Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey warbaahinta Financial Times, ku sheegay in faa’iidooyinka heshiiska is afgarad ee ay la galeen Itoobbiya ay ka mid tahay in laga hor tegayo “qalaalase hor leh oo Geeska ka dhasha”.
Si gaar ah, waxa uu u xusay khilaafka u dhexeeye Itoobbiya iyo Eretria, sida warygeyskaasi sheegay.
“In laga hortegayo khilaaf ka dhex dhalan kara Itoobiya iyo Eritrea“ ayaa lagu sheegay waraysigan ay qoraalkiisii baahiyeen maalinnimadii axadda wargeyska FT.
Dhanka kale waraysigaan, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa mar kale ku celiyey in itoobbiya ay ka heli doonaan Icitiraaf.
Ictiraafkaas ayuu sheegay in uu horseedi doono dhaqaale iyo maalgashiyo gaadhsiisan ku dhawaad 3.4 bilyan oo doollarka Maraykanka ah sida uu qoray wargeyskan sida gaarka ah dhaqaalaha iyo ganacsiga uga hadla ee laga leeyahay Ingiriiska.
Itoobiya ayaa raadinaysay in ay fursad u heasho bad laga soo 1993 dii, markii ay kala go’een Eritrea, iyada oo guud ahaanna hadda dalkaasi yahay mid aan bad lahayn.
Heshiiska ay la galeen Somaliland ayay se Itoobbiya u aragtaa inuu yahay mid lagu dhimi karo ku tiirsanaanteeda Jabuuti ee dhinaca badda, inkastoo Mareykanka, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo Masar – oo ay ku muransan yihiin Itoobiya biyo xidhreenka webiga Niilka Buluugga ah — ay ka digeen qorshahaan inuu sii huriyo colaadda geeska oo ah gobol ay argagixisada iyo dagaallada joogtada ah ay saameeyeen.
Madaxweyne Biixi ayaa sida oo kale sheegay in heshiiskani ka shaqayn doono “ammaanka socdaal ee badda cas“ oo ay muddooyinkii u danbeeyey maraakiibta ku socdaalaysa weerarro ku hayeen kooxda Xuutiyiinta ah ee dalka Yemen.
Maxaa lagu sheegay heshiiskan?
Si rasmi ah looma shaacin qodobbada heshiiska ay wada saxiixdeen madaxda Itoobiya iyo Somaliland, taasoo ah dhibaato jirta maaddaama ay ku kala duwan yihiin waxyaabaha ay tilmaameen in ay ku heshiiyeen labada dhinac.
Heshiiska is-afgaradka ee labada dhinac ay hadda sheegeen in loo badelayo “heshiis sharci ah”, ayaa waxaa muuqata in Somaliland ay diyaar u tahay inay Itoobiya u oggolaato in ay badda ka dhisato dekad ganacsi.
Somaliland waxaa kale oo ay sheegtay in dhul dhan 20 Km oo xeebaha ah ay ka kireyn doonto ciidamada badda ee Itoobiya, arrintaas oo ay Addis Ababa xaqiijisay.
Taa beddelkeeda, Somaliland waxay saami ku yeelan doontaa shirkadda diyaaradda Ethiopian Airline, oo ah shirkad duullimaad oo dowladdu ay leedahay.
Laakiin halka arrinta adag ay ka jirto ayaa ah in Itoobiya ay sheegtay in ay Somaliland u aqoonsanayso dal madax-bannaan, tallaabadaas oo aanay jirin waddan kale oo sameeyey 30-kii sannadood ee Somaliland ay tilmaantay in madax bannaanideeda ay Soomaaliya kala soo laabatay.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maalintii saxiixa heshiiska kadib khudbada uu jeediyay ku sheegay in Itoobiya ay aqoonsan doonto Somaliland dal madax-bannaan.
Itoobiya ma aysan xaqiijin arrintan, balse waxaa ay caddaysay in heshiiska is-afgaradka, ay ku jiraan qodobbo “sharci oo ah in si qoto dheer loo qiimeeyo mowqifka ku aaddan dadaalka ay Somaliland ugu jirto aqoonsiga”.
Muxuu heshiiskani muranka uga dhaliyey geeska?
Soomaaliya waxaa ay u aragtaa Somaliland inay ka tirsan tahay Jamamuuriyadda Soomaaliya, heshiis kasta oo ay la gasho waddan kale uma aqoonsana in uu yahay mid sharci ah maaddaama uusan oggolaansho ka haysan Muqdisho.
Maalin ka dib markii la saxiixay is-afgaradka, Soomaaliya waxay heshiiska ku tilmaantay fal “gardarro” ah oo “caqabad ku ah nabadda iyo xasiloonida”. Waxaa kale oo ay u yeedhay safiirkeedii joogay Addis Ababa.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo horey u caddeeyay mowqifkiisa ayaa mar kale yidhi “dalkeenna waan difaaci doonnaa, waxaan ku difaaci doonnaa wax kasta oo lagama maarmaan ah, taageero ayaan weydiisan doonnaa cid kasta oo gacan naga siinaysa.”
Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada “inay u diyaar garoobaan difaaca dalka”.
Toddobaadyo hore waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo heshiiska iyadoo tobnaan kun ay isugu soo baxeen si ay uga soo horjeestaan.