Munaasabadda dabaal-degga Aas-aaska Dowladda Hirshabelle oo Xalay ka Dhacay dhammaan degmooyinka Waaweyn ee gobolka Hiiraan, ayaa munaasabadda Maalintadda Hirshabelle ee 5-ta Oktoobar waxaa caawa lagu qabtay degmada Buula-burde.
Guddoomiyaha degmada Buula-burde Mudane Xasan Maxamed Cabdi Duqa degmada Mudane Cabdisalaan Hagar iyo qeybaha bulshada ayaa ka qeyb-galay munaasabadaasi.
Madaxda iyo bulshada degmada Buula-burde ayaa hambalyo u diray dhammaan dadka ree Hirshabelle, waxa aayna u Mahadceliyeen Madaxweynaha dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ka shaqeeyay Hirshabelle loo dhanyahay mideeysan biloowday in aay Argagaxisada iska xoreyso isla markaana ku talaabsatay horumar baaxad leh oo muuqda.