Cabdiraxmaan Cirro oo ah musharxa Madaxweyne ee mucaaradka Xisbiga Wadani, ayaa cambaareeyay Xarigga Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiillada Maamulkaasi, oo maanta Ciidanka Somaliland ku xireen magaalada Hargeysa.
Cirro ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ku tilmaamay in xarigga Abiib uu yahay mid dastuurka baal marsan.
“Waxa aan si adag u cambeyranayaa xadhigga Dastuur jebinta ah ee lagula kacay Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayuu yiri: Musharax Cabdiraxman Cirro.
Sidoo kale, Ciro ayaa qoraalka ku sheegay in Xadhigga Xildhibaanka aan loo marin sifo sharci ah iyo mid Dastuuri, isagaoo sheegay in xadhigiisu yahay ku tumasho Sharci, gef laga gelayo Dastuurka iyo dhowrsanaanta Xildhibaannada Qaranka.
Mr Cirro, ayaa sheegay in Xeer Ilaaliyaha iyo Maxkamadda sare midna ka qaadi karin Xasaanaddiisa oo ay Dastuurka siiyey, Xukuumadduna waa in ay si bilaa shuruud ah u sii daayaan Xildhibaanka, sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibaan Abiib ayaa Ciidamada ammaanka Maamulka Somaliland ka qabteen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa xilli uu ka yimid Dalka Isu tagga Imaaraatka Carabta ka hor inta aan la xirin.