo February 2025.

    Xilkan ayaa waxaa haatan haya Moussa Faki, oo kasoo jeeda dalka Chad. Musharraxiinta ayaana codsiyadooda musharraxnimo gudbin doona bisha May ee sanadkan.

    Soomaaliya

    XIGASHADA SAWIRKA,STANDARD

    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay?

    Soomaaliya

    XIGASHADA SAWIRKA,BBC/ ED HABERSHON

    Fowsiya oo wareysi gaar ah siisay BBC ayaa sheegtay in ololaha musharraxnimada uu meel fiicna u marayo, isla markaana jagada haatan ay leeyihiin dalalka Bariga Afrika oo ay Soomaaliya dhowaan ku biirtay.

    “Hadda aniga iyo Raila Odinga ayaa sharraxan oo musharraxnimadeenna shaacinnay, inkastoo ololuhu billow yahay, lama oga cidda kale ee nagu soo biiri doonta” ayay tiri.

    Inkastoo arrimo badan ay ku furan yihiin dowladda Soomaaliya, haddana dadaal badan ayay sameysay sida ay sheegtay Fowsiya. “Sii hayaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo anigu shirar badan baan la galnay dalal badan oo Afrikaan ah,” ayay tiri.

    Waxay intaas raacisay in Soomaaliya ay ugu horreysay u ololeynta qabashada xilkan, balse dalka Kenya uu wado olole aad u ballaaran oo ay ku raadinayaan in Raila lagu sharfo kursigan.

    “Muddo badan baan xilkan isha ku hayay ilaa doorashadii hore, waxaan ogahay in dalkeenna uu yahay dal kheyraad badan leh ayna ku nool yihiin dad waxtar leh haddii garab la siiyo,” ayay tiri

    “Qofka xilkan qabta wuxuu ogaanayaa wax badan oo ka socda Afrika, wax badanna wuu qaban karaa. Afrika waa meel ay isha ku hayaa dalalka dibadda oo kheyraadka halkuu ku harsan yahay ah.”

    Waxay sheegtay in inkastoo Soomaaliya ay tahay dal burbur badan uu soo gaaray, haddana ay yaallaan kheyraad badan aadna qani u ah, isla markaana bulsho kooban ay ku nool yihiin, ayna rajeyneyso in kursigan wax badan loogu qaban karo Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika. “Waa lagama maarmaan in Soomaaliya ay tiigsato xilalka noocan ah.”

    Waxay intaas ku dartay in maaddaama Soomaaliya ay dhibaatooyin badan ka jiraan, ay muhiim u tahay inay hiigsato xilkan, si dhibaatooyinkaas wax looga qabto.

    Fowsiya oo ah gabadha keliya ee tartameysa, ayaa intaa ku dartay inay rajo weyn ka qabto hanashada kursigan, ayna dowladda Soomaaliya ku garan taagan tahay. “Fursadda aan leennahay aad ayay u sarreysaa haddii aan dadaalkeeda galno. Waxada mooddaa in Soomaaliya lagu wada eegayo il naxariis leh. Haddii aan ku guuleysanno, waxay noqoneysaa in wax badan ay inoo qabsoomaan.” Ayay tiri Fowsiya.

    Sidee ayay dowladuhu usoo xulaan musharraxa kursigan, qaabkee ayaana loo doortaa?

    Soomaaliya

    XIGASHADA SAWIRKA,AU

    Qoraalka sawirka,Moussa Faki, guddoomiyaha haatan ee Guddiga Midowga Afrika

    Dhammaan musharraxiinta daneynaya inay xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika kala wareegaan Faki, ayaa laga doonayaa inay soo gudbiyaan CV-gooda iyo qoraal kooban oo ay ku sharraxayaan sida ay wax uga qaban karaan arrimaha ugu badan ee walaaca ku haya AU.

    Musharraxiinta ayaa laga doonayaa inay kasoo baxaan shuruudda waxbarasho ee Midowga Afrika uu go’aamiyay sida in shahaadada sare ay ka heystaan cilmiga sharciga, xiriirka caalamiga ah, dhaqaalaha, diblomaasiyadda, maamulka, maamulka ganacsiga, sayniska siyaasadda, sayniska bulshada iyo wixii la mid ah.

    Fowsiya ayaa BBC u sheegtay in dowladaha laga doonayo inay keenaan qof u qalma oo maamuli kara 55 dowladood oo Afrikaan ah.

    Marka ay musharraxiinta soo gudbiyaan araajidooda, Midowga Afrika ayaa eegi doona iyadoo guddi loo saaray uu kala xulan doono musharraxiinta ugu mudan ee isugu soo haraya tartanka xilkan.

    Musharraxiinta isku soo hara ayaa loo qaadaa cod qarsoodi ah.

    Si musharraxu u guuleysto, waa inuu helaa labo meelood saddex codadka xubnaha guddiga ee madasha jooga isla markaana u qalma inay codeeyaan.

    Haddii musharraxna uu helo waayo aqlabiyadda loo baahan yahay wareegga hore, wareegyo kale oo codbixin ayaa la qabanayaa.

    Madaxa AUD ayaa la doortaa afartii sanoba mar, hal jeer ayaana mar kale la dooran karaa qofkii hore u hayay. Ninka haatan xilka haya ayaa kasoo jeeda dalka Chad oo Bartamaha Afrika ku yaalla, waxaana jirta dood ah in hoggaamiyaha xiga laga soo xusho Bariga Afrika.

    Waa tuma Fowsiya?

    Fowsiya

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, waa haweeneydii ugu horeysay ee ra’iisul wasaare ku xigeen iyo wasiirka arimaha dibadda ka noqota Soomaaliya.

    Waxay aqoon durugsan u leedahay diblomaasiyadda, iyadoo muddo dheer ku nooleyd dalka Britain.

    Khibraddeeda baaxadda leh iyo muddada dheer ee ay kusoo jirtay baarlamaanka Soomaaliya, ayay sheegtay in loogu xushay musharraxnimada xilka guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

    Sanadkii 2012, markii ugu horreysay ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay madaxtinnimada Soomaaliya, Fowsiya ayaa caalamka qabsatay kadib markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Soomaaliya wasiir arrimo dibadeed ka noqota iyo waliba raysal wasaare ku xigeen.

    Magacaabidda Fowsiya ee xilalkan ayaa ahayd tallaabo geesinnimo leh oo ay Soomaaliya qaaddo, maaddaama uu yahay dal ay ka jirto sinnaan la’aan baahsan oo dhanka ragga iyo haweenka ah, marka la eego siyaasadda iyo qeybaha kale ee bulshada.

    Sidoo kale, Fowsiya ayaa taariikh dhigtay sanadkii 2022, markaasoo ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee ka qeyb gasha tartanka madaxtinnimada Soomaaliya.

    Fowsiya oo ah gabadha diblomaasi sare, ayaa diblomaasiyadda jecleyd markii ay yareyd. Aabbaheed Yuusuf Xaaji Aadan, wuxuu ahaa diblomaasigii ugu horreeyay ee Soomaaliya ku matala dunida Carabta.

    Iyadoo ku dhalatay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, waxay Fowsiya wax kusoo baratay dalal ay ka mid yihiin Suudaan iyo Mareykanka.

    Waxay kasoo shaqeysay magaalooyin ay ka mid yihiin Moscow iyo Washington oo ay xilal dhowr ah oo diblomaasiyadeed kasoo qabatay. Kahor inta aysan xil ka qaban Soomaaliya waxay lasoo shaqeysay hay’ado ay kuwa QM ka mid yihiin.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

    May 12, 2025

    Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

    May 12, 2025

    In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

    May 11, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

    May 12, 2025

    Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa markale weerar afka ah kuqaaday madaxweynaha Jubbaland

    May 12, 2025

    Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

    May 12, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.