Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Warshadaha sifaynta shidaalka ee Haifa oo howl gab noqotay ka dib weerarkii Iran.

    June 16, 2025

    Iran diyaarado dagaal kuma weerarin Israel, sababtoo ah…!

    June 16, 2025

    WAR DEG DEG AH: Iran oo Duqeymo culus ku qaado Israa’iil.

    June 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweyne Deni oo bil kadib soo dhaweeyay Golaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

      June 15, 2025

      MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA AGAASIMAHA NISA U WAREEJIYEY MUDANE MAHAD MAXAMED SALAAD

      June 14, 2025

      RW Xamse oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad.

      June 14, 2025

      DEG DEG Ciidanka Puntland oo qabtay nin u dhashay Turkiga oo Daacish katirsanaa.

      June 14, 2025

      DEG DEG Warshadaha sifaynta shidaalka ee Haifa oo howl gab noqotay ka dib weerarkii Iran.

      June 16, 2025

      Iran diyaarado dagaal kuma weerarin Israel, sababtoo ah…!

      June 16, 2025

      WAR DEG DEG AH: Iran oo Duqeymo culus ku qaado Israa’iil.

      June 16, 2025

      Maxay Tahay Sababta Iran u Beegsatay Haifa?

      June 16, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      DEG DEG Warshadaha sifaynta shidaalka ee Haifa oo howl gab noqotay ka dib weerarkii Iran.

      June 16, 2025

      Iran diyaarado dagaal kuma weerarin Israel, sababtoo ah…!

      June 16, 2025

      WAR DEG DEG AH: Iran oo Duqeymo culus ku qaado Israa’iil.

      June 16, 2025

      Maxay Tahay Sababta Iran u Beegsatay Haifa?

      June 16, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Muwaadiniinta dal Carbeed oo loo ogolaaday inay visa la’aa galaan Mareykanka

    Muwaadiniinta dal Carbeed oo loo ogolaaday inay visa la’aa galaan Mareykanka

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comSeptember 25, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dowladda Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay in muwaadiniinta Qatar ay hadda kadib ay Mareykanka soo geli karaan visa la’aan, taasi oo dalkan ku yaalla Khaliijka ka dhigeysa dalkii ugu horreeyey ee Carbeed ee sidaas loo ogolaado.

    Waaxda Arrimaha Dibedda iyo Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka ayaa si wadajir ah ugu dhowaaqay in Qatar ay ka soo baxday shuruudo adag, si ay ugu biirto barnaamijka ka dhaafista dal-ku-galka.

    Shuruudahaas ayaa waxaa ka mid ah; tirada muwaadiniinta Qatar ee loo diido visa-ha Mareykanka oo yar, heerka dadka Qatar ee Mareykanka kusii nagaada kadib marka dal-ku-galku ka dhaco oo aad u hooseeya iyo in Qatar ay si wanaagsan ula dhaqanto muwaadniinta Mareykanka ee dalkaas booqanaya, oo hadda loo ogol yahay in ay joogaan 30 maalmood visa la’aan.

    Boqortooyada hodanka ku ah tamarta ayaa noqonaya dalkii 42-aad ee ku biira barnaamijka ka dhaafista visa-ha, sida ay sheegtay Waaxda Amniga Gudaha.

    Heshiiska “waxa uu sii xoojin doonaa iskaashiga istiraatijiyadeed ee naga dhexeeya, waxa uuna kor u qaadi doonaa isu socodka dadka iyo ganacsiga ee ka dhexeeya labadeena dal,” ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ku yiri bayaan uu soo saaray.

    Qatar — oo muwadiniinta u dhashay dalka ay yihiin tiro yar oo ka mid ah dadka dalka degan — ayaa muddo kula loolameysay dalalka kale ee hodanka ah ee Khaliijka Carbeed saameyn ballaaran oo ay ku yeeshaan caalamka.

    Qatar oo hoy u ah saldhig weyn oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka, ayaa hoggaamineysa dadaallo aan illaa hadda miro-dhalin oo heshiis xabad-joojin looga gaarayo dagaalka Gaza.

    Waxay sidoo kale horey gacan uga gaysatay in Mareykanka uu soo daadgureeyo kumanaan qof oo reer Afghanistan ah oo xulufo la ah, xilli Taliban ay dib u qabsaneysay dalka.

    Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inay u furan yihiin in dalalka kale ee Khaliijka Carbeed in ay ku biiraan barnaamijka ka dhaafista visa-ha.

    Dalalka aan muwaadiniintooda u baahneyn visa si ay usoo galaan Mareykanka ayaa badankood ah dalalka hodanka ah ee Yurub iyo Bariga Asia.

    Dalka kaliya ee Muslimka ah ee kahor Qatar qeybta ka ahaa barnaamijkan waa Brunei.

    Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii tegay barnaamijkan ku dartay Israel kadib sanado ay isku khilaafsanaayeen. Si ay ugu biirto barnaamijka, Israel ayaa waxay ballan-qaaday in aysan takoorin muwaadiniinta Mareykanka ee asal ahaan Falastiini ama Carab ah ee dalkaas booqanaya.

    Barnaamijka ka dhaafista visa-ha, ayaa muwadiniinta waxay kaliya hab online ah u maraan hubin kahor inta aanay soo bixin, intii ay codsan lahaayeen dal-ku-gal.

    Qaar ka mid ah dadka ayaa si kastaba loo sheegaa in ay codsadana visa, gaar ahaan haddii ay horey u booqdeen dalal ay cadaawad kala dhaxeyso Mareykanka, sida Iran oo kale.

    Inkasta oo dadka Qatar ku nool ay ka badan yihiin 3 milyan oo qof, kaliya in yar oo ka mid ah kuwaas – ilaa 320,000 – ayaa ah muwaadiniin Qatari, kuwaas oo ka faa’iidaysan kar barnaamijkan haddii ay haystaan baasaboor.

    Dadka ugu badan ee ku nool dalka Qatar ayaa ah shaqaale ajaaniib ah iyo dad kale oo ajaaniib ah oo aan haysan baasaboorka Qatar.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Warshadaha sifaynta shidaalka ee Haifa oo howl gab noqotay ka dib weerarkii Iran.

    June 16, 2025

    Iran diyaarado dagaal kuma weerarin Israel, sababtoo ah…!

    June 16, 2025

    WAR DEG DEG AH: Iran oo Duqeymo culus ku qaado Israa’iil.

    June 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Warshadaha sifaynta shidaalka ee Haifa oo howl gab noqotay ka dib weerarkii Iran.

    June 16, 2025

    Iran diyaarado dagaal kuma weerarin Israel, sababtoo ah…!

    June 16, 2025

    WAR DEG DEG AH: Iran oo Duqeymo culus ku qaado Israa’iil.

    June 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.