Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Hindiya iyo Pakistan.

    May 10, 2025

    Meydadka sargaal iyo dad kale oo roobka sababay oo laga helay Muqdisho

    May 10, 2025

    DEG DEG Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu xayiray Qaahira kadib

    May 10, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Meydadka sargaal iyo dad kale oo roobka sababay oo laga helay Muqdisho

      May 10, 2025

      DEG DEG Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu xayiray Qaahira kadib

      May 10, 2025

      Fahad Yaasiin” Madaxweyne Xasan Sheekh waa hoggaamiye Caddaalad !”

      May 10, 2025

      Khasaaro dhimasho oo ka dhashay Roobkii xalay Muqdisho ka da’ay

      May 10, 2025

      Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Hindiya iyo Pakistan.

      May 10, 2025

      DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

      May 9, 2025

      DEG DEG Pakistan ayaa markii ugu horreysay adeegsatay hub casri ah

      May 9, 2025

      Madaxweyne Trump oo xiriirka u jaray Netanyahu

      May 9, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Itoobiya ayaa kamid noqotey Wadamada ugu kobaca dhaqaalaha

      May 5, 2025

      Muwadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

      April 25, 2025

      Guddoomiye Aadan Madoobe “Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay noqotay walaal karti badan oo nagu garab istaagtay Dowlad dhiska burburkii kadib”.

      November 2, 2024

      Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Hindiya iyo Pakistan.

      May 10, 2025

      Meydadka sargaal iyo dad kale oo roobka sababay oo laga helay Muqdisho

      May 10, 2025

      DEG DEG Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu xayiray Qaahira kadib

      May 10, 2025

      Fahad Yaasiin” Madaxweyne Xasan Sheekh waa hoggaamiye Caddaalad !”

      May 10, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Muxuu hoggaamiyaha Xisbullah ee Nasrallah ugu hanjabayaa magaalada Haifa ee Israa’iil?

    Muxuu hoggaamiyaha Xisbullah ee Nasrallah ugu hanjabayaa magaalada Haifa ee Israa’iil?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comAugust 8, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Israa’iil waxa ay isu diyaarinaysaa, ciidan ahaan iyo busha ahaanba, si ay uga gaashaamato weerarada suurtagalka ah ee uga imanaya ururka Xisbullah ee Lubnaan.

    Xiisadda labada dhinac ayaa cirka isku shareertay ka dib dilkii Israa’iil ay u geystaya taliyihii ciidamada Xisbullah, Fouad Shukr.

    Israa’iil waxay geysay xudduudda dhanka Lubnaan gantaallada difaaca hawada, waxayna sare u qaadday heerka feejignaanta ciidamadeeda.

    Dadwayne badan ayaa laga daabulay magaalooyinka ku yaalla xuudduudda Lubnaan, waxaana dadka si joogta ah loo siiyaa talooyin ku aaddan waxa dhici kara.

    Magaalada Haifa, tusaale ahaan, waxaa ka socda diyaar garow aad u wayn waxaa laga sameeyay goob isbatal ah oo xaaladaha degdega ah loogu talagalay haddii lacalla magaalada la soo weeraro.

     

    “Haifa uma diyaarsano iska hor imaad”

    Qiiq ayaa kacay kadib weerar ay Xisbullah ku qaadeen 6-dii August saldhig ciidan oo ku yaala inta u dhaxaysa magaalooyinka Acre iyo Nahariya.

    Xigashada Sawirka,Getty Images

    Hadalka ay ku celceliyaan dad badan oo deggan magaaladaas, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad ​​300,000 oo Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo 12 boqolkiiba ay yihiin Carabta Israa’iil ayaa ah in aysan dagaal u diyaarsaneyn.

    Dadka deeggan halkaas waxaa ka mid ah Yoav Haifa, kaasoo aaminsan in dowladda iyo ciidamada Israa’iil ay magaalada Haifa u soo jiidayaan in la bartilmaameedsado iyo in ay noqoto xudunta iska horimaadka, isago farta ku fiiqay “dilalkii qorsheysnaa oo israa’iil dhawaan ay fulisay”.

    “Bartilmaameed kasta oo lagu sameeyo goobaha kiimikooyiinka waxay khatar ku tahay boqolaal kun oo qof oo deggan,” Yoav ayaa noo sheegay markii aan weydiinnay waxa dadka deggan magaalada ay aad uga walaacsan yihiin.

    Waxa uu sheegay in inta badan guryaha Haifa aysan ka jirin hoy ama meelo ammaan ah, isla markaana aysan jirin meel gabaad laga dhigto.

    Runtii, qaar badan oo ka mid ah dhismayaal ku yaal Haifa, waa dhismayaal duug ah, mana laha meelo god hoose ah oo loogu talagalay in dadka ay ku gabadaan.

    Sagaashamaadkii, ka dib markii uu qarxay waxa loogu yeero Dagaalkii Labaad ee Gacanka 1991, waxaa la soo rogay sharci Israa’iil oo dhigaya in qandaraaslayaasha dhismuha ay xaqiijiyaan in marka ay guriyaha dhisayaan ay ku dhex dhisaan hal qol oo ku yaalla goob hoose oo god ah oo ay dadka gabaad ka dhigan karaan.

    Laakiin tiro badan oo guryaha magaalada ah, oo ay ku jiraan kuwa ay deggan yihiin Carabta Israa’iil, ayaan haba yaraatee ku jirin meelo dadka ay gabaad ka dhigan karaan, maadaama la dhisay ka hor inta aan sharcigan la soo saarin.

    Wasaaradda ilaalinta deegaanka ee Israa’iil ayaa sheegtay in Haifa ay ka kooban tahay bakhaaro badan iyo warshado loogu talagalay kiimikooyinka halista ah, taas oo walaac weyn ku haysa dadka deegaanka.

    Muxuu Xoghayaha Guud ee Xisbullaah ugu hanjabay Haifa?

    Goob geeraj ahayd oo isbataal loo badalayo

    Xigashada Sawirka,Getty Images

    Haifa waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Israa’iil, waxayna leedahay meelo badan oo istaraatiiji ah, oo ay ku jiraan saldhigyo ciidan oo muhiim ah, goobaha lagu keydiyo kiimikooyinka batroolka, iyo dekedda dhexe ee magaalada.

    Xoghayaha guud ee Xisbullah Xassan Nasrallah ayaa sheegay in laga yaabo in Haifa ay ka mid tahay bartilmaameedyada jawaabta xisbigu ka bixnayo dilkii Israel u geysatay taliyihii militariga Fouad Shukr, kaas oo la dilay todobaadkii hore.

    Sida laga soo xigtay goob-joogayaal, Haifa waxay noqon kartaa mid xiisadda sii kordhisa marka loo eego muhiimada istaraatiijiyadeed iyo dhaqaalaha.

    Walaaca kale ayaa ah in magaaladan ay aad ugu dhaw dahay xudduudda islamarkaana dhawaan ay Xisbullah soo bandhigeen sawirro dhowr goobood oo istiraatiiji ah.

    Sidee ayay Israa’iil ula tacaashay hanjabaadaha Iiraan iyo Xisbullah?

    Magaalada Xeyfa

    Xigashada Sawirka,Getty Images

    Maalmihii ugu horreeyay ee ka dambeeyay dilkii Shukr iyo Haniyeh, Israa’iil waxay gashay fejignaan ay sugaysay jawaab. Wixii intaa ka dambeeyay waxaa hanjabaad soo saaray, saraakiisha ururka xisbullah oo ku goodiyay in ay weerari doonaan Israaiil.

    Iyada oo ay sii socoto xaaladda walaaca iyo cabsida ka dhex jirta Israa’iiliyiinta, ayaa afhayeenka ciidamada Israa’iil waxa shacabka soo hormuuqday ugu yaraan saddex jeer si uu u dejiyo ra’yiga dadweynaha, isaga oo sheegay in aanay waxba iska beddelin tilmaamaha hore ee dadka la siiyay.

    Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay, dad badan oo Israa’iiliyiin ah ayaa buux-dhaafiyay bakhaarrada si ay u kaydsadaan sahayda cuntada aasaasiga ah, kuwaas oo si degdeg ah loogu baahnaan doono haddii ay xiisadda sii kordaho.

    Xukuumadda Israa’iil ayaa dhankeeda soo saartay awaamiir ay dadka uga dalbanayso iibsashada baytariyada, iyo xirmooyinka gargaarka degdegga ah, iyadoo la filayo in uu dagaal dhaco.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Hindiya iyo Pakistan.

    May 10, 2025

    Meydadka sargaal iyo dad kale oo roobka sababay oo laga helay Muqdisho

    May 10, 2025

    DEG DEG Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu xayiray Qaahira kadib

    May 10, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Hindiya iyo Pakistan.

    May 10, 2025

    Meydadka sargaal iyo dad kale oo roobka sababay oo laga helay Muqdisho

    May 10, 2025

    DEG DEG Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu xayiray Qaahira kadib

    May 10, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.