Guddiga Doorashooyinka Maamulka Somaliland ayaa maanta shahaadooyinka caddeynaya musharraxnimada xubnaha u tartamaya Xilka Madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulkaas siiyay shaqsiyaadka sanadkaan u taagan.
Xisbiga talada Maamulka Somaliland haya oo uu markale u tartami doonno Muuse Biixi Cabdi ayaa qaatay shahaada, halka kan Mucaaradka ee Waddani uu u taagan yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, sidoo kale Faysal Cali Waraabe oo UCID ah ayaa qudhiisa qaatay.
Guddiga Doorashooyinka Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Doorashadu ay dhici doonto 13ka Nofeembar sanadkaan 2024, wixii hadda ka dambeeya waxaa si toos ah u billaabanaya ololaha Doorashada ee Musharrixiinta ay sameynayaan.
Muuse Biixi Cabdi ayaa maalmo kooban socdaal ku maray qaar kamid ah deegaannada Maamulka Somaliland, ujeedkiisu waxa uu ahaa in uu Dadka Shacabka ah ee codeynaya ka iibiyo musharraxnimadiisa iyo waxyaabaha ay ku dooranayaan Xisbiga Kulmiye.