Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qadka taleefoonka wadahadal kula qaatay Amiirka dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.
Wadahadalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood iyo sidii loo hormin lahaa mashaariicda dowladda Qatar ay ka waddo Soomaaliya.
Warkooban oo ka soo baxay warbaahinta dowladda, ayna daabacday Villa Somalia ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qadka taleefoonka wadahadal miro dhal ah kula qaatay Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, waxayna labada masuul diiradda saareen xoojinta iskaashiga labada dal.”
Wakaaladda Wararka ee dalka Qatar ayaa sidoo kale sheegtay in Amiirka dalka Qatar uu wada hadal qadka taleefanka ah uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiya Axmed ka hor inta uusan la hadal Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Lama oga Amiirka dalka Qatar in madaxda labada dalka ee Soomaaliya iyo Itoobiya kala hadlay xalinta khilaafka ka dhaxeeya labada dowladood kaas oo salka ku haya heeshiiskii bilowga bisha koowaad ee sanadkaan uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya kala saxiixday Madaxweynaha maamulka Somaliland Muse Bixi.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa go’aan ka soo saartay damaca dowladda Itoobiya ee Badda Soomaaliya, xilli ururada caalamka iyo kuwa gobolka ay si isku mid uga wada hadleen damaca Abiya, dhammaantood ayaa ku baaqay in la ilaaliyo madaxbanaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.