Munaasabadda Caleema-saarka Nabadoonka guud ee beelweynta Cali Madaxweyne Nabadoon Cabdi Muumin Guuleed oo maanta ka dhacday degmada Maxaas waxaa ka qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye Nabadoonada Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan iyo boqolaal kamid ah qeybaha bulshada.
Madal dhaqan iyo Munaasabad Caleema saar tii ugu maqaam sareeysay ee hoggaan dhaqan gobolka Hiiraan meel kamid ah loogu qabto ayeey ku tilmaamneyd munaasabadda Caleema-saarka Nabadoonka mesha Cali Madaxweyne Nabadoon Cabdi Muumin Guuleed.
Degmada Maxaas iyo dadkeeda ayaa Taariikhda baal dahab ah ah ka galay nabadoon Cabdi Muumin Guuleed ayaa noqday muddo dheer kaddib Nabadoonkii ugu horeyay ee isaga oo lagu mideysanyahay lagu doorta degmada Maxaas .
Waxaa mar kale hoosta laga xarriiqay in dhaqanka beesha Xawaadle guud ahaan, gaar ahaan na Nabaddoonka Cali Madaxweyne, ka miisaan culus yahay maqaam walba oo siyaasi ah, weli na ay reerku hoggaankooda ayagu si wadajir ah go’aan uga gaari karaan.