Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Muuqaallo ay baahisay Xamaas oo xaaladda kusii adkaynaya Israaiil

    Muuqaallo ay baahisay Xamaas oo xaaladda kusii adkaynaya Israaiil

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 28, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ururka Xamaas ayaa baahiyey muuqaal muujinaya caddayntii ugu horreysay ee nolosha labo ka mida maxaabiista ay gacanta ku hayaan ee lagu haysto Qasa.

    Muuqaallada waxaa ka soo muuqday labo ka mida la haystayaal lagu kala magaacabo Keith Siegel iyo Omri Miran. Labaduba waxay ka mid ahaayeen maxaabiistii Xamaas ay ku soo qafaalatay weerrarkii ay ku qaadday koonfurta Israa’iil 7-dii October.

    Labadan ninba waxay ka hadlayeen xaaladooda iyagoo dareenkooda ku muujiyey farriin ay u direen qoysaskooda, waxayna codsanayaan in ala sii daayo.

    Miran, ayaa laga qafaashay gurigiisa oo ku yaala xaafadda Nahal Oz isaga oo ay hor taagan yihiin xaaskiisa iyo laba gabdhood oo yaryar intii lagu jiray weerrarkii Xamaas ku qaaday Israa’iil lix bilood ka hor.

    Siegel, oo haysta labo dhalasho oo mid ka mida ay tahay Maraykan ayaa isaga iyo xaaskiisa Aviva, laga laga afduubay magaalo ku taalla xaduuda basle markii danbe ayaa la sii daayey xaaaskiisa intii lagu jiray xabbad joojin kooban oo bishii Nofembar ahayd.

    Warbixin muuqaal ah oo ay soo saartay xaaska Keith ee Aviva ayay ku tiri: “Keith, waan ku jeclahay, waan dagaalami doonnaa ilaa aad soo noqoto.”

    Horaantii bishaan, waxay BBC-da uga warantay sida lamaanahan loo afduubtay loona geeyey marin dhulka hoostiisa ah iyagoo xilligaas hadba meel la gaynayey. Waqtiga wareysiga, waxay sheegtay in aysan ogeyn in Keith uu weli nool yahay iyo in kale.

    Gabadha uu dhalay Keith, Ilan, ayaa tiri “In aan aragno aabbahay maanta waxay inoo xoojinaysaa dhammaanteen inay tahay inaan heshiis gaadhno sida ugu dhaqsaha badan oo qof walba gurigiisa loo keeno.”

    Si la mida Ilan, gabadhiisa kale Shir, ayaa sheegtay in muuqalka la daawaday ka dib ay rajaynayso in aabbaheed si nabdoon ku soo laaban doono.

    Dani Miran, aabbaha Omri, oo ka hadlayey banaanbaxa toddobaadlaha ah ee Tel Aviv ee lagu dalbanayo in la qaado tallaabo lagu sii daynayo la haystayaasha ayaa jeediyey khudbad dareen leh, isagoo sheegay sida uu ugu faraxsan yahay in uu arko muuqaalka wiilkiisa, wuxuu rajo ka muujiyey inuu “noolaado”

    Aabbahan la haysto wiilkiisa ayaa ugu baaqay dowladda, si gaar ahna u magac dhabay xubnaha ka mida wasiirada Israa’iil ee kala ah wasiirka Amniga Qaranka, Itamar ben Gvir iyo Wasiirka Maaliyadda, Bezalel Smotrich, inay xaqiijiyaan heshiiska si loo sii daayo la haystayaasha.

    Sidoo kale waxa uu baaq u jeediyey ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu “inuu ansixiyo heshiis kasta oo macquul ah”.

    “Hal tallaabo yar oo aan dhiig ku daadan u qaad labada shacab,” ayuu yiri, isagoo raaciyay: “Dhammaan dadka Israa’iil iyo quruumaha adduunku waxay doonayaan inay arkaan joojinta dhiigga daadanaya iyo gaar ahaan joojinta dhibaatada dadkaaga.”ayuu intaas raaciyey.

    Muuqaalka la haystayaasha oo dhammaystiran ayaa lagu soo bandhigay shaashadaha waaweyn ee agagaarka fagaaraha isu soo baxayaashu ku sugnaayeen.

    Qoysaska ay ka soo jeedaan dadka u afduuban Xamaas ayaa muuqaalka ka dib waxay xoojiyeen dalabkooda ah in dowladda Israa’iil ay tahay inay sameyso wax walba si ay u ansixiyaan heshiiska soo celinta dhammaan la haystayaasha.

    Iyagoo ka hadlayey muuqaalka ay sii daayeen garabka hubaysan ee Xamaas, Siegel, oo 64 jir ah, iyo Mr Miran, oo 46 jir ah, ayaa ku booriyay dawladda Israa’iil inay heshiis la gasho Xamaas xabbad-joojin ah si ay u sii dayaan la haystayaasha.

    “Waxaan halkan ku jiray 202 maalmood, xaaladda halkan waa mid aan fiicneyn, adag, waxaana jira bambooyin badan,” Mr Miran oo sidaa leh ayaa la maqlayaa muuqaalka.

    Fiidiyowga ayaa la daabacay intii lagu jiray fasaxa Passoverka, oo ah xus dhaqameed ay Yuhuudu maamuusaan. Muuqaalka ayaa u muuqda in la duubay dhawaan.

    Wada hadallada Israa’iil iyo Xamaas

    Wadaxaajoodyo aan toos ahayn oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, oo ay garwadeen ka yihin dowladdo ay Masar ka mid tahay, oo la doonayey in lagu gaaro xabbad joojin si loo sii daayo lahaystayaasha ayaa guuldaraystay.

    Xamaas ayaa diiday soo jeedin hore oo lix toddobaad ah oo xabbad joojin ah oo la doonayey inay ku sii dayso 40 ka mid ah la haystayaasha haray.

    Muuqaalkan cusub ayaa imaanaya iyadoo Xamaas ay sheegtay inay daraasaynayso hindisihii ugu dambeeyay ee Israa’iil ee xabbad joojinta.

    Kooxda ayaa horay ugu adkeystay in heshiis kasta uu ku jiro in si joogto ah loo joojiyo dagaalka iyo in ciidamada Israa’iil ay si buuxda uga baxaan Qasa.

    Warbaainta ayaa ku waramaysa in Masar oo door dhexdhexaadina ka ciyaaraysa sidii xabbad joojin loo gaari lahaa ay wafti ka socdaa ay tageen Israa’iil si ay u dar-darg aliso wadahadala dhinacyada ee hakadka galay.

    Israa’iil ayaa u muuqata in ay horay u sii waddo qorshayaal ay ku doonayso in ay ku weerarto Rafax, ee koonfurta Qasa, in kasta oo laga digay cawaaqib xumada bini’aadantinimo ee ka dhalan karta 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku barakacay halkaas.

    Heshiiskii hore ee bishi Nofeember, Xamaas ayaa sii daysay ilaa 105 la haystayaal Israa’iiliiyiin ah, halka Israa’ii ay sii daysay dhankeeda 240 maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku xidhnaa jeelasha Israa’iil. Ilaa 133 la haystayaal ah ayaa la rumaysan yahay in ay wali ku sugan yihiin Qasaa kuwaas oo ilaa 30 ka mid ah loo malaynayo in ay dhinteen.

    Weerarada Xamaas ku qaaday Israa’iil, waxaa ku dhintay ilaa 1,200 oo qof waxaana kooxda ay qafaasheen ilaa 250 qof.

    Ololaha aargoosiga ah ee Israa’iil ay ka waddo Qasa ayaa dhaliyey dhimashada in badan 34,000 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

    Isha: BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.