Close Menu
    What's Hot

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026

    DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

    February 7, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

      February 7, 2026

      DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

      February 7, 2026

      DEGDEG:- Xildhibaano iyo Ciidan isku dhex dagaalay xarunta Baarlamaanka,

      February 7, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

      February 7, 2026

      DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

      February 7, 2026

      DEGDEG:- Xildhibaano iyo Ciidan isku dhex dagaalay xarunta Baarlamaanka,

      February 7, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Murankii badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyo xukunnadii kale ee ay ridday Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ

    Murankii badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyo xukunnadii kale ee ay ridday Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ

    By radiohalgan.comJanuary 27, 20247 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ayaa soo saartay go’aan horudhac ah iyo tallaabooyin deg deg ah oo ka dhan ah Israa’iil kadib dacwadda ay Koonfur Afrika ka gudbisay oo ay ku eedaysay Israa’iil inay jabisay heshiiskii Qaramada Midoobay ee xasuuqa.

    Go’aanka ay maxkamaddu soo saartay waxaa ka mid ah qaadista tallaabooyinka looga hortagayo fal kasta oo loo qaadan karo xasuuq, hubinta in ciidamada Israa’iil aysan fulin wax fal xasuuq ah, ka hortagga iyo ciqaabta hadal kasta ama faallooyin dadweynaha kicin kara, xaqiijinta helitaanka gargaar bini’aadantinimo, baabi’inta dhammaan caddayn kast oo loo isticmaali karo kiiska lagu soo oogay ayada oo Israa’iil la faray in muddo bil ah ay warbixinta maxkamadda u soo gudbiso.

    Maxkamadda oo ah hay’adda ugu weyn ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ka gaarta khilaafaadka u dhexeeya dalalka xubnaha ka ah hay’adda caalamiga ah, waxaana go’aannada ay soo saaraan ay yihiin kuwo dhaqan-gal ah, balse maxkamaddu ma lahan hab ay ku fuliso xukunnada iyo go’aanada ay gaarto.

    Maxkamadda oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, ayaa go’aan ka gaarta si waafaqsan qodobbada sharciga caalamiga ah ee murannada sharci ee ka dhex dhasha dalalka.

    Waxa kale oo ay bixisaa fikrado la-talin ah oo ku saabsan arrimaha sharciga oo laga yaabo inay u gudbiyaan hay’adaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gaarka ah.

    Laga soo bilaabo 1946, maxkamaddu waxay soo saartay 141 xukun oo ku saabsan khilaafaadka caalamiga ah tiro ka mid ah ayaanu halkan ku eegaynaa.

    Waa kuwee go’aamadii iyo xukunnadii ugu caansanaa ee ay maxakamaddu qaadato?

    ICJ

    Xukunkii ICJ ee muranka badda Soomaaliya iyo Kenya 2021-kii:

    Mid ka mid ah ah go’aannadii ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee (ICJ) ka soo saartay waxaa ka mid ahaa kiiska dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo muddo dheer soo jiitamaysay kaas oo go’aan ay ka gaartay sanadkii 2021-kii.

    Waxay ahayd galab Talaado ah 12-kii Oktoobar 2021, xilliga Geeska Afrikana waxay saacaddu ahayd 4-tii galabnimo.

    Dowladda Kenya ayaa horey maxkamadda ICJ ugu eedeysay in aysan dhexdhexaad ahayn, waxayna tilmaamtay in aysan aqbali doonin xukunka maxkamadda.

    Illaa 10 sano, Kenya waxay ku doodeysay in leenka xuduudda uu u leexanayo dhanka bariga, halkaas oo ay u arkeysay in xadka labada dal ee badda uu yahay.

    Balse Soomaaliya ayaa maxkamadda ka sheegtay in aysan ahayn in leenka xuduudda badda uu si toos ah u raaco midka xadka dhulka ee labada dal.

    Garsooreyaasha oo ka koobnaa 14 ee u fadhiistay go’aan ka garidda khilafka, waxay sheegeen in Soomaaliya aysan caddeynin in horey ay u ansixisay heshiiska xuduudda ay sheeganeyso.

    Maxkamadda ICJ ayaa la timid leen cusub oo laba u kala qeybinaya baddii lagu muransanaa, inkastoo qeybta ugu badan ay aaday dhanka Soomaaliya.

    Dacwad ka dhan ah Suuriya ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, ay u gudbiyeen dalalka Netherlands iyo Canada 2023:

    12-kii bishii Juun, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa ku dhawaaqday in Netherlands iyo Canada ay gudbiyeen dacwad wadajir ah oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya, iyagoo ku eedeynaya jebinta axdiga ka dhanka ah jirdilka iyo dhaqan-xumada, bani’aadannimada ka baxsan taas oo ay beenisay xukuumada Dimishiq.

    16-kii bishii November 2023, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waxay soo saartay go’aan ah in looga baahan yahay Suuriya inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka wax ku oolka ah si ay uga hortagto burburinta iyo ilaalinta caddaymo kasta oo la xiriir falalka ka baxsan Axdiga Jirdilka ee qaramada midoobeey.

    Codsiga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan si ay u fasaxdo hantida maaliyadeed ee laga xayiray, 2023:

    Bishii Juun 2016, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa dacwad ka dhan ah Mareykanka u gudbisay maxkamadda, waxayna ka dalbatay Washington in ay sii deyso lacag ay xayirtay oo qiimaheedu dhan yahay laba bilyan oo doollar.

    Bishii Maarso 2023, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waxay xukuntay in aanay awood u lahayn kiiska hantida Iiraan ee lagu xayiray Maraykanka.

    • β€˜Sida aan kusoo noolaaday ayay i weydiiyaan’: Fanaanadii Waayaha Cusub ee geerideeda la faafiyay oo BBC la hadashay8 Nofembar 2023
    • “Faa’iidada” laga helo in lammaanaha ay kala seexdaan labo sariirood7 Nofembar 2023
    • Sida ninkii kalaabyada ka niikin jiray u noqday Sheekh caan ka ah Soomaalida dhexdeeda20 Oktoobar 2023
    Tan iyo 1946, Maxkamaddu waxay soo saartay 141 xukun oo ku saabsan khilaafaadka caalamiga ah
    Qoraalka sawirka,Tan iyo 1946, maxkamaddu waxay soo saartay 141 xukun oo ku saabsan khilaafaadka caalamiga ah

    Dacwadda Iiraan ee ka dhanka ah Washington ee cunaqabataynta awgeed, 2018:

    Dabayaaqadii bishii Agoosto sanadkii 2018, Iiraan waxa ay dacwad u gudbisay maxkamadda iyada oo ku eedaysay in Maraykanku ku xad-gudbay heshiiskii saaxiibtinnimada, ee xiriirka dhaqaalaha iyo xuquuqda qunsuliyada ah ee labada dal ay kala saxiixdeen 1955-tii ayadana cunaqabatayn Washington ku soo rogtay Iiraan.

    Bishii Oktoobar ee isla sanadkaas, maxkamaddu waxay soo saartay go’aan ay ku sheegtay in “cunaqabataynta Maraykanku aysan saameyn ku yeelan xaaladda bini’aadantinimo ee Iran iyo duulista rayidka,” go’aankaas oo Washington ay sida ay u diiddantahay inay u hoggaansanto.

    Ku dhawaaqidda madaxbannaanida Kosovo ee halka dhinac ah, 2010:

    Oktoobar 8, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu weydiistay maxkamadda inay muujiso fikraddeeda aan ku habboonayn ee ku saabsan sharcinimada ku dhawaaqidda madax-bannaanida Kosovo, ka dib markii ciidamada Serbia ay ka baxeen 1999-kii.

    Bishii Luulyo 22, 2010, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waxay soo gudbisay fikrad la-talin ah oo ku saabsan in Kosovo ay ku dhawaaqday madax-bannaanideeda Seerbiya bishii Febraayo 2008 oo aysan ahayn xadgudub ku ahayn sharciga caalamiga ah, ka dib markii 10 garsoore ay u codeeyeen go’aanka, afarna ay ka soo horjeesteen.

    Derbiga kala goynta ee dhulka Falastiin ee la haysto, 2004:

    Bishii Disembar 2003, Golaha Guud wuxuu weydiistay Maxkamadda Caddaaladda inay soo saarto ra’yigeeda la-talin ee ku saabsan cawaaqibka sharci ee ka dhalan kara dhismaha darbiga kala go’a ee ay Israa’iil ka dhisaysay xilligaas dhulalka Falastiin ee la haysto, iyadoo la raacayo mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo axdiga afaraad ee Geneva ee 1949.

    Bishii Luulyo , 2004, maxkamaddu waxay go’aansatay “in darbigaas uu xadgudub ku yahay sharciga caalamiga ah”, waxayna ka dalbatay Israa’iil inay ka saarto dhammaan dhulalka Falastiiniyiinta, iyada oo magdhow siinaysa dadka ay saameeyeen dhismaha derbiga.

    Waxa ay sidoo kale ugu baaqday waddamada caalamka in aysan aqoonsan xaaladda sharci darada ah ee ka dhalatay dhismaha darbiga.

    Waxay ugu baaqday Golaha Guud iyo Golaha Ammaanka inay ka fiirsadaan tallaabo kasta oo dheeri ah oo lagu soo afjarayo xaaladda sharci darrada ah ee derbiga.

    Netherland

    Ka guurista xaruntii Ururka Caafimaadka Adduunka ee magaalada ee Alexandria ee dalka Masar 1980:

    Bishii Maajo 1980, Golaha Caafimaadka Adduunka, oo ah hay’adda ugu sarreysa ee go’aaminta ee Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa soo gudbiyay codsi ku saabsan ra’yiga la-talinta maxkamadda ee ku saabsan wareejinta suurtagalka ah ee Xafiiska gobolka WHO ee Bariga Mediterranean ee gobolka Alexandria ee dalka Masar.

    Bishii Luulyo ee isla sanadkaas, maxkamaddu waxay muujisay ra’yigeeda la-talin ee ah in haddii xarunta dhexe ee xafiiska gobolka loo wareejinayo waddan kale, in Ururka Caafimaadka Adduunka iyo Masar “ay qaadeen waajibaad wadajir ah oo ku saabsan in wada hadal iyo wada tashi laga sameeyo qabanqaabada kala duwan ee lagama maarmaanka u ah fulinta wareejinta.”

    Arrinta Saxaraha Galbeed, 1975:

    Bishii diseembar, 1974, Golaha Guud wuxuu codsaday ra’yiga la-talinta ah ee maxkamadda kaas oo ahaa “Saxaraha Galbeed oo xilligii gumeysiga ku haystay Isbaanishka loo aqoonsado dhul aan cidina lahayn,” iyo sidoo kale wax laga weydiiyay “xiriirka sharciga ah ee ka dhexeeya dhulka, Boqortooyada Morocco, iyo kooxda Mauritania.”

    Oktoobar 16-keedii, maxkamaddu waxay la wadaagtay ra’yigeeda, iyadoo sheegtay in “qalabka iyo macluumaadka loo gudbiyay ay muujinayeen jiritaanka xiriir sharci ah” xilligii gumeysiga Isbaanishka, oo u dhexeeya boqrtooyada Morocco iyo qaar ka mid ah qabaa’ilka ku noolaa gobolka Galbeedka Saxaraha. , iyo sidoo kale xiriirka sharciga ah ee ka dhexeeya “Mauritania”.

    Wax yar ka dib, maxkamaddu waxay soo saartay go’aan ay ku siisay xaqa aayo ka tashiga dadka deggan Saxaraha Galbeed, taas oo uu diiday boqorkii Marooko ee waagaas, Boqor Xasan bin Maxamed.

    Marooko waxay u aragtaa Saxaraha Galbeed inay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah dhulkeeda.

    BBC SOMALIA IGASHO

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026

    DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

    February 7, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026

    DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

    February 7, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.