Close Menu
    What's Hot

    Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan UgaasΒ 

    February 8, 2026

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan UgaasΒ 

      February 8, 2026

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

      February 7, 2026

      DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

      February 7, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan UgaasΒ 

      February 8, 2026

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

      February 7, 2026

      DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

      February 7, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Muxuu muran u dhaliyay heshiiska ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga?

    Muxuu muran u dhaliyay heshiiska ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga?

    By radiohalgan.comFebruary 24, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Xiriirka siyaasadeed, kan dhaqaale iyo militari ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, oo si xowli ah u horumarayay tan iyo sanadkii 2011, ayaa galaya marxalad cusub kaddib “Heshiiskii Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha” ee la kala saxiixday February 8. Sida ku xusan heshiiska, Turkiga, oo saldhig militari ku leh Muqdisho, ayaa muddo 10 sano ah difaaci doona biyaha Soomaaliya wuxuuna gacan ka geysan doonaa horumarinta kheyraadka badda.

    Heshiiskan wuxuu imaanayaa kaddib markii Itoobiya ay 1-dii January heshiis is-afgarad la saxiixatay Somaliland, oo sheegtay inay ka go’day Soomaaliya in ka badan 30 sano kahor. Heshiiskaas ayaa Itoobiya u oggolaanaya inay isticmaasho Badda Cas, iyadoo aqoonsi ugu beddeleysa Somaliland.

    Soomaaliya waa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan caalamka. Dowladda dhexe ayaan dhammaan ammaanka dalka gacanta ku wada heyn, iyadoo kooxaha sida al-Shabaab ay ka jiraan.

    Soomaaliya waxay sidoo kale ka mid tahay dalalka uu Tukrigu maalgashtay siyaasad ahaan, dhaqaale iyo militari ahaan sanadkii 2011.

    Daneyntan, oo bilaabatay markii Recep Tayyip Erdoğan oo xilligaas raysal wasaare ahaa uu booqday Soomaaliya sanadkii 2011, labada dalba muhiim buu u ahaa socdaalkan oo xukuumadda Ankara ay ugu yeerto “diblomaasiyad bani’aadannimo”.

    Turkiga ayaa Soomaaliya ka sameeyay maalgashiyo kaabayaasha sida waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalaha, wuxuuna sidoo kale bixiyay tababarro militari. Taageero farsamo iyo tababar ayuu Turkigu siiyaa ciidamada Soomaaliya, tanoo qyeb ka ah heshiiskii iskaashiga ee ay wada saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga sanadkii 2012, wuxuuna Tukrigu Muqdisho ku leeyahay xarun militari oo weyn oo loo yaqaanno TÜRKSOM.

    Weji cusub oo xiriirka militariga ah

    Heshiiska, oo iskaashigii militari iyo amni ee u dhaxeeyay labada dal u qaaday heer cusub, ayaa lagu kala saxiixday Ankara February 8. Wasiirrada gaashaandhigga labada dal, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Yaşar Güler, ayaa saxiixay heshiiskan. Saraakiisha Turkiga ayaa laga soo xigtay in heshiiska ay codsatay Soomaaliya.

    Warsaxaafadeedkiisa kaddib saxiixidda heshiiska, ayaa GΓΌler wuxuu sheegay inay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga militari ee labada dhinac wuxuu yiri, β€œWaxaan aaminsanahay in heshiiskan iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee aan maanta saxiixnay uu horseedi doono horumarka xiriirkeenna militari. “Soomaaliya waxay gaartay guulo la taaban karo kaddib aasaaska ciidamada Gorgor,” ayuu intaa raaciyay.

    Heshiiskan ayay dowladda Soomaaliya ansixisay February 21, kadibna waxaa saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud February 22.

    Toban sano oo difaaca biyaha Soomaaliya ah

    Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency (AA), mar uu ka jawaabayay su’aalo ay weriyeyaal ku weydiiyeen Muqdisho, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in heshiiska lala saxiixday Turkiga ay ku jiraan arrimaha la dagaallanka argagixisada, khataraha bannaanka, burcad-badeedda iyo kalluumeysiga sharci-darrada ah, iyo sidoo kale difaaca xeebaha iyo horumarinta kheyraadka badda.

    Isagoo ku dhawaaqay in ciidamo badda oo isku dhaf ah ay sameyn doonaan labada dal, ayaa madaxweynuhu wuxuu sheegay in ciidamadan ay difaaci doonaan biyaha Soomaaliya muddo 10 sano ah ayna gacan ka geysan doonaan horumarinta kheyraadka badda.

    Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskan uusan wadan ujeeddo cadowtooyo ka dhan ah Itoobiya amaba dal kale, taasoo muujineysay sida tallaabadan looga arkay gobolka.

    Si heshiiskan uu u dhaqangalo, waa inuu ansixiyaa baarlamaanka Turkiga laguna daabacaa Official Gazette isagoo wata saxiixa Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan. Heshiiskan weli dhanka Tukriga looma dirin baarlamaanka.

    Turkiga

    XIGASHADA SAWIRKA,DHA

    Qoraalka sawirka,Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa Istanbul kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, October 27, 2023.

    Ma wuxuu jawaab u yahay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya?

    Xilliga uu kusoo beegmay heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga iyo sababta ugu muhiimsan ee Soomaaliya ay heshiiskan u ansixisay iyadoo aan la daahin ayaa keentay in lala xiriiriyo heshiiskii is afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya 1-dii January.

    Heshiikaas, ayay Itoobiya ku dooneysay inay ku isticmaasho Badda Cas, iyadoo uga beddelaneysa Somaliland aqoonsi. Waxaa sidoo kale heshiiska ku xusan in Itoobiya laga kireynayo saldhig militari.

    Somaliland ayaa sheegtay inay ka go’day Soomaaliya in ka badan 30 sano kahor, balse Midowga Afrika amaba Qaramada Midoobay uma aysan aqoonsan dal madax bannaan.

    Dhanka kale, kaddib 30 sano oo dagaal ah, Eritrea ayaa madaxbannaani ka qaadatay Itoobiya. Iyadoo ay ku nool yihiin in ka badan 100 milyan oo qof, haddana waa dalka ugu dadka badan dunida ee aan bad lahayn.

    Marka laga reebo Suudaanta Koofureed, dalalka kale ee xadka la leh Itoobiya, sida Soomaaliya, Eritrea, Sudan iyo Kenya ayaa leh bad.

    Itoobiya ayaa 1.6 bilyan oo doollar sanadkii ku kharash gareysa kirada dekadda. Ilaa iyo haatanna waxay isticmaashaa dekadda dalka deriska la ah ee Jabuuti oo inta badan ay u adeegsato wax soo dhiifsashadeeda iyo wax dhoofinteedaba.

    Sanadkii 2018 Itoobiya iyo Somaliland ayaa kala saxiixday heshiis u horseedi lahaa xukuumadda Addis Ababa inay 19% saami ku lahaato dekadda Berbera, iyadoo shirkadda laga leeyahay Imaaraatka Carabta ee DP World ay heysato 51% saamiga dekadda.

    Balse heshiiskan ayaa dhicisoobay sanadkii 2022 iyadoo “Itoobiya ay ku guul darreysatay inay kasoo baxdo shuruudaha looga baahnaa si ay saamiga u yeelato khaor muddada kama dambeysta ah”, sida ay xilligaasi sheegeen maamulka Somaliland.

    Turkiga

    XIGASHADA SAWIRKA,AFP

    Qoraalka sawirka,Dekadda Muqdisho

    Xiisad kasoo cusboonaatay gobolka

    Tallaabooyin ay qaadeen Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sii dhabqisay xaaladda. Xaqiiqda ah in Badda Cas, oo dhowaan ay weerarro ka geysanayeen kooxda Xuutiyiinta Yemen, haatanna ay ku murmayaan Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa walaac gelisay beesha caalamka.

    Warsaxafadeed ay soo saareen, ayaa dalalka Mareykanka, Shiinaha iyo kuwa Yurub waxay ku baaqeen in xal laga gaaro xiisadda labada dal iyadoo hab diblomaasiyadeed la marayo. Xukuumadda Washington ayaa labada dhinacba xiriir la sameysay uguna baaqday in la xalliyo arrinta.

    Inkastoo labada dowladoodba ay sheegeen inaysan ujeedin bilaabidda dagaal, haddana weli xiisadda xal lagama gaarin.

    Weli dowladda Itoobiya wax war ah kama soo saarin heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga. Hase yeeshee Somaliland ayaa ku adkeysaneysa inay hirgelin doonto heshiiskii ay la gashay Itoobiya, iyadoo aan u eegeyn cid walba oo ay Soomaaliya heshiis la gasho.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan UgaasΒ 

    February 8, 2026

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan UgaasΒ 

    February 8, 2026

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.