Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.
Ugu horreyn Sheekh Shariif ayaa si adag uga hadlay xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, isaga oo taageero wayn iyo garab istaag u muujiyay Axmed Madoobe.
Shariifka ayaa sidoo kale ka horyimid tallaabada milatari ee ay qaaday dowladda dhexe, isla-marlaana ciidamada lagu geeyay deegaanada Jubbaland, wuxuuna tilmaamay in arrintaas ay sababi karto in uu dhiig ku daato.
Maanta waxay soo gaartay ciidamadii qaranka ee loogu talagalay inay difaacaan dalka lasoo adeegsanaayo waa xaalad la abuuraayo oo uu dhiig ku daadan karo, waana mas’uuliyad darro mana jirin baaho loo qabo” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sidoo kale wuxuu soo hadal soo qabashada Axmed Madoobe kadib waaranka ay u jartay dowladda federaalka, isaga oo tilmaamay inuu arko arrin khalad ah, maadaama uu waqtigeeda ku qabtay doorashada maamulka Jubbaland.
Kii yiri doorasho aan qabanayaa ee qabtay in la yiraahdo waaran ayaa loo jarayaa kii kalena sidaada ku joog haddaa aamustana tan oo kale ayaa kuugu dhaceyso dowladnimo kuma shaqeyneyso” ayuu mar kale yiri Sheekha.
Waxaa kale oo uu Sheekh Shariif sii raaciyay “Dowladnimo wa heshiis bulsho, dastuurku waa heshiis bulsho oo ay tahay inaan wada ilaalino”.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkiisii uu yahay khilaafka Villa Soomaaliya iyo Jubbaland, kaas oo ku dhow inuu isku rogo gacan ka hadal, kadib markii ay dowladdu ciidamo badan gaysay deegaanka Raaskambooni, kuwaas oo bilaabay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah maamulka Axmed Madoobe