Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay ayaa Yiri Muuse Biixi wuxuu maanta Maxakamad ciidan saaray wariye dood ka qabtay Is-afgaradkii uu Itoobiya la soo saxiixday. Muuse wuxuu bixinta dhaxalka umadda ku bedeshay in xukunka lagu sii hayo, mana jirto waddo kale oo furan oo aan ka ahayn tan uu maanta qaaday oo ka billaabata cabburin, kuna dhammaan doonta kumanaan askari oo Itoobiyaan ah oo uu Somaliland ku qabsado.
Waxaase ayaan daran siyaasiga doorasho ka sugaya, caaqilka xurmad kaga fadhiya, suxufiga, aqoonyahanka iyo wadaadka u maleeya in xuquudiisa la dhowrayo. Xuquuqda bawdka banaankiisa ayaa laga daafacdaa.
“Gar-maqaatayaashiyo dadkaa beera ruux gurane
Ganbo nimaan la soo bixin haddii guulo lagu waabo
Markuu dhaawac geystaba haddii loo gargarateeyo
Isagoo canaan lagu gudbiyo gaarran filanaaya
Giblo iyo haddii sacabbo lulan loogu gola-xaaro
Keligii inuu guurti yahay, maalintaa gunud.”
Abwaan Hadraawi AUN