Close Menu
    What's Hot

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

      January 31, 2026

      Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

      January 31, 2026

      Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

      January 31, 2026

      Madaxdii Jigjiga booqatay oo isugu tagtay Shabeelley.

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

      January 31, 2026

      Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

      January 31, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika?

    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika?

    By radiohalgan.comMarch 1, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ololaha madaxtinnimada Guddiga Midowga Afrika (AUC) ayaa billowday, iyadoo Soomaaliya ay muddo dheer kadib si rasmi ah isugu dayeyso u qabashada jagadan.

    Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan booskan usoo sharraxday xildhibaanad Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo hore usoo noqotay raysal wasaare ku xigeen iyo wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya.

    Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabatay magaalada Muqdisho, ayay Fowsiya si rasmi ah ugu shaacisay musharraxnimadeeda guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

    Muddo-xileedka kursigan ayaa ah 2025-2028. Fowsiya, oo ah siyaasi muddo dheer kusoo dhex jirtay siyaasadda Soomaaliya, ayaa haddii ay ku guuleysato noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xilkan qabta.

    Musharraxa kale ee kurisga madaxtinnimada guddigan kula tartamaya Fowsiya ayaa ah raysal wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga.

    Doorashada xilkan ayaa lagu wadaa inay qabsoonto shirka xiga ee AU, oo la filayo in la qabto inta u dhaxeysa bilaha January iyo February 2025.

    Xilkan ayaa waxaa haatan haya Moussa Faki, oo kasoo jeeda dalka Chad. Musharraxiinta ayaana codsiyadooda musharraxnimo gudbin doona bisha May ee sanadkan.

    Soomaaliya

    XIGASHADA SAWIRKA,STANDARD

    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay?

    Soomaaliya

    XIGASHADA SAWIRKA,BBC/ ED HABERSHON

    Fowsiya oo wareysi gaar ah siisay BBC ayaa sheegtay in ololaha musharraxnimada uu meel fiicna u marayo, isla markaana jagada haatan ay leeyihiin dalalka Bariga Afrika oo ay Soomaaliya dhowaan ku biirtay.

    β€œHadda aniga iyo Raila Odinga ayaa sharraxan oo musharraxnimadeenna shaacinnay, inkastoo ololuhu billow yahay, lama oga cidda kale ee nagu soo biiri doonta” ayay tiri.

    Inkastoo arrimo badan ay ku furan yihiin dowladda Soomaaliya, haddana dadaal badan ayay sameysay sida ay sheegtay Fowsiya. β€œSii hayaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo anigu shirar badan baan la galnay dalal badan oo Afrikaan ah,” ayay tiri.

    Waxay intaas raacisay in Soomaaliya ay ugu horreysay u ololeynta qabashada xilkan, balse dalka Kenya uu wado olole aad u ballaaran oo ay ku raadinayaan in Raila lagu sharfo kursigan.

    β€œMuddo badan baan xilkan isha ku hayay ilaa doorashadii hore, waxaan ogahay in dalkeenna uu yahay dal kheyraad badan leh ayna ku nool yihiin dad waxtar leh haddii garab la siiyo,” ayay tiri

    β€œQofka xilkan qabta wuxuu ogaanayaa wax badan oo ka socda Afrika, wax badanna wuu qaban karaa. Afrika waa meel ay isha ku hayaa dalalka dibadda oo kheyraadka halkuu ku harsan yahay ah.”

    Waxay sheegtay in inkastoo Soomaaliya ay tahay dal burbur badan uu soo gaaray, haddana ay yaallaan kheyraad badan aadna qani u ah, isla markaana bulsho kooban ay ku nool yihiin, ayna rajeyneyso in kursigan wax badan loogu qaban karo Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika. β€œWaa lagama maarmaan in Soomaaliya ay tiigsato xilalka noocan ah.”

    Waxay intaas ku dartay in maaddaama Soomaaliya ay dhibaatooyin badan ka jiraan, ay muhiim u tahay inay hiigsato xilkan, si dhibaatooyinkaas wax looga qabto.

    Fowsiya oo ah gabadha keliya ee tartameysa, ayaa intaa ku dartay inay rajo weyn ka qabto hanashada kursigan, ayna dowladda Soomaaliya ku garan taagan tahay. β€œFursadda aan leennahay aad ayay u sarreysaa haddii aan dadaalkeeda galno. Waxada mooddaa in Soomaaliya lagu wada eegayo il naxariis leh. Haddii aan ku guuleysanno, waxay noqoneysaa in wax badan ay inoo qabsoomaan.” Ayay tiri Fowsiya.

    Sidee ayay dowladuhu usoo xulaan musharraxa kursigan, qaabkee ayaana loo doortaa?

    Soomaaliya

    XIGASHADA SAWIRKA,AU

    Qoraalka sawirka,Moussa Faki, guddoomiyaha haatan ee Guddiga Midowga Afrika

    Dhammaan musharraxiinta daneynaya inay xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika kala wareegaan Faki, ayaa laga doonayaa inay soo gudbiyaan CV-gooda iyo qoraal kooban oo ay ku sharraxayaan sida ay wax uga qaban karaan arrimaha ugu badan ee walaaca ku haya AU.

    Musharraxiinta ayaa laga doonayaa inay kasoo baxaan shuruudda waxbarasho ee Midowga Afrika uu go’aamiyay sida in shahaadada sare ay ka heystaan cilmiga sharciga, xiriirka caalamiga ah, dhaqaalaha, diblomaasiyadda, maamulka, maamulka ganacsiga, sayniska siyaasadda, sayniska bulshada iyo wixii la mid ah.

    Fowsiya ayaa BBC u sheegtay in dowladaha laga doonayo inay keenaan qof u qalma oo maamuli kara 55 dowladood oo Afrikaan ah.

    Marka ay musharraxiinta soo gudbiyaan araajidooda, Midowga Afrika ayaa eegi doona iyadoo guddi loo saaray uu kala xulan doono musharraxiinta ugu mudan ee isugu soo haraya tartanka xilkan.

    Musharraxiinta isku soo hara ayaa loo qaadaa cod qarsoodi ah.

    Si musharraxu u guuleysto, waa inuu helaa labo meelood saddex codadka xubnaha guddiga ee madasha jooga isla markaana u qalma inay codeeyaan.

    Haddii musharraxna uu helo waayo aqlabiyadda loo baahan yahay wareegga hore, wareegyo kale oo codbixin ayaa la qabanayaa.

    Madaxa AUD ayaa la doortaa afartii sanoba mar, hal jeer ayaana mar kale la dooran karaa qofkii hore u hayay. Ninka haatan xilka haya ayaa kasoo jeeda dalka Chad oo Bartamaha Afrika ku yaalla, waxaana jirta dood ah in hoggaamiyaha xiga laga soo xusho Bariga Afrika.

    Waa tuma Fowsiya?

    Fowsiya

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, waa haweeneydii ugu horeysay ee ra’iisul wasaare ku xigeen iyo wasiirka arimaha dibadda ka noqota Soomaaliya.

    Waxay aqoon durugsan u leedahay diblomaasiyadda, iyadoo muddo dheer ku nooleyd dalka Britain.

    Khibraddeeda baaxadda leh iyo muddada dheer ee ay kusoo jirtay baarlamaanka Soomaaliya, ayay sheegtay in loogu xushay musharraxnimada xilka guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

    Sanadkii 2012, markii ugu horreysay ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay madaxtinnimada Soomaaliya, Fowsiya ayaa caalamka qabsatay kadib markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Soomaaliya wasiir arrimo dibadeed ka noqota iyo waliba raysal wasaare ku xigeen.

    Magacaabidda Fowsiya ee xilalkan ayaa ahayd tallaabo geesinnimo leh oo ay Soomaaliya qaaddo, maaddaama uu yahay dal ay ka jirto sinnaan la’aan baahsan oo dhanka ragga iyo haweenka ah, marka la eego siyaasadda iyo qeybaha kale ee bulshada.

    Sidoo kale, Fowsiya ayaa taariikh dhigtay sanadkii 2022, markaasoo ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee ka qeyb gasha tartanka madaxtinnimada Soomaaliya.

    Fowsiya oo ah gabadha diblomaasi sare, ayaa diblomaasiyadda jecleyd markii ay yareyd. Aabbaheed Yuusuf Xaaji Aadan, wuxuu ahaa diblomaasigii ugu horreeyay ee Soomaaliya ku matala dunida Carabta.

    Iyadoo ku dhalatay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, waxay Fowsiya wax kusoo baratay dalal ay ka mid yihiin Suudaan iyo Mareykanka.

    Waxay kasoo shaqeysay magaalooyin ay ka mid yihiin Moscow iyo Washington oo ay xilal dhowr ah oo diblomaasiyadeed kasoo qabatay. Kahor inta aysan xil ka qaban Soomaaliya waxay lasoo shaqeysay hay’ado ay kuwa QM ka mid yihiin.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

    January 31, 2026

    Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

    April 10, 2024

    Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

    April 9, 2024
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.