Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga & Dhaqaalah Buluugga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa dhiggiisa Cumaan Dr Saud Bin Hamoud Al Habsi la gaaray heshiis soconaya muddo sanad ah balse uu jiro dooq lagu sii kordhin karo.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in is afgaradkaan uu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee dhinaca Kalluumaysiga sida uu hadalka loo dhigay.
“Is afgaradkaan ayaa hoga tusaaleynaya kaalinta dowladda Cumaan ee horumarinta Kalluumeysiga gudaha iyo sida ay laba dowladladood u yeelan karaan iskaashi dhinaca Kalluumeysiga ah, Is afgaradkaan ayaa shaqeynaya muddo sannad ah waxaana la cusbooneysiin doonaa sannad walba si loo hubiyo loona xoojiyo iskaashiga dhinaca Kalluumeysiga ah ee labada dal” sidaasi waxaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Kalluumaysiga XFS.
Qoraalka ayaa lasii raaciyay “Heshiiskan is afgaradk ah ayaa sidoo kale xoojinaya sii amba qaadidda dadaalka joogtada ah ee lagu ballaarinayo hannaanka iskaashiga labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Saldanada Cumaan”.
Ugu dambayn waxaa qoraalkaan lagu soo gabagabeeyay “Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ee XFS ayaa ku howlan xoojinta iskaashiga dhinaca Kalluumeysiga ah ee dowlaha daneeya Soomaaliya taas oo qeyb ka ah qoraheyaasha horutabinta u leh horumarinta Kalluumeysiga gudaha, abuurista furado maalgashi oo caalami ah iyo dhisidda horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha ee Kalluumeysiga taas oo horseedi doonta in dalkeeennu uu gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waara”.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay heshiisyada ay la galayso Dalal kala duwan waxaana ujeedka lagu sifeeyay in sare loo qaadayo fursadaha kala duwan ee lagu horumarinayo Dalka maadaama Soomaaliya laga qaaday cunaqabatayntii hubka ee saarnayd, laga cafiyay dayntii waqti dheer ku taagnayd & in ay ku biirtay ururro kala duwan.
Radio Halgan