Xiriirka siyaasadeed, kan dhaqaale iyo militari ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, oo si xowli ah u horumarayay tan iyo sanadkii 2011, ayaa galaya marxalad cusub kaddib “Heshiiskii Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha” ee la kala saxiixday February 8. Sida ku xusan heshiiska, Turkiga, oo saldhig militari ku leh Muqdisho, ayaa muddo 10 sano ah difaaci doona biyaha Soomaaliya wuxuuna gacan ka geysan doonaa horumarinta kheyraadka badda.
Heshiiskan wuxuu imaanayaa kaddib markii Itoobiya ay 1-dii January heshiis is-afgarad la saxiixatay Somaliland, oo sheegtay inay ka go’day Soomaaliya in ka badan 30 sano kahor. Heshiiskaas ayaa Itoobiya u oggolaanaya inay isticmaasho Badda Cas, iyadoo aqoonsi ugu beddeleysa Somaliland.
Soomaaliya waa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan caalamka. Dowladda dhexe ayaan dhammaan ammaanka dalka gacanta ku wada heyn, iyadoo kooxaha sida al-Shabaab ay ka jiraan.
Soomaaliya waxay sidoo kale ka mid tahay dalalka uu Tukrigu maalgashtay siyaasad ahaan, dhaqaale iyo militari ahaan sanadkii 2011.
Daneyntan, oo bilaabatay markii Recep Tayyip Erdoğan oo xilligaas raysal wasaare ahaa uu booqday Soomaaliya sanadkii 2011, labada dalba muhiim buu u ahaa socdaalkan oo xukuumadda Ankara ay ugu yeerto “diblomaasiyad bani’aadannimo”.
Turkiga ayaa Soomaaliya ka sameeyay maalgashiyo kaabayaasha sida waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalaha, wuxuuna sidoo kale bixiyay tababarro militari. Taageero farsamo iyo tababar ayuu Turkigu siiyaa ciidamada Soomaaliya, tanoo qyeb ka ah heshiiskii iskaashiga ee ay wada saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga sanadkii 2012, wuxuuna Tukrigu Muqdisho ku leeyahay xarun militari oo weyn oo loo yaqaanno TÜRKSOM.
Weji cusub oo xiriirka militariga ah
Heshiiska, oo iskaashigii militari iyo amni ee u dhaxeeyay labada dal u qaaday heer cusub, ayaa lagu kala saxiixday Ankara February 8. Wasiirrada gaashaandhigga labada dal, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Yaşar Güler, ayaa saxiixay heshiiskan. Saraakiisha Turkiga ayaa laga soo xigtay in heshiiska ay codsatay Soomaaliya.
Warsaxaafadeedkiisa kaddib saxiixidda heshiiska, ayaa Güler wuxuu sheegay inay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga militari ee labada dhinac wuxuu yiri, “Waxaan aaminsanahay in heshiiskan iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee aan maanta saxiixnay uu horseedi doono horumarka xiriirkeenna militari. “Soomaaliya waxay gaartay guulo la taaban karo kaddib aasaaska ciidamada Gorgor,” ayuu intaa raaciyay.
Heshiiskan ayay dowladda Soomaaliya ansixisay February 21, kadibna waxaa saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud February 22.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency (AA), mar uu ka jawaabayay su’aalo ay weriyeyaal ku weydiiyeen Muqdisho, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in heshiiska lala saxiixday Turkiga ay ku jiraan arrimaha la dagaallanka argagixisada, khataraha bannaanka, burcad-badeedda iyo kalluumeysiga sharci-darrada ah, iyo sidoo kale difaaca xeebaha iyo horumarinta kheyraadka badda.
Isagoo ku dhawaaqay in ciidamo badda oo isku dhaf ah ay sameyn doonaan labada dal, ayaa madaxweynuhu wuxuu sheegay in ciidamadan ay difaaci doonaan biyaha Soomaaliya muddo 10 sano ah ayna gacan ka geysan doonaan horumarinta kheyraadka badda.
Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskan uusan wadan ujeeddo cadowtooyo ka dhan ah Itoobiya amaba dal kale, taasoo muujineysay sida tallaabadan looga arkay gobolka.
Si heshiiskan uu u dhaqangalo, waa inuu ansixiyaa baarlamaanka Turkiga laguna daabacaa Official Gazette isagoo wata saxiixa Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan. Heshiiskan weli dhanka Tukriga looma dirin baarlamaanka.
Ma wuxuu jawaab u yahay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya?
Xilliga uu kusoo beegmay heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga iyo sababta ugu muhiimsan ee Soomaaliya ay heshiiskan u ansixisay iyadoo aan la daahin ayaa keentay in lala xiriiriyo heshiiskii is afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya 1-dii January.
Heshiikaas, ayay Itoobiya ku dooneysay inay ku isticmaasho Badda Cas, iyadoo uga beddelaneysa Somaliland aqoonsi. Waxaa sidoo kale heshiiska ku xusan in Itoobiya laga kireynayo saldhig militari.
Somaliland ayaa sheegtay inay ka go’day Soomaaliya in ka badan 30 sano kahor, balse Midowga Afrika amaba Qaramada Midoobay uma aysan aqoonsan dal madax bannaan.
Dhanka kale, kaddib 30 sano oo dagaal ah, Eritrea ayaa madaxbannaani ka qaadatay Itoobiya. Iyadoo ay ku nool yihiin in ka badan 100 milyan oo qof, haddana waa dalka ugu dadka badan dunida ee aan bad lahayn.
Marka laga reebo Suudaanta Koofureed, dalalka kale ee xadka la leh Itoobiya, sida Soomaaliya, Eritrea, Sudan iyo Kenya ayaa leh bad.
Itoobiya ayaa 1.6 bilyan oo doollar sanadkii ku kharash gareysa kirada dekadda. Ilaa iyo haatanna waxay isticmaashaa dekadda dalka deriska la ah ee Jabuuti oo inta badan ay u adeegsato wax soo dhiifsashadeeda iyo wax dhoofinteedaba.
Sanadkii 2018 Itoobiya iyo Somaliland ayaa kala saxiixday heshiis u horseedi lahaa xukuumadda Addis Ababa inay 19% saami ku lahaato dekadda Berbera, iyadoo shirkadda laga leeyahay Imaaraatka Carabta ee DP World ay heysato 51% saamiga dekadda.
Balse heshiiskan ayaa dhicisoobay sanadkii 2022 iyadoo “Itoobiya ay ku guul darreysatay inay kasoo baxdo shuruudaha looga baahnaa si ay saamiga u yeelato khaor muddada kama dambeysta ah”, sida ay xilligaasi sheegeen maamulka Somaliland.
Xiisad kasoo cusboonaatay gobolka
Tallaabooyin ay qaadeen Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sii dhabqisay xaaladda. Xaqiiqda ah in Badda Cas, oo dhowaan ay weerarro ka geysanayeen kooxda Xuutiyiinta Yemen, haatanna ay ku murmayaan Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa walaac gelisay beesha caalamka.
Warsaxafadeed ay soo saareen, ayaa dalalka Mareykanka, Shiinaha iyo kuwa Yurub waxay ku baaqeen in xal laga gaaro xiisadda labada dal iyadoo hab diblomaasiyadeed la marayo. Xukuumadda Washington ayaa labada dhinacba xiriir la sameysay uguna baaqday in la xalliyo arrinta.
Inkastoo labada dowladoodba ay sheegeen inaysan ujeedin bilaabidda dagaal, haddana weli xiisadda xal lagama gaarin.
Weli dowladda Itoobiya wax war ah kama soo saarin heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga. Hase yeeshee Somaliland ayaa ku adkeysaneysa inay hirgelin doonto heshiiskii ay la gashay Itoobiya, iyadoo aan u eegeyn cid walba oo ay Soomaaliya heshiis la gasho.