Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Maxaa ka socda Degmadda Moqokori ?

    May 22, 2025

    Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

    May 21, 2025

    DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

    May 21, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Maxaa ka socda Degmadda Moqokori ?

      May 22, 2025

      Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

      May 21, 2025

      DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

      May 21, 2025

      Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

      May 20, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

      May 18, 2025

      Weeraro aay fuliyeen ciidammadda Ruushka oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira

      May 17, 2025

      Maxay Soomaaliya ka baran kartaa Ciraaq oo ay isku xaalad iyo dagaal sokeeye soo wada mareen?

      May 17, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Maxaa ka socda Degmadda Moqokori ?

      May 22, 2025

      Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

      May 21, 2025

      DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

      May 21, 2025

      Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

      May 20, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Muxuu Sheekh Cali Wajiis ka yiri inuu fatwooday ‘duulaan dowladda dhexe ku qaado Puntland’?

    Muxuu Sheekh Cali Wajiis ka yiri inuu fatwooday ‘duulaan dowladda dhexe ku qaado Puntland’?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 16, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in Puntland “ lagu soo qaaday duullaan diimeed “ isagoo eedeyn u jeediyey Sheekh Cali Wajiis oo ku sheegay in uu “ fadwooday in lagu duulo Puntland lana soo qabto madaxweynahooda”

    Laakiin sheekh Cali Wajiis oo BBCda la hadlay ayaa sheegay inuusan isagu ka hadlayn wax ku saabsan Puntland ee kaliya uu sharaxay nidaamka dowladdeed ee dalka iyo ay isaga la tahay aragtidiisa.

    “Waa nasiib darro, in masuul hadal beena oo raad lahayn u qasdo oo waliba dad ugu khudbeeyo,” ayuu yiri Cali wajiis oo iska fogeynaya eedda uu u jeediyay wasiirka.

    “Anigu waxaan sharxayey federalka iyo qaynuunka qaabkuu u kala maareeyo dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, anigu hadafkaygu ma ahayn Puntland” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

     

    Sheekh Cali wajiis oo dhawaan wareysi siiyay mid kamid ah warbaahinada maxalliga ah ee Soomaaliya, ayaa sheegay “In dawladda dhexe ee Soomaaliya ay xaq u leedahay in soo qabato madaxweynayaasha dawlad goboleedyada hadii ay ka hor yimaadaan”.

    Balse isagu waxa uu ku adkeystay in inuusan fatwoon in lagu duulo Puntland sida uu ku eedeyey wasiirka Puntland.

    Dhanka kale wasiir Caydid ayaa si la mida Sheekh Cali Wajiisa eedeyn u jeediyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal, hase yeeshee xiriir BBCdu la samaysay Sheekha ayaan noo suura galin inuu ka soo jawaabo.

    Xasan iyo Dani

    XIGASHADA SAWIRKA,PUNTLAND STATE HOUSE

    Khilaafka Puntland iyo dowladda federalka

    Ka dib wax ka baddelkii dastuurka ee ay meel mariyeen labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya uuna saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa la bilowday khilaaf xooggan oo ka dhex oogmay dhinacyada

    Puntland ayaa ku dhawaaqday go’aan siyaasi ah oo ay gaareen golaheeda wasiirrada balse u madlan yihiin golaheeda wakiillada kaas oo ah in ay kalsoonidii ay kala laabteen haya’addaha dowladda federalka ee Soomaaliya, ka dib markii shalay ay barlamaanka labada aqal ee Soomaaliya meel mariyeen wax ka baddelka dastuurka.

    .

    XIGASHADA SAWIRKA,VILLA SOMALIA

    Maxaa ka dhalan kara go’aanka Puntland?

    Khilaafka labada dhinac u dhaxeeya ayaa soo taagnaa in muddo ahba.

    Puntland oo lagu naaneyso “Hooyada Federaalka” ayaa waxaa jiray arrimo dhowr ah oo ay hore isugu khilaafeen dowladda federaalka.

    Haddaba aan eegno dhowr arrimood oo go’aankan uu saameynayo.

    Dhaqaalaha

    Soomaaliya ayaa ah dal wali ku tiirsan kabid dhaqaale oo ay ka helaan caalamka gaar ahaan dalalka caawiya kaas ka mida halbowlayasha dhaqaalaha dalka.

    Puntland ayaa ka mid ah maamullada hela saamiga dhaqaale ee ay dowladda dhexe ka hesho caalamka gaar ahaan kuwa dalalka taageera iyo haya’adaha dhaqaalaha ee Bangiga Adduunka iyo IMF.

    Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Mukhtaar oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya, inkasta oo xiriirkoodu xumaa labada dhinac haddana ay Puntland lumin karto fursaddaas, maaddaama ay gabi ahaanba hadda jartay xiriirkii dowlada federalka.

    Puntland ayaa sidoo la xasuustaa inaysan kaalin weyn ku lahayd heerkii dayn cafinta muddooyinkii danbe laga soo bilaabo muddo xilledkii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Madaxda Puntland ayaa hore u sheegay inaysan helin kaalmadii beesha caalamku siiyeen Soomaaliya qaybtii ay ku lahaayeen sida uu BBC-da horaan u sheegay wasiirkii hore ee maaliyada Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

    Waxbarashada

    Tani waa qodob kale oo muhiim u ah Puntland, marka la eego kaalinta ay ku leedahay deeqaha waxbarasho ee Soomaaliya ka hesho dalalka ka taageera waxbarashada.

    Inkasta oo Puntland iyo dowladda federalka isugu maandhaafeen xal u helidda arrintaas, oo ayba dowladda dhexe hakisay deeqaha waxbarasho ee Puntland ka heli jirtay dowlada federalka xilligii dowladdii madaxweyne Farmaajo, haddana tani waa caqabad ay mar kale la kulmi karaan ardayda deegaanadasi sida uu BBCda u sheegay Maxamed Mukhtaar.

    Arrimaha bulshada

    Khilaafka Puntland iyo dowladda federalka kaliya ma saamayn dhanka siyaasadda oo kaleiya, basle waxaa kale oo saamayn togan uu ku yeeshay arrimaha bulshada.

    Puntland ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah aan ka qayb galin ciyaaraha maamul-goboleedyada dalka oo ka dhacay Muqdisho, sababo ay ku tilmaameen inay kala heshiin dowladda dhexe hannaankaas sida uu horaan BBC u sheegay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Puntland, Cabdiraxmaan Caydiid.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Maxaa ka socda Degmadda Moqokori ?

    May 22, 2025

    Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

    May 21, 2025

    DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

    May 21, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Maxaa ka socda Degmadda Moqokori ?

    May 22, 2025

    Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

    May 21, 2025

    DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

    May 21, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.