Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

      May 14, 2025

      DEGDEG:- Beledweyne jug aad u xoogan ayaa m lagga maqlayaa

      May 14, 2025

      Gudoomiyaha Gobalka hiiraan mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa shir gudoomiyey kulan aan caadi aheeyn oo aay isugu yimaaden xubnaha maamulka gobolka heer degmo iyo heer gobal

      May 14, 2025

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

      May 14, 2025

      DEGDEG:- Beledweyne jug aad u xoogan ayaa m lagga maqlayaa

      May 14, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Muslimiinta Japan “Ma heli karno qabuuro aan ku aasno meydadka”

    Muslimiinta Japan “Ma heli karno qabuuro aan ku aasno meydadka”

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 4, 20246 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Bulshada Muslimiinta ah ee ku nool Japan waa bulsho yar oo aan ka badnayn 200,000 oo qof, oo ku nool waddan ay daggan yihiin in ka badan 120 milyan oo qof.

    99% dadka Buddhist-ka, ee dalka Japan waxay gubaan kuwa ay jecel yihiin marka ay dhintaan, waana caadooyin ay leeyihiin, laakiin Muslimiintu taas ma samayn karaan, mana ogola diinta Islaamka, taas badelkeeda waa in meydka la aasaa sida ugu dhaqsaha badan.

    Qoysaska qaar ayaa meydadka ehelkooda qaada masaafo dhan boqolaal kilo mitir si ay ugu duugaan hab munaasab ah oo islaamku oggol yahay ee sax ah.

    Daahir Cabaas Khan, oo Japan yimid 2001 si uu uga diyaariyo shahaado PHD ayaa yiri” u malaynayo in aan seexan karo habeenkii haddii aan arko meydka qof aan jecelahay oo la gubayo”.

    Cabbaas oo asal ahaan ka soo jeeda Pakistan, waxa uu qaatay dhalashada Japan, waxa uu bare ka yahay jaamacadda, waxaanu aasaasay urur lagu magacaabo Islamic League ee dalka Japan.

    Wallaac muslimiinta Japan ee arrintan

    Daahir Cabaas  Khan, oo Japan yimid 2001 si uu uga diyaariyo shahaado PHD
    Qoraalka sawirka,Daahir Cabaas Khan, oo Japan yimid 2001 si uu uga diyaariyo shahaado PHD

    Dr. Khan waxa uu sheegay in uu ka walaacsan yahay waxa ku dhacaya jirkiisa dhimashada ka dib, isaga oo tilmaamay in uusan rabin in u maro dhibka ay la kulmaan dadka kale.

    “Haddii aan awoodi waayo inaan si sax ah u aaso qaraabadayda ama saaxiibkay, kuma noolaan karo nolol caadi ah” ayuu yiri.

    Masjidkii ugu horreeyay waxaa laga dhisay ismaamulka Oita ee koonfurta jasiirada Kyushu ee dalka Japan sanadkii 2009-kii, balse waxaa wali socda dadaallo lagu doonayay in lagu iibiyo qabuuro Muslimiinta lagu aaso, kuwaas oo weli hakad ku jira kadib dacwado sharci ah, waxaana jasiirada Kyushu ku nool 2,000 oo Muslimiin ah.

    Maxamed Iqbal waxa uu Pakistan ka yimid 2004-tii isaga iyo xaaskiisa waxa ay ka bilaabeen ganacsi soo dejin baabuur meel u dhow caasimadda Tokyo, ka hor inta aanu u wareegin gobolka deriska la ah ee Fukuda.

    Markii ay xaaskiisu dhashay canugoodii ugu horreeyay, sannadkii 2009-kii, ma jirin wax qabuuro Muslimiin ah oo u dhow.

    Cunugii ugu horreeyay ee uu dhalay ayuu sheegay in ka dhintay ka dibna ay kala kulmeen aaskiisa dhibaatooyin badan, “Meydka ayaanu ku ridnay sanduuq yar, waxaanu saarnay baabuurka, waxaanu u kaxaysanay Yamanachi, oo masaafo dhan kun kilo mitir u jirta halka aan joognay” taas oo muujinaysa heerka naxdinta leh ee qof kastaa ka maro aaska ehelkiisa marka uu Japan ku geeriyoodo.

    Qabuuraha Yamanachi ee ku yaalla bartamaha Japan waxaa loogu talagalay Muslimiinta, Masiixiyiinta, iyo kuwa kale ee aaminsan diimaha kale oo aan ka badnayn 1 boqolkiiba dadweynaha waddanka.

    Waxa uu intaa ku daray, “Waxaan rabay in xaaskeyga ay ila joogto intii aan ku jirnay dhibaatadan, laakiin ma aysan suurtagelin, waxay ahayd mid adag” ayuu yiri Iqbal.

    Dadaalka muslimiinta Japan ee helidda xabaalo

    Bulshada muslimiinta ee ku nool Japan .
    Qoraalka sawirka,Bulshada muslimiinta ee ku nool Japan .

    Ururka Dr. Khan ayaa iibsaday dhul ku dheggan qabuuraha Masiixiyiinta ee Beppu, mulkiilayaasha dhulka si sharci ah ugama diidin, laakin tuulo u dhow oo 3 kilomitir u jirta ayaa ka soo horjeestay iibkan.

    Waxaa ay ku doodeen in “aaska meydadka deeganka ay u horseedi doonto wasakheynta biyaha aagga, iyo sidoo kale harada u dhow, oo ay u isticmaalaan waraabka,” sida uu xaqiijiyay Dr. Khan.

    Markii dhulka la iibiyay waxaa laga jooga 7 sano, ilaa iyo haddana waxba isma bedelin oo waxaa ka furan dood sharci.

    Dr. Khan ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka muslimiinta ah ee soo galootiga ah ay meydadkooda geeyeen dalalkii ay u dhasheen, qaar ka mid ah bukaannada kansarka heerkii ugu dambeeyay ayaa go’aansaday inay dib ugu laabtaan dalalkooda.

    Inkastoo raridda maydadka ay u baahan yihiin waraaqo iyo habraacyo badan, haddana waa go’aano u muuqada inay yihiin kuwa kaliya ee u furan.

    Laakin arrintu sidaas ma ahayn Ryoko Sato, oo ah Muslim Japanese ah oo ku nool jasiiradda Kyushu.

    Rukyu Sato, oo u dhalatay Japan, qaadatay diinta Islaamka, kuna nool Kyushu, ayaan arrin macquul ah maadaama ay ku dhalatay kuna noolayd Japan.

    Waxay tiri, “Qaar waxay dhahaan ku laabta wadankiina haddii aadan raacin caadooyinka Japan, qaarna waxay dhahaan meydka u qaad waddamo kale oo ogol in la aaso.”

    “Ninkaygu wuxuu ku noolaa Japan in ka badan kala bar noloshiisa, wuxuu helay dhalashada Japan waqti dheer ka hor, wuxuuna si joogto ah u bixiyaa canshuuraha, sida dhammaan dadka Japan oo kale ,” ayay raacisay hadalkeeda.

    Ayada oo hadalka sii wadata ayay tiri “caruurtiisa iyo farciisa ayaa iyaguna halkan ku noolaan doona, waxaanan ku fakareynaa, halkee baan ku aasi karnaa meydkayaga?

    “Dadka qaar waxay u maleynayaan aaska inuu yahay shay aad u xun, inkastoo ay ku badan tahay dhowr qarni ka hor Japan,” ayay tiri Ryoko Sato.

    Shinji Koyuma, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha bulshada kana tirsan jaamacadda Ritsumeikan ee Asia iyo Pacific ayaa kula taliyay muslimiinta in qaadaan tallabooyin dadka Japan lagu wacayi galinayo, laguna faham siinayo aaska muslimiinta.

    Xilli uu la hadlayay BBC-da ayuu yiri “qodobka muhiimka ah ma ahan muslimnimada, laakiin waa ogaanshaha sida dadku ula falgalaan bulshooyinka maxalliga ah, u isticmaalaan xuquuqdooda iyo isku xirnaanta, tani waa tan go’aamisa natiijooyinka.”

    “Dad badan oo aan muslim ahayn ayaa ku dhibtooday Japan, taariikhdii lasoo maray” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

    Xalka macquulka ah

    Qabri ku yaalla Japan
    Qoraalka sawirka,Qabuuro ku yaalla Japan

    Dr. Khan waxa uu sheegay in Japan ay ku yaalaan 13 xabaalood oo Islaami ah, oo ay ku jiraan qabuuro cusub oo ku yaala Hiroshima, oo 3 saacadood iyo bar u jirta.

    Qabuuraha ku yaalla Hiroshima waxaa ay leeyihiin dhammaan tas-hiilaadka loo baahan oo ay ka mid yihiin biyo lagu dhaqo meydka, iyo cunto xalaal ah” ayuu yiri Dr. Khan.

    Cabaas Khan ayaa u gudbiyay cabashooyin xubnaha baarlamaanka Japan, wasiirrada qaar iyo maamulada maxalliga ah si loo xalliyo dhibaatada.

    Maamulka deegaanka ayaa aqoonsaday dhul ay ku yaallaan ilaa 79 xabaal oo loogu talagalay ururka Bebo Islamic League, taasoo rajo cusub siinaysa dadka muslimiinta ah ee dalkaasi ku nool.

    “Tani maaha dhibaato diimeed oo kaliya, waa xuquuq bini’aadmi, wax bilaasha kuma waydiisanayno, waxaan diyaar u nahay inaan qaadno kharashaadka, laakin caqabada ugu wayn ayaa ah hababka sharciga” ayuu yiri Dr Khan.

    Waxa uu xaqiijiyay in bulshooyinka kale ee diimaha, sida Yuhuudda iyo Masiixiyiinta soo galootiga ah ee Brazil, ay la kulmaan dhibaato la mid ah tan muslimiinta.

    Si kastaba ha ahaatee, dawladda lagama filayo inay soo farageliso arrintaan, sababtoo ah waxay u daysay dhibaatooyinkaas maamulayaasha deegaanka ilaa hadda.

    “Ma gubi doono meydkayaga, tani ma dhacayso, waxaan samayn doonaa wax kasta oo ay ku qaadato si aan u iibsano xabaalaha.” ayuu yiri Dr. Khan oo aan ilaa iyo hadda quusan.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

    May 14, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.