Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa kasoo muuqday shir jaraaβid, kadib markii ay barbaro 1-1 ah la galeen kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsanaa wareega 23-aad ee horyaalka Spain.
Tababaraha ayaa wareysi uu bixiyay ku yiri: βNasiib darro ayaa nala kulantay cidna kuma eedeyn karno, hogaanka ayaan ku jirnaa, waxaana fursad kale haysanaa sabtida kulanka Girona, waa inaan is dejinaaβ.
Waxa uu intaa ku daray: βWaan u qalanay inaan badino, waxaana ciyaarnay kubad aad u wanaagsan, tani waxay isiineysaa kalsooni weyn mustaqbalkeena xiliciyaareed kaan ee horyaalkaβ.
βwaxaan heysanaa koox adag, qof walbana wuxuu sameynayaa waxa ugu fiican, waan ku qanacsanahay.
Kooxda Real Madrid ayaa 2 dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

